HomeJewigii Daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo 15-jirsaday iyo Xiisaha...

Jewigii Daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo 15-jirsaday iyo Xiisaha Sannadkan ku duugan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Sabtida maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay toddobaadka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta (Hargeisa International Book Fair), waxaanu bandhiggu socon doonaa muddo lix maalmood ah laga bilaabo 23-ka ilaa 28-ka bishan July, iyadoo muddada uu socdo lagu soo bandhigi doono barnamijyo kala duwan.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo 15-jirsaday, waxa sannad kasta hal-ku-dheg looga dhigaa mawduuc cusub oo xambaarsan danaha guud ee Qaranka Somaliland halka sidoo kale bandhig kasta lagu soo marti-qaado Waddan gaar ah

Bandhigga 15aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo saaka ka furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay “Wada-jirka”, halka martida gaarka ah ee sannadkan lagu soo sharfay noqday waddanka Senegal oo agabkiisa hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhdiisa dhaqan ee uu leeyahay lagu soo bandhigi doono maalinta Berri , waxaana ka soo qeybagalay Wefti ka socda waddankaas.

Daah-furka Bandhigga oo sannadka kasta lagu soo bandhigo buugaag kala duwan iyo farshaxanno waxa goob-joog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Dastuurka, Maayarka Hargeysa, wufuud ka kala socotay dalalka Caalamka, dublomaasiyiin, Ganacsato, Abwaanno, Qorayaal, farshaxanno iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi gobollada dalka.

Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, ahna Aasaasaha Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa soo bandhigay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Bandhigga Buugaagta Hargeysa iyo muhiimadda uu Qaranka ugu fadhiyo.

blank“Ku soo dhawaada 15-guurada bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa. Waa 15-sannadood oo la dareemay faa’idada uu u keenay qarankan iyo umaddan Somaliland oo sannad kasta lagu soo bandhigayey mowduucyo kala duwan oo xambaarsan danaha Qaranka. Waa 15 sannadood oo maanta hana-gaadh ah, suurto-galisayna madal midaysay umaddan ciddii u soo fekertay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Dr Jaamac Muuse Jaamac.

blankMaayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge ayaa isagoo ku hadlayey magaca caasimadda soo dhaweeyey wufuuddii ka kala socotay caalamka ee ka qayb-galay Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxaanu bogaadiyey doorka ay ku leedahay horumarka Dhalinyarada.

blankProfessor Siciid Saalax oo ka mid ah suugaan-yahanka iyo af-yaqaanka Soomaalida ayaa sharxay muhiimadda bandhiga Buugaagtu u leeyahay bulshada iyo is-dhexgalka dadka iyo dalalka deriska ah, isagoo ka sheekeeyey qiimaha ay lahaayeen hal-ku-dhegyadii hirgalay ee lagu suntay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 15-kii sanno ee u dambeeyey.

blankMaamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka mid ah ganacsatada lagu soo marti-qaaday Bandhigga, ayaa yidhi, “Dahabshiil haddaanu nahay waxaanu u aragnaa haddii la mideeyo Dhaqanka iyo dhaqaalaha in umaddu horumar samayn karto, waayo dhaqanku waa ka dadka isu soo dhaweeya, ganacsataduna meel walba way tagaan.

blankMadaxa Xafiiska dublomaasiyeed ee Dowladda boqortooyada Ingiriisku ku leedahay Hargeysa, Lizzi Brown, ayaa dhankeeda xustay muhiimadda uu bulshada u leeyahay bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ay ku tilmaantay madal muhiim ah oo kulmisay xirfad-yahanno iyo Aqoonyahanka dalka, waxaanay halkaan ka ballan-qaadday inay dowlad ahaan taageerayaa horumarinta akhriska iyo Qoraalka oo ay ku tilmaantay muhiimadda ugu weyn ee bandhiggani leeyahay.

blankSafiirka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland Allen Chengwa Lou, ayaa dhankiisa ka dareen-celiyey sida uu u arko Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa, waxaanu xusay inay Somaliland iyo Taiwan kawada shaqeyn doonaan carwooyin iyo bandhigyo kuwan oo kale ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay inay dowlad ahaan bogaadinayaan cid kasta oo qayb ka ah qaban-qaabada iyo suurta-galinta qabsoomidda Carwada Caalamiga ah ee Hargeysa, isagoo si weyn u soo dhaweeyey taageerada ay ka geystaan saaxiibbada Somaliland ee Caalamka.

blankWasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa dhankiisa bogaadiyey doorka Bandhigga Buugaagta Hargeysa ka qaato iib-geynta Qadiyadda madax-bannaanida iyo Aqoonsi-raadinta Somaliland, waxaanu maamulka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku ammaanay heerka ay soo gaadhsiiyeen iyo horumarka ka muuqda Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

blankMadaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici (SAYLICI) oo si rasmi ah u daah-furay bandhigga 15aad ee Carwada Hargeysa, ayaa si weyn u ammaanay doorka wax-qabad ee Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo muhiimadda ay qaranimada u leedahay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

“Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa Jaamac Muuse Jaamac iyo hawl-wadeennada inay joogteeyaan muddo 15 sanno ah. Hay’ad kasta oo la bilaabo wakhti ayay qaadataa, laakiin waxa kaliya ee aynu ku qiimayn karnaa muddada ay jirto iyo sida loo joogteeyo. Waxa aad u muhiima in 15-kaas sanno oo joogto ah halkaas la soo gaadhsiiyo oo ay noqoto hay’ad qaranka gudihiisa wax weyn ka tarta oo dhiirri-gelisa akhrista iyo dhalinyarada,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Bandhigga Bugaagta ee Hargeysa ku tilmaamay barnaamij indhaha caalamka ku soo jeediyey Somaliland.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo muddo toddobaad ah ka socon doonta xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa ah munaasibad-dhaqameed sannad kasta lagu bandhigo Arrimo khuseeya dhaqanka, buugaagta, suugaanta, bandhig-faneed iyo aqoon-wadaagis loo soo bandhigo wufuud ka socota in ka badan 30 dal oo sannad walba lagu soo marti-qaado.

blankCarwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa sannad kasta si gaar ah loogu maamuusaa mid ka mid ah waddamada caalamka oo dhaqankiisa iyo hiddihiisa wax laga barto, waxaana loo asteeyaa mowduuc gaar ah oo sannad kasta  hal-ku-dheg looga dhigo bandhigga.

Waddanka Ethiopia ayaa ahaa martida gaar ah ee lagu maamuusay bandhiggii ugu dambeeyey carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo la qabtay sannnadkii hore, waxaanu bandhiggaas ku lifaaqnaa bandhiggii carwada ee sannadkii 2020-kii oo u baaqday saamaynta uu adduunka ku yeeshay cudurka Covid-19.

blankMarkii u horeysay ee la bilaabay barnaamijka martida sannadkan ee Bandhigga ahayd sannadkii 2012-kii waxa marti ku ahaa dalka Jabuuti, halka sannadihii ku xigay ee 2013-kii ilaa 2018-kii ay marti ku ahaayeen dalalka Boqortooyada Ingiriiska Malawi, Nigeria, Ghana, South Africa iyo Rwanda.

blankBandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Ururka Redsea Culutural Foundation, ayaa markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2008-dii, waana Bandhigga ugu ballaadhan ee Buugaagta ee waddamada Geeska Afrika lagu qabto.

blank blank blank blankblank blank blank blank blank blankblankblank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories