HomeJeneraal Cali Samatar oo Qirtay inuu amray Xasuuqii loo geystay Shacabka Somaliland...

Jeneraal Cali Samatar oo Qirtay inuu amray Xasuuqii loo geystay Shacabka Somaliland qaarkood iyo Go’aanka Xaakimka Gacanta ku haya Dacwadda oo la sugayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Virginia, 24 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynihii hore ee maamulkii Siyaasad Barre isla markaana ahaa wasiirka Gaashaan-dhigga ee xilligaas Jeneral Maxamed Cali Samatar ayaa maxkamad hortood ka qirtay inaanu sii wadi karin dacwadda lagu haysto isaga oo qirtay inuu galay dambiyo dagaal.

Xukunkan maxkmadeed oo muddo todoba sanno ah ka socday maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa maalintii shalay ku soo gebo-gaboobay maxkamad Federaal oo ku taala gobolka Virginia ee dalkaas ka dib markii ninkii ay dacwaddu ku socotay oo ah General Maxamed Cali Samatar uu qirtay ku-luglahaanshiyaha dambiyo dagaal iyo meel-ka-dhaca xuquuq bani’aadam oo uu ka gaysatay dalka Somaliland sannadihii siddeetamaadkii, wakhtigaas oo uu ahaa wasiirka Gaashaan-dhigga iyo taliyaha Guud ee ciidamadii dawladdii kacaanka ee Soomaaliya.

Dacwadda Kiiska loo haysto Cali Samatar waxa ku oogey muwaadiniin Somaliland u dhashay oo dalkaas ku nool, kuwaas oo sheegay in ciidamada Cali Samatar maamulayey ay u geysteen jidh-dilka, kufsi, dhac, Xadhig, iyada oo mid ka mid ahi uu ka badbaaday xasuuqii laga geystay Xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho. Shakhsiyaadkan u dhashay Somaliland ayaa dacwadda kiiska Cali Samatar u gudbiyey maxkamadda ka dib markii ay ogaadeen inuu ku nool yahay Maraykanka, iyaga oo garabsanaya xeerka Torture Victim Protection Act oo sannadkii 2006 laga ansixiyey maxkamadda Sare ee Maraykanka si loo xaqiijiyo inaanu dalkaasi gabbood u noqon shakhsiyaad xasuuq iyo meel-ka-dhac xuquuqda bani’aadamka ka dhan ah ka geystay waddamadii ay ka yimaaddeen.

Muddadaas todobada sanno ah ee ay dacwaddu ku socotay, Cali Samatar waxa uu isku dayey inuu ka hortago xukun ku dhaca, waxaanu ku guul-darraystay hal mar oo kiiskiisa ay qaadaysay Maxkamadda Sare, laba jeer oo ka dambeeyey oo uu ku fashilmay Maxkamadda Rafcaanka ee Federal, waxaanu isku dayey inuu sameeyo isku-daygiisii ugu dambeeyey. Wakhti dambe oo ahayd habeenkii Axadda ee todobaadkii hore, waxa uu u gudbiyey maxkamadda inaanu haysan wax lacag ah oo uu isku difaaco, taas oo aan suurto-gal ka dhigteen inuu qabsoomo dacwadda todobaadkan loo ballan-sanaa.

Haseyeeshee, isku-daygaasi wuu fashilmay, sidoo kale. Maalintii Khamiista ee Shalay, waxa uu Cali Samatar Maxkamadda horteeda ka qirtay dacwadda dambiyada loo haysto. Intaas dabadeed, Xaakimkii maxkamadda oo ahayd haweenay lagu magacaabo Leonie Brinkema, waxay gudo-gashay dhegaystiga caddaymaha ka warramaya dambiyada uu qirtay ee lagu oogi doono.

Marka lagu daro caddaymaha laga helay dadka dhibbane-yaasha ah ee dacwadda ku soo oogey, Xaakimku waxa kale uu dhegaystay sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Maraykanka oo ka xog-bixiyey baaxadda ay le’egyihiin dambiyada dagaal ee Ciidamadii uu Cali Samatar Xukumayey ay geysteen. Sidoo kale, waxa caddaymo loo adeegsaday muuqaal Cajalad ah oo ka hadlaya lagaha dad la xasuuqay oo laga soo saarayo Xabaallo-wadareeyo iyo sidoo kale wariye BBC-da ka tirsan oo waraystay Cali Samatar isaga oo u sheegay inuu amray in ciidamadiisu duqeeyaan shacabka ku nool meelo dawaddiisa ka soo horjeeday. Waxaanu Cali Samatar hore u sheegay in waraysigaas BBC-du uu ahaa mid la been-abuuray.

Dhegaysida dacwaddan ayaa markii ugu horreysay noqotay tii ugu horreysay ee dambi xasuuq lagu helo Saraakiisha iyo Madaxdii xukunkii Siyaasad Barre, waxaanay tallaabadani uur-ku-taallo iyo deggenaan-sho la’aan ku abuuraysaa cid kasta oo lug ku lahayd dambiyo noocan ah.

Go’aanka ugu dambeeya ee dhibta uu geystay General Cali Samatar ayaa laga rejaynayaa inuu ka soo baxa Garsoore Brinkema Jimcaha maanta ama sida ugu dhakhsaha badan wixii maanta ka dambeeya.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories