HomeJariiradda ugu Caansan Dalka Kenya oo Warbixin Qiimo leh Ka Diyaarisay Somaliland:...

Jariiradda ugu Caansan Dalka Kenya oo Warbixin Qiimo leh Ka Diyaarisay Somaliland: “Qayb ahaan, Anigu waxaan halkan u joogaa inaan Kenya ka barto hanaanka kobcinta dhaqaalaha” – WASIIRKA ARRIMAHA DEBEDDA SOMALILAND

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

STANDARD NEWSPAPERNairobi (SLpost)- Jariiradda ugu afka dheer uguna da’da weyn dalka Kenya ee The Standard oo qayb ka ah Bahda Warbaahinta kala duwan ee Standard Media Group, ayaa warbixin si qoto dheer uga warramaysa Somaliland iyo horumarkeeda ku soo qortay Boggeeda hora cadadkeedii shalay Soo baxay.

Warbixinta oo uu qoray Wariye GEOFFREY MOSOKU bahda Standard Media, waxa uu warbixintiisa ku soo qaatay xog-warran uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Dalka Kenya.

Waxa lagu xusay warbixintan koboca xidhiidha dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, halka sidoo kale lagu soo qaaday xidhiidhka soo-jireenka ah iyo meelaha ay labada dalka Taariikhda ka wadaagaan.

Warbixintan oo dhammaystiran, ayaa u dhigneyd sidan: “Wadanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku gudo jira dedaalada uu ku xoojinayo xidhiidho adag oo dhinaca dhaqaalaha ah oo uu la samaysto wadamada dariska la ah, iyo kasbashada  saaxiibo ka caawiya aqoonsi raadinta ay xooga saaraya

Codsiga in loo aqoonsado wadan madaxbanaan ee ay u gudbiyeen midowga Afrika, ee ay wali sugayaan jawaabtiisa, ka sokow, wadankan curdinka ahi, wuxuu xidhiidho dhow oo maalgashiga iyo dhaqaalahaba ah la lahaa wadamada jaarka la ah iyo wadamo badan oo kale oo aduunka ah, shirkadaha maalgashiga ayaa si xawli ah ugu hanqal taagaya macdanta iyo shidaal baadhista ka socota wadankan geeska Afrika ku yaala.

Xaaladan darteed, wasiirka arimaha dibada Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in koboca dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee uu wadanku kaga soo dhex mudhay wadamada gobolka darteed  ay suuro gallisay in lagu eego indho ka duwan kuwii hore loogu eegi jiray.

Dr Maxamed Cumar, waraysi khaas ah oo uu siiyey majalada The Standard ee ka soo baxda wadanka Kenya maalintii Axadii, wuxuu kaga waramay in wadanka Kenya uu casharo fiican ka siin karo wadankiisa qaababka loo samayn karo deegaan  haboon oo soo jiidata maalgashatada.

Wadankan qayb ahaan la aqoonsan yahay ee tirade shacabka ku nooli yihiin 3.5 million (saddex  milyan iyo badh) ayaa wakhti xaadirkan gudihiisa ay ka howl galaan wadamada , Ingiriiska , Maraykanka, Sweden, Kenya, Ethiopia, France, Belgium, Djibouti, South Sudan iyo Canada.

Marka laga yimaado waxaas oo dhan, wuxuu wasiirku tilmaamay in Ethiopia  safaarad dhamaystirani uga furan tahay Somaliland, taas oo bixisa adeeg-yada dalku galka (visa services) oo ay siiso dadka , ayna kala saxeexdeen heshiis is kaashi oo dhinaca baayac-mushtariga ah.

Xasilooni dhamaystiran

Wadamada UK, US iyo Ethiopia sidoo kale waxay qalinka ku wada duugeen iskaashiga iyo wadaaga xogta ee dhinaca Milatariga, qodobkan oo wax ku ool u ah jiritaanka xasiloonida iyo inay ka nabad gasho waxa ka dhacaya wadanka jaarkeeda ah ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in imika wadanka Kenya uu yahay furaha wadamada uu wadankiisu damacsan yahay inuu dhex maro heshiis wax wada qabsi oo ganacsiga iyo maalgashiga ahi.

“Tiro sii kordhaysa oo dadka Kenya u dhashay ah ayaa hada ku dhex nool kana shaqaysta Somaliland, kuwaas oo qaarkood ururada caalamiga ah ka howl galaan. Sidaas si la mid ahna, shacab badan oo reer Somaliland ah ayaa ku noolaa kana shaqaysanayay Kenya gudeheeda mudo dheer, waana taas saaxiibtinimada aanu doonayno inaanu sii xoojinaa,” ayuu yidhi.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray: “Qayb ahaan, Anigu waxaan halkan u joogaa inaan Kenya ka barto hanaanka kobcinta dhaqaalaha.”

Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi

Kadib markii Somaliland dhulkeeda la ogaaday inuu qani ku yahay, Saliida, Gaasta iyo dhuxul dhagaxda, waxay soo jiidatay indhaha maalgashatada caalamka, iyadoo heshiisyana la gashay shirkado badan oo ay ku jirto shirkad Kenya laga leeyahay, kuwaas oo loo ogolaaday baadhista  iyo soo saarida macdanta.

Somaliland iyo Kenya, ayaa dhinaca soo jireenka wax badan wadaaga, sida iyaggoo uu wada gumaysan jiray isticmaarkii Ingiriisku markii Somaliland loo yaqaanay British Somaliland. Tan iyo intii uu xornimadiisa dib ula soo noqdayna , wadanka waxa ka qabsoomay shan doorasho oo u dhacay si dimuqraadi ah.

Mudane Cumar, wuxuu sheegay in Somaliland ay hirgalisay wax badan oo saamaxaya deegaan maalgashatada raali galisa , balse ay wali u baahan yihiin taageerada beesha caalamka iyo mida maalgashatadaba oo dheeraad ah.

Meelaha ay xooga saarayaana ee in laga taageero u baahana waa, kaabayaasha ay ka midka yihiin, dugsiyada farsamada, cusbitaalada, garoomada ciyaaraha, dab dhaliye-yaasha tamaraha kala duwan ku shaqeeya, Biyo-xidheenada, maxkamadaha guur-guura, rugaha booliiska, xarumaha cilmi-baadhista iyo wadooyinka.

Laakiin caqabada ugu culus ee hor taagan maalgashadeyaal ajaanib ah oo si toos ah ugu dhiirada inay hantidooda galliyaan wadanka ayaa ah, iska indho tirida beesha caalamku iska indho tirtay horumarka iyo xasiloonida ka taaba qaaday Somaliland.

Wasiirka arimaha dibadu wuxuu ku dooday in Somaliland ay hirgalisay wax kastoo suuro gal ka dhigaya in la taageero Somaliland, loona baahan yahay in deeq bixiye-yaasha iyo maalgashatadu qiraal xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wadankiisa.

Maxamed Cabdilaahi, wasiirka arimaha dibada ayaa  u yimid Kenya, sidii uu uga hadli lahaa arimaha Somaliland shirka maalgashiga Gobolka (Regional Investment Conference (Soric) oo ay wadajir usoo qaban qaabiyeen  Hanvard Africa iyo rugta ganacsiga Kenya.”

 Aidarous Sh. Omar

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories