HomeJewiga Xil-wareejinno Is-barkan oo Saaka ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta iyo Weedhihii Hadalladii...

Jewiga Xil-wareejinno Is-barkan oo Saaka ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta iyo Weedhihii Hadalladii laga jeediyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Cusub ee Wasaaradaha Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Iyo Horumarinta Biyaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa maanta munaasibad is-saar ah xilalka kula kala wareegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

blankMunaasibadda waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Afhayeenka Madaxweynaha, Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha,Badhasaabka Gobolka Xayaysimo,Basaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex,Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Gudida Qandaraasyada,Mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda, Shaqaale weynaha Labada Wasaaradood ee Horumarinta Biyaha iyo Warfaafinta.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaadda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalin Xasan Maxamed Muuse iyo Ayaan Cabdirisaaq Jaamac oo u mahadnaqay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta sida wanaagsan ee uu ula soo shaqaynayey Shaqaalaha.

blankSidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Masuul ka tirsan wasaaradda Horumarinta Biyaha Mustafe Maxamed Ciise iyo Agaasimaha Tvga Qaranka oo kalmado qiimo badan halkan ka soo jeediyey.

Waxa kaloo xafladaasi ka hadlay Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex,Xubno ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradahaasi,qaar ka mid ah Shaqaale weynaha Labada Wasaaradood ee Warfaafinta Iyo Horumarinta Biyaha .

Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa ka warbixiyey waxqabadkii balaadhanaa ee uu soo qabtay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa sharraxay waxqabadkii uga hirgalay Wasiirkii hore ee Warfaafinta ahna Wasiirka Biyaha.sidoo kale waxa uu Agaasimaha Guud qiray in shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu ay yihiin kuwo u hagar baxa hawlaha ay qaranka u hayaa.

Geesta kalena, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye haatana ah Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa wasiirka cusub ku wareejiyey waaxyaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay,wasiirku waxaa kale oo uu ku wareejiyey idaacada fm.ta ee Gobollada.

Gabagabadiina waxa halkaasi hadal dheer ka jeediyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) horena u ahaa Wasiirkii hore Wasaaradda horumarinta Biyaha ayaa ka waramay Waxqabadkii u suurto galay mudadii xilka ka hayey Wasaaradda Horumarinta Biyaha.sidoo kalena waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay in uu si wanaagsan ula shaqayn doono.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories