HomeJAYLAANI: Abwaan Ka Dhex-mudhay Hal-abuurka Soomaaliyeed oo Afka Hooyo Hees u Sameeyey

JAYLAANI: Abwaan Ka Dhex-mudhay Hal-abuurka Soomaaliyeed oo Afka Hooyo Hees u Sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hal-abuurka Dhalinyarada ah ee Reer Hargeysa Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo ka tirsan Bahda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa ku guulaystay inuu noqdo Abwaankii ugu horreeyey ee Hees u sameeya Afka Hooyo ama Luuqadda Soomaaliga, taas oo ah Heestii koowaad ee inta la hayo ama la ogyahay mid ka mid ah Hal-abuurrada Soomaalidu u sameeyo Afkeenna Hooyo.

Heestan uu Curiyey Abwaan Jaylaani, ayaa Hal-ku-dheggeedu yahay; ‘Afkaygoow Qolo Ma Tihid’, taas oo uu kula hadlay Afka laftiisa, kagana hadlayo inuu yahay Af ama Luuqad ka dhaxaysa dhammaan Soomaalida gobolkasta iyo maamulkasta oo ay kala sheegtaan, siyaasad kasta oo ay isku-qabtaanna aanay saamayn doonin ee uu yahay Af Qani ah oo Illaahay Qorshe iyo Qoom ugu talo-galay, isla markaana aan Qaxooti ku ahayn Dunida.

Waxaa Heestaa isu dhiidhiibaya ama wada-qaadaya Shan Hoobal ooo ka tirsan Fannaaniinta Kooxda waayadan dambe laga daba dhacay ee Xiddigaha Geeska, kuwaas oo kala ah; Maxamed-Cirro, Khadra Cabdi Silimoo, Mursal Muuse, Cabdirisaaq-Anshax iyo Ugbaad-Aragsan. Heestan waxaa Laxanka Macaan ama Hab-dhaca Luuqda ku ladhay Laxamaystaha, Kamanaystaha Maxamed Miyir Xaaji, Muusiga macaan waxa raaciyey oo tumay Axmed-Weli Furinle, Duubista Xiddigaha Geeska, waxaana Muuqaal Qurxoon oo ay toddobaadkii hore ku soo baxday Heestaasi Duubay Farsamo-yaqaannada Xiddigaha Geeska.

Haddaba, Heestaas oo noqotay middii ugu horreysay ee ka hadlaysa qiimaha, qani-nnimada iyo wanaagga Afka Hooyo leeyahay, sida Dadkiisi u kala qayb-qaybsameen ee ay u saameeyeen Siyaasadaha Shisheeye, Qabyaaladda iyo isku-qabashadooda, haddii dawladdiisi, burburtay, haddii Dadkii lahaa inba meel lagu xidhay iyo sida waxaas oo dhan uu uga bad-qabo. Hestaas Naxweheeda iyo sharraxa Nuxurkeeda oo Qof kasta oo Soomaali ahi fasiran karo muhiimadda ay Afka u leedahay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose Erayadeeda oo dhammaystiran, ee ka bogasho habboon:-

Afkaygoow Qolo ma tihid

Qabiiliyo Reer ma tihid

Qof gaar kuu lihi ma jiro.

Dadkaagaa Qaybsamoo

Qoloba Qolo diiddantee

Adigu Waxa tahay  Af Qudha.

Adduunkiyo Qaaradaa

Astaanbad Qoom u tahay

Qiimaha Soomalinnimo

Ayaad Quwaddiisa tahay.

Afkaygoow Qaran jiraadtay 

Jabuuti Qiimahaaga weeye

Jigjigi Quruxdaada weeye

Gaarisi Qaydkaaga weeye

Muqdisho Qoriddaada weeye

Hargeysi Qamuuskaga weeye

Boorame Qalinkaaga weeye

Bosaaso Qiyaastada weeye.

Bayjka 2-aad:-

Afkaygoow Quus ha noqon

Kolkay is Qardoofayaan

Shantii Qayb kuu lahayd

Qayrkoodba kala diloo

Reeray isu quudhsadaane

Ha  Moodin inaad Qabyowday

Qastiga Abuurte Allana

Qaybaad Dhulka leedahoo

Qorshiyo Nolol-baad Hagtaaye

Adduunka kuma tihid Qaxoonti.

KOORAS AMA DHEXTAAL:-

Afkaygoow  Qaran jiraadtay 

Jabuuti Qiimahaaga weeye

Jigjigi Quruxdaada weeye

Gaarisi Qaydkaaga weeye

Muqdisho Qoriddaada weeye

Hargeysi Qamuuskaga weeye

Boorame Qalinkaaga weeye

Bosaaso Qiyaastada weeye.”

XIGASHO: WARGEYSKA OGAAL

https://www.youtube.com/watch?v=W6NAn7s3rKg

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories