HomeJawar Mohammed: Wax badan ka ogow 34-ka Muddada Kooban Saamaynta ku yeeshay...

Jawar Mohammed: Wax badan ka ogow 34-ka Muddada Kooban Saamaynta ku yeeshay Siyaasadda Ethiopia iyo Xaaladihii u dambeeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Addis Ababa (SLpost)- Muddaharaadyo khasaare nafeed ka dhashay, ayaa maanta gilgilay dhowr magaalo oo ku yaalla dalka Itoobiya, iyadoo dadka mudaharaadayaasha ahi dareenkooda taageero ugu muujinayeen nin lagu magacaabo Jawar Maxamed oo muddo kooban saamayn weyn ku yeeshay Siyaasadda dalka Itoobiya.

blank
Jawar Maxamed – [Sawirka: Tiksa Negeri/Reuters]
Ninkan ayaa la tuhunsan yahay inay siyaasad ahaan isku dhaceen Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay hore xulafo u ahaayeen.

Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel ka dhaco dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Raysalwasaarihii hore Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billowday 2016-kii.

Jawar Maxamed ayaa bartiisa Facebook ku baahiyey in xaley lagu soo weeraray Gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib Markii la sheegay inay ciidammo amniga gaadheen gurigiisa.

Jawaar waxa uu sheegay in ciidammada dowladdu ay ilaalladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa iyada oo aan lagu wargelinin sababta, waxaanu ku andoocaday in tallaabadaas looga dan lahaa in halis lagu geliyo noloshiisa.

Waa kuma Jawar?

Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed waxa aanu u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986 ku dhashay magaalo yar oo lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla duleedka magaalada Harar.

blankJawar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan haysata Mad-habta Orthodox ee dalka Ethiopia.

Waxa uu dugsigisa hoose ku dhigtay dugsiga Katolika oo magaalada Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarena waxa uu dhameeyey sannadkii 2003 oo ku qaatay dugsi ku yaalla magaalada Adama.

Markii dambe waxa uu deeq waxbarasho ka helay College-ka United World College oo ku Yaalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey sannadkii 2005-tii. Markii dambe waxa uu waxbarasho u tagay dalka Maraykanka isagoo ku biiray Jaamacadda Standford oo uu shaahaadada B.A ku qaatay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009-kii. Jaamacadda Columbia ee Isla dalkaas ayuu markii dambe shahaadada labaad ee M.A ka qaatay isaga oo bartay Cilmiga Xuquuqda Aadanaha sannadkii 2013-kii.

Sannadkii 2006-dii oo uu wax ka baranayey jaamacadda Standford, waxa uu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamiga ha (IOYA), isaga oo billaabay dhaqdhaqaaq uu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ku dhiirri-gelinayo in ay midoobaan si ay u raadiyaan Qaddiyadda qowmiyadda Oromada.

Kacdoonkii isbeddel-doonka

Jawar waxa uu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool uu hormuud u ahaa.

Jawar Maxamed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubinta ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee lagu magacaabo ‘QEEROO’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaa, waxa uu Jawar si gaar ah ugu soo caan baxay jid-gooyooyinkii maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu Raysal-wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn iscasilo, xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

blank
Jawar Maxamed

Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha telefishiinka Caalamiga ee OMN (Oromia Media Network) oo af-Oromo ku baxa markii dambana af-Amxaari lagu biiriyey.

Waxa uu Dalka Itoobiya ku soo laabtay markii uu isbeddelku ka dhacay sannadkii 2018-kii.

Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri kara baraha bulshada ku tabiyo, balse mar la weydiiyey arrintaas, gebi ahaanteedaba wuu beeniyey.

Waa sidee Xidhiidhka Abiy Axmed iyo Jawar?

Raysal-wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxa ay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, xilligii uu Jawar dalkaas tagayay sannadkii 2018-kii, Dr Abiy waxa uu u soo dhaweeyey si maqam sare ah.

Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy.

Dr Abiy Axmed ayaa shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagay, waxa uu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixii hadda ka dambeeyana aan loo dul-qaadan doonin dhibaatooyinka ay wadaan.

“Waxaanu ku dedaalnay inaanu is-xakamyno inta itaalkayaga ah, laakiin hadday tani ku sii socoto inay khatar geliso ammaanka iyo jiritaanka Itoobiya, ku hadal Af-Oromo ama Af-amxaari ka aad tahayba, sidaad doonto yeeli maysid, tallaabo ayaanu qaadi doonaa,” sidaas ayuu Dr Abiy ku sheegay hadalkiisa.

Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada Federal ah xalay gurigiisa ugu galaan.

Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda Federaalka ula dhaqantay, ayaa maanta xidhay qaar ka mid ah waddooyinka ku yaalla magaalooyinka deegaanka Oromada ee dalkaas.

Dhacdooyinkii u dambeeyey

Boqolaal Qof oo ka gadoodsan Ciidamada Federaalka, ayaa maanta isku xeeray guriga magaalada Addis Ababa ka deggen yahay Jawar Mohammed.

blankSida ay soo tabisay wakaaladda Wararka ee Reuters, ilaa 400 oo dhalinyaro ah ayaa bannaan-bax ka hor sameeyey guriga Jawar, iyagoo sitay boodhadh ay taageero ugu muujinayaan.

Sida ay sheegeen masuuliyiin dowladda Itoobiya ka tirsan, tiro dad ah ayaa ku geeriyooday bannaan-baxyo ka dhacay Magaalada Adama ee Ismaamulka Oromada, kaddib markii ay isku dhaceen ciidammada ammaanka oo rasaas u adeegsaday mudaharaadeyaasha.

 

Somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories