HomeJewiga Munaasibaddii Xuska 62-guurada Maalinta Xorriyadda Somaliland ee 26 June + SAWIRRO

Jewiga Munaasibaddii Xuska 62-guurada Maalinta Xorriyadda Somaliland ee 26 June + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa Xalay lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo lagu xusay sannad-guurada 62-aad ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska oo ku beegnayd 26-kii June 1960-kii.

Munaasibaddan Qaran oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Madaxweyne ku xigeeno hore, xildhibaanno, wasiirro, safiirro, diblomaasiyiin, madaxda xisbiga KULMIYE, hoggaanka qaar kamid ah ururrada siyaasiga ah ee dhawaan la daah-furay, waxgarad iyo haldoor kale oo qaybaha kala duwan iyo marti-sharaf tiro badan oo labeenta bulshada u badan.

Ugu horrayn kooxda fannaaniinta Qaranka, ayaa munaasibadda kusoo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumaysa qiimaha ay leedahay maalinta 26-ka June iyo sida ay u tahay maalin qarankani ku dhaato iyo horumarka dalku gaadhay muddadii uu jirey.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay qiimaha maalintani Qaranka ku taagan tahay, dedaalkii xorriyadda la geliyey iyo sida ay ugu qalanto in mar kastaba qiimaynteeda iyo muunaynteeda meel sare la gaadhsiiyo.

blankGuddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa bulshada ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda, waxana uu madaxda axsaabta mucaaridka usoo jeediyey inay sharciyadda dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan leh, ayaa ugu horrayn bulshada ugu hambalyeeyey munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, isaga oo sharraxay guulaha Somaliland gaadhay muddadaa ay xorriyaddeeda haysatay.

Siyaasadda arrimaha dibadda ay guulaha Jamhuuriyadda Somaliland caalamka intiisa kale ka gaadhay iyo sida ay usoo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee dunida, ayuu madaxweynuhu ka sheekeeyey, isaga oo tusaale usoo qaatay dalweynaha Maraykanka iyo saaxiibtinimada midho-dhalka leh ee ay Somaliland la samaysatay,“Maanta waa markhaati ma doon in Somaliland xorriyaddeeda iyo ictiraafkeeda iyo waxqabsigeeda ay meelaha adduunka looga taliyo oo ay Washington Baarlameenkeedu ka mid yahay ka wado hawlo uu Somaliland wax kula qabsanayo, ingiriiskuna ka wado, caalamka intiisa badanina sidaas oo kale Somaliland la wado, taasina waxay ku timi dedaalkii dadkeena kolba intii joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

blankQaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku-tiisanaanta wax soo saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee ku timi quutal daruuriga.

Ugu dambayntii, markii ay saacadda geeska Afrika gaadhay 12:00-kii habeennimo, ayaa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo uu madaxweynuhuna salaan siiyey calanka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories