HomeJamhuuriyadda Jabuuti oo Ciidamo dheeraad ah ku biirinaysa Hawl-gallada AMISOM ee Soomaaliya

Jamhuuriyadda Jabuuti oo Ciidamo dheeraad ah ku biirinaysa Hawl-gallada AMISOM ee Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Djibouti (SLpost)- Jamhuuriyadda Jabuuti oo qayb ka ah waddamo ka tirsan Qaaradda Afrika oo qayb ka ah hawl-galka xoogagga AMISOM ku jooggaan dalkaasi Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay ciidamo dheeraad ah oo ku kordhinaysa kuwii hore uga joogay dalka Colaaduhu regaadiyeen ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Md Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ay dhowaan 950 Askari oo laba weji loo kala saarayo u diri doonaan dalkaasi Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada kaga sugan dalkaas oo ka hawl-gala gobolka Hiiraan ee badhtamaha dalkaas.

_Ciidamada Jabuuti“Waxaanu diyaarinay ciidamo dhawaan la geyn doono Soomaaliya. Marka hore waxaanu u diri doonnaa 450 askari, laba bilood kadibna, 500 oo kale ayaanu u diraynaa,” sidaa waxa yidhi Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti.

Ciidamada Cusub ee Jabuuti diyaarinayso, ayaa tirada ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay ka hawl-galaan ka dhigaysa 1,950 Askari marka ay gaadhaan dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jabuuti oo ka hadlay ujeeddada wakhtigan ku soo beegtay ciidamo dheeraad ah oo ay u diraan Soomaaliya, waxa uu xusay in ay dawlad ahaan ka go’an tahay in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab oo uu ku sheegay in ay dhibaato ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya.

“Ujeeddada aan ciidamadan u dirayno waa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kuwa nabadda diiddan, waxaananu ciidamadeenna iyo kuwa kale ee AMISOM ku ammaanaynaa dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabd ku noqon lahayd,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa xusay inay xoojiyaan ammaanka dalkooda, kaddib weerar is-miidaamin ah oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo bishii May ee sannadkan ka dhacay magaalada Jabuuti, kaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay.

“Amniga Jabuuti waan ka adkeynaynaa sidii hore, cid walba oo aan saaxiib nahay waan la kaashanaynaa xogaha ku saabsan kooxda halista ah ee Al-shabaab, si aanay dhibaato kale uga geysan halkan,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dalka Jabuuti ayaa ka mid tahay lix waddan oo Afrikaan ah oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dowladda taagta daran ee Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiro Kooxda Al-shabaab.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories