HomeJarriidada Washington Times oo warbixin Qoto-dheer ka Diyaariyey Hannaanka Maamul iyo Dimuqraadiyadda...

Jarriidada Washington Times oo warbixin Qoto-dheer ka Diyaariyey Hannaanka Maamul iyo Dimuqraadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington  (SLpost)- Warbixin hay’ada CIA, ee 2013 ayaa lagu sheegay in Somaliland, oo bedkeedu dhan yahay isugeynta gobolada Virginia iyo West Virginia, ku naaloonayso xasilooni degan, dedaalna ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamkooda dimoqraadiga ku dhisan.

Jariidada oo shalay wareysi la yeelatay wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/lahi Cumar, ayaa ku bilowday sidan:

Dalkan dimoqraadiga xasiloon waxuu ku yaalaa hadhka Soomaaliya, goob colaado iyo mushkilado argagxiso hafiyeen, Geeska Afrika.

Waxay abuurteen xukuumada iska leh dastuurka Maraykanka oo kale. Dadka ku noolna waxa lagu qiyaasaa ilaa 3 Milyan iyo badh, halka sidoo kalena ay u dhoofiyaan ilaa 4 milyan oo neef, sannad walba macmiilkooda ugu weyn, Sacuudiga.

Waxay qabsadeen doorashooyin,  isla markaana madaxweynahii laga guulaystay waxuu si nabadgelyo ah xilkii ugu wareejiyey mucaaradkii.

Dr-Maxamed-CabdilaahiBalse, muuqaaladaa dhamaantood tilmaamaya dalnimada, Somaliland, weli aqoonsi la’aan ayey ka taagan tahay dhamaan wadamada Aduunka. Waa jaarka Soomaaliya, ee ku soo jirtay colaado iyo abaaro 22 sannadood u dambeeyey, halka Somaliland si xasiloon u abuuratay nidaam dimoqraadi shaqeynaya.

“Waa tusaale gobolku ku deyan karo,” ayuu u sheegay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr, Maxamed C. Cumar, jariidada Washington Times dhowaan.

Booqashada Washington ee Madaxweynaha Somaliland, Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) iyo wefdiga la socda ayuu Wasiir, Maxamed ku sheegay ujeedadiisa inay masuuliyiinta Maraykanka xog buuxda ka siiyaan horumarka Somaliland gaadhay, iyo ka ololeynta aqoonsi laga helo Maraykanka.

Waxuu sheegay in wadamo badan oo qaarada Africa ‘hakinayaan aqoonsigooda” ilaa wadamada reer Galbeedku u bilaabaan.

” Aqoonsiga Somaliland ma jiro sharciyan wax diidaya, keliya, waa siyaasad,” ayuu raaciyey.

Soomaaliya, ayaa ka abuurantay sannadkii 1960-kii midowgii labadii dhinac ee Ingiriiska iyo Talyaaniga maxmiyada u ahaa. Maxamed Cumar, ayaa sheegay in hadafku markaa ahaa sidii loo heli lahaa shantii Soomaaliyeed.

Hadafkaasi wuu guuldaraystay. Markii xukunkii ay afgembi kula wareegeen ciidamada, oo keli-taliyahii Siyaad barre hogaaminayey, ilaa laga tuuray xukunka 1991. Soomaaliya waxay isu rogtay dal kala dambayntii luntay, oo argagaxiso iyo budhcad badeed ka abuurmeen. Isku-deyo milateri iyo mid bani-aadminimo badan ka dib, waxa ka soo muuqatay xasilooni kooban Soomaaliya, oo maxadweyne iyo baarlamaan lagu doortay.

Somaliland, dhinaca kale, waxay madaxbanaanidoodii ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii, halkaa oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey ku dhisanayeen xukuumado kala duwan, samaytayna dastuur sida ka Maraykanka ah, oo leh madaxweyne, laba gole, iyo waax garsoor madaxbanaan. Waxaanay doorashooyinkoodii ugu horeeyey ee xisbiyada badan ku tartamaan qabsadeen sannadkii 2003.

Warbixinta hay’ada CIA, ee sannadkan ayaa lagu sheegay in Somaliland, oo bedkeedu dhan yahay isugeynta gobolada Virginia iyo West Virginia, ku naaloonayso xasilooni degan, dedaalna ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamkooda dimoqraadiga ku dhisan.

Mr. Maxamed Cumar, ayaa sheegay sababta keliya ee hortaagan aqoonsi caalami ah tahay, aqbal la’aanta Soomaalida in midowgii fashilmay.

Somaliland ayaa kala shaqeysa beesha caalamka la wadaagida macluumaadka hawlgalada argagxisadu ka wadaan gobolka.

“Somaliland waa saaxiib dhow, la-dagaalanka argagaxisada, markay timaado,” ayuu yidhi Dr. Cumar, isagoo raaciyey, mana jiraan dad taageera argagxisada oo dalkooda jooga.  “Somaliland, waa dimoqraadi, dal Muslim ah oo ku yaal gobol argagaxisadu saamaysay.”

Inkastoo, Somaliland aan rasmiyan loo aqoonsan, inbadan oo wadamada caalamka ayaa xafiisyo ku leh caasimada Hargeysa. Somaliland, waxay sidoo kale soo jiidanaysaa maalgashedayaal dibadeed, sababaha keydadka shidaalka iyo gaasta.

Wasiirka Arrimaha dibedda, Dr. Maxamed Cumar, ayaa khamiistii kulan la yeeshay, kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibedda, dhinaca siyaadasa Wendy Sherman, oo ah qofka saddexaad ee ugu sareeya wasaaradda Arrimaha Dibedda, halka Madaxweyne Siilanyo, horaantii wiiga khudbad dheer ka jeediyey xarunta Atlantic Council.

“Booqashadu ilaa wakhtigan, guul ayaan ka gaadhnay,” ayuu, Dr. Cumar, raaciyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories