HomeJeeg lagula Baxayey Saddex Boqol oo Milyan oo Kashifmay, Ganacsade la Xidhay...

Jeeg lagula Baxayey Saddex Boqol oo Milyan oo Kashifmay, Ganacsade la Xidhay iyo Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqa oo Fadeexaddu saamaysay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Berbera (SLpost)- Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa Xabsiga u taxaabay xalay fiidkii Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo ka tirsan Ganacsatada waawayn ee magaaladaas, waxaana lagu eedeeyey Ganacsadahaas inuu gacanta ku hayo Jeeg Lacageed oo sida eedda loo dhigay la sheegay in laga xaday Waaxda Maaliyadda dawladda Hoose ee Berbera, Jeeggaas oo muujiyey fadeexad musuqmaasuq oo kashifantay.

Jeeggaas oo xaddiga lacagta ku qorani dhan yahay saddex boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah (300,0000), isla markaana u dhiganta lacag gaadhaysa illaa Konton Kun oo Doollarka Maraykanka ah. Waxaana Wargeyska Himilo xogo uu helay xaqiijiyeen in Jeeggaas uu ku qoran yahay Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaaan Maxamed Cali Xirsi oo isaguna isla Berbera ku sugan.

ObamaGanacsate Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo ah Ganacsadaha leh Aw Caqli Super Market iyo Aw Caqli Huteel ee magaalada Berbera, oo aannu khadka taleefanka kula xidhiidhnay xalay, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey in la xidhay muddo saddex saacadood ah oo xalay ahaa, waxaanu yidhi; “Waxa ii yeedhay C.I.D-da, ka dibna waa la I xidhay, waxaanan xidhnaa muddo saddex saacadood, waxaana la igu eedeeyey inaan Jeeg ka xaday dawladda Hoose ee Berbera.”

Mar la weydiiyey inuu arkay Jeegga lagu eedeeyey iyo sida xalay ahaanba lagu soo daayey isaga, waxa uu ku jawaabay; “Jeeggaasi waxa uu si qalad ah u soo raacay Jeegag kale oo aan anigu lahaa, oo aan ka soo qaatay dawladda Hoose, markii dambena waan u celiyey. Dammaanad ayaa la igu soo daayey, waxaana isoo damiintay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi.”

Waxa uu Cabdiwahaab Aw Caqli oo ka jawaabayey haddii uu sidaa dib ugu celiyey Jeeggu markuu arkay inuu qalad u soo raacay, waxa keenay xadhiggiisan, ayuu ku jawaabay; “Xadhiggan la igula kacay waxaan u arkaa mid ay keentay maamul-xumo iyo xafiiltanka masuuliyiinta ka dhexeeya ee ku aaddan musuqmaasuqa.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqa iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo isagoo ku sugan magaalada Berbera isla xalay Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey arrintan, ayaa ku jawaabay; “Arrintaas wax aan ka ogahay haba-yaraatee ma jirto.”

Hase-yeeshee, Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu khadka taleefanka dhiniciisa arrintan wax ka weydiiyey, ayaanay noo suuragelin inaannu wax jawaab ah ka helno taleefankiisa gacanta oo xidhnaa dartii. Sidoo kalena Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey dhacdadan, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ka bixiyo.

Lacagta ku dhaw kontonka kun ee Doollar, ayaa la sheegay in lagula baxayey Mashruuc dhirayn ah oo laga hirgelinayo magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil. Mashruucaas oo la sheegay inay ku hirdamayeen laba Garab oo ka wada tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo la sheegay inay yihiin kuwa ugu dhadhaw Duqa Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka degmadaas oo ay la kala safan sida la sheegay Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana la filayaa in Maamulka gobolku arrintaas Khamiista Maanta kaga gar-niqi doono isla Berbera.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories