HomeKhasaaraha ka dhashay iyo Tirada Dadka ku barakacay Daadad ku dhuftay Dalka...

Khasaaraha ka dhashay iyo Tirada Dadka ku barakacay Daadad ku dhuftay Dalka Japaneelay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

150910152005_japan_floods_624x351_gettyJapan (SLpost)- Daadad xoog leh oo ku dhuftay Japan ayaa ku qasbay in ka badan 90-kun oo qof inay ka baxaan guryahoodi. Sawirro la yaab leh oo ka yimid magaalada Joso ee waqooyiga Tokyo,ayaa muujinaya dadka oo kor fuulaq saqafyada sare ee guryaha iyadoo biyuhu ku hareereysan yihiin. Guryo iyo baabuur ayaa daadadku xaaqeen gabi ahaan.

Takuya Deshimaru oo ka tirsan Waaxda saadaasha hawada ee Japan, ayaa sheegay in aanay abidkood arag roobab sidan u xoog badan.

Magaalada daadadku khasaaraha ba’an gaadhsiiyeen ee Joso oo masaafo 35 Mayl ah dhinaca Woqooyi kaga beegan Caasimadda Tokyo, waxa sidoo kale inay guryahooda ka guraan loogu baaqay in ka badan 800,000 qof.

Hawl-wadeennada gurmadka deg-degga ah ee dalkaas oo kaashanaya ciidamada Qalabka sida, ayaa ka hawl-galay sidii ay u samato-bixin lahaayeen dadweyne badan oo ku xayirmay guryahooda, sida laga arkayey muuqaallo ay baahiyeen telefishannada dalkaasi.

Ma jiraan khasaare nafeed oo la soo weriyey in daadadku geystaan, balse waxa jira khasaare baaxad leh oo soo gaadhay deegaamo fara-badan, iyadoo la arkayey dhismayaal tiro-badan oo daadku la tageen.

A man wades through a residential area flooded by the Kinugawa river, caused by typhoon Etau, in Joso, Ibaraki prefecture, Japan, September 10, 2015. REUTERS/Issei Kato

Waddanka Japan oo xoogga saaray gurmadka ka hor-tagga Aafooyinka dabiiciga ah wixii ka dambeeyey Dhul-gariirkii iyo butaacooyinkii biyaha Badda (Tsunami) oo ay ku dhinteen ugu dhowaan 20,000 oo qof, waxaanay masuuliyiinta dalkaasi Isku-dayayaan inay ka hortagaan fadeexaddii ay kala kulmeen u diyaar-garow la’aanta dhacdadaas hore. Waxaana la sameeyey Xarun  gurmadka laga hago.

Raysalwasaaraha dalkaas oo kulan jawaab u ah wax-qabashada dhacdadan la yeeshay golihiisa wasiirrada, ayaa sheegay in roobabku xaalad deg-deg ah ka abuureen dalkiisa, loona baahan yahay sidii wada-jir looga hawl-gali lahaa khasaare baaxad leh oo masiibadan ka dhasha.

Marka laga yimaaddo cabsi laga qabo khasaare baaxad leh oo ka dhasha fatahaada Webiyadu keenaan, waxa kale oo cabsi xooggan laga qabaa inay dad badani u dhintaan Dhulka, Buuraha iyo Godadka hoos u go’a kaddib marka ay Carradu jilicdo saacadaha badan ee roobabku ku da’ayaan awgeed.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories