HomeJawaabtii Madaxtooyada, iyo jiibtii Faysal! - Qalinka: Maxamed Haaruun

Jawaabtii Madaxtooyada, iyo jiibtii Faysal! – Qalinka: Maxamed Haaruun

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
  • maxamed-HaaruunDusduskiyo khiyaamadu.
  • Haday dunida ceeb tahay.
  • Noo dabeecad weeyaan. (Gaariye)

Wax loo shan tiriyo ba, shalay baa warkii yimid. Doorashadii baarlamaanku wakhtigii la isku ogaa ma ku dhacayso, wakhti cusub na looma qabanin. Warkan oo madaxtooyada ka soo baxay isaga oo kooban sidaas baa uu ahaa. Waa in la liqo, qofkii ay ku adagtahay na, waa in uu biyo ku liqo Hadii uu doono, Hadii kale na, isaga ayaa ay u taalaa. Maasjidka ciyaarta ha laga dhaafo!

 

Durbadiiba waxa hadlay, oo warkaas xaqiijiyay, sheegayna in ay sidaasi xalkii saxda ahaa tahay, af-hayeenka aan rasmiga ahayn ee xukuumadda Somaliland, waa Faysal keligii xisbi. Warka Faysal waxa uu macno ku fadhiyo, ciladda dib-u-dhigga keentay, iyo cidda loogu danaynaayo ayaa aan qormadan ku falanqayn. Marka aad qormadan ila eegayso, maanka igula hay ereyadii Hadraawi:

 

  • Qofba wuxu ku dagan yahay,
  • Halkuu daacad kaga hadho.
  • Cudurrada dad leeyahay
  • Dawadoodu qaar bay,
  • Dacar iyo dhunkaal tahay. )Isa sudhan, 1986, Hadraawi)

 

Marka la eego sida foosha xun, ee xoogga u qaawan, ee Faysal, xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu ay isugu walaaqanyihiin, warkiisu haba yaraatee wax ka soo qaad ma laha, waana la sii ogaa awalba waxa uu odhanaayo. Bal u fiirso, aroorta Hadii Madaxtooyadu war kale soo saarto, oo sheegto in ka dib markii ay dawladdu xoog iyo xoog ugu fiirsatay xarfaha “J” iyo qodobka “G” ee distoorka, ay doorashadii dhacayso, qofka koobad ee taageeraaya waa isaga qudhiisa. Tan baarlamaanka iska daaye xataa midda madaxtooyada Hadiiba ay qabsoonto, oo Kulmiye ku shubto, wixii uu Faysal odhanaayay ayaa maantadan diyaar ah. Faysal xukuumadda iyo Kulmiye ba waa ay u baahanyihiin manta iyo berito ba sida ay iyaka lla tahay. Ha moodin in laga barakaysanaayo marka diyaaradaha lagu sido, ee qolka dambe ee madaxtooyada lagu hayo, ee jeebabka loo soo buuxinaayo, ee guriga 250 kun ee doolar ah haatan dhismihiisa loogu wado. Runtu se waxa ay tahay, in wax kaga xumaada mooyee aanay waxba ka helaynin. Inta ay ku waayayaan baa ka badan inta ay la tahay in ay ka dheefayaan.

 

Al-muhim, Afarta qodob ee madaxtooyada laga soo saaray, ee doorashada ku saabsan Hadii la soo koobo, laba kalmadood uun baa ay ku soo ururaysaa – Wakhti ku filan ma la hayo, iyo doorashada dib ha loo dhigo. Somaliland waxa ay haysatay 11 sanadood iyo badh, shan sanno oo ka mid ah mooyee inta kale na, xukuumadda hadda joogta ayaa fadhiday. Ciladdda meesha taalaa ma aha, mana ahayn marnaba, in la waayay wakhti lagu diyaar garoobo, ee wa fashil xaqiiqo ah oo siyaasadeed. Waa fashil iyo gaabisnimo ka soo bilaabatay xiligii Riyaale, lix iyo badh ka sano ee Siiraanyo na xididka sii fogaysatay. Kolka ad sidaas u eegto, laba xaqiiqo ba cidi qaadan mayso – In cidhiidhi dhinaca wakhtiga ah awgeed loo xallin waayay qabsoomidda doorashada baarlamaanka, iyo in wixii wakhtigaas oo dhan la qaban waayay, imika la qabanaayo. Haa, cidina ma qaadan karto. Caruurta yaryar ee iskuulada dhigata ayaa aan taas iibsanaynin. Cidi ma qaadanayso marka aan leeyahay ma ku daraayo guulwadayaasha hunguriga indhaha ku leh, ee ilaa lafaha hoose ay qudhmeen, ee degmo kastaba jooga,. Waxa aan sheegayaa dadka wixii miyir qaba, oo iyaku na degmo kastaba jooga.

 

Doodda ah in aan loo jeedin in doorasho baarlamaan dahcdo, waxa marag u ah, qorshe hawleed qeexan oo doorasho baarlamaan lagu gaadho lama soo ban dhigin, wakhti ay doorasho dhacayso na afka lama soo marin haba yaraatee. Qisadan hal dhinac uun baa laga eeggay, waana sedan: waxa loo arkay doorashada baarlamaanku in ay khatar siyaasadeed ku tahay Kulmiye, lixda degmo ee Waqooyiga ayaana gun-dhig u ah halistaas. Talaabo kasta oo la qaado, oo ay ku jirto degmooyin laaluush ah oo dhawaan la magacaabay, xilal tiro badan oo la bixiyay, doorashada baarlamaanka oo dib loo dhigay iwm, hal koox ayaa loogu danaynayaa. Runta biyo kama dhibcaanka ahi taas weeyaan. Ciddii la doono ba ha loogu daneeyo, kol se Hadii aanay Somaliland dan iyo muraad toona ka lahayn sharci lagu dhaqmo iyo shaqo barlamaan toona, waxa wacnayd in gebigiisa ba la kala diro, kharashka ku dhawaad 200 oo kun ee doolar, ee bishii ku baxda na, cisbitaalka Hargeysa lagu wareejiyo.

 

Hadal iyo guntii, saami-qaybsiga Baarlamaanka Hadii ciladdu tahay, cidda saluugga qabtay waxa koow ka ahaa bulshada Reer-Awdal, iyaka na Hadii uu Madaxweynuhu la fadhiisto, oo waydiiyo Hadii ay 13 ka xubnood ee gobolkooda matalaaya diidanyihiin, bal in ay soo jeediyaan tirada ay cadli u arki lahaayeen. Markaa wixii ay sheegtaan, xitaa Hadii ay labanlaab doonaan, uu u saxeexo, sidaas na lagu socdo ilaa inta tiro koob dadwayne oo dhab ah la samaynaayo, waxba ma xumaadeen, cidina kama hor timaadeen. Saami qaybsigu waa hadba wixii lagu heshiiyo uun ee ma aha aayad quraan ah. Wixii lagu heshiiyo uun baa sharci ah, xal na lama waayeen, waan se laguba dayin. Waa u jeednaa doorashadii baarlamaanku halka ay ka baxday, midda madaxtooyada na aan eegno.

 

 

-Dal waxaan ku noolnahay.

-Runtu arag daraysoo.

-Daadihi la yidhi been.

-Dusduskiyo khiyaamadu.

-Haday dunida ceeb tahay.

-Noo dabeecad weeyaan. (Gaariye)

 

  1. Haaruun – mbiixi@gmail.com
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories