Home“Jamaal Iyo Faysal, Waxa Aan Farayaa Dardaaran Odaynimo, Talo Guurtinimo Iyo Waano...

“Jamaal Iyo Faysal, Waxa Aan Farayaa Dardaaran Odaynimo, Talo Guurtinimo Iyo Waano Waayeelnimo” –

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (Geeska)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ahna oday ruug cadaa nabadeed ah oo ay Somaliland leedahay, ayaa dardaraan iyo talo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, oo khilaaf soo kala dhexgalay, warbaahintana dhaliilo isku weydaarsaday, waxaanu u soo jeediyay waano, isaga oo kula taliyey inay heshiiyaan, soona afjaraana khilaafkooda.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in karaamadii Madaxdhaqameedka loo bedelay shaqo, oo waajibkii iyo doorkii ay Sallaadiintu lahaayeen aan sidii la rabay looga soo bixin, waxa kale oo uu ka hadlay Abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Xaajiga oo ugu horayn ka hadlaya qaddiyadda Faysal iyo Jamaal wuxuu yidhi “Buuq iyo isqabsi uma baahnin, Jamaal iyo Faysalna waxa aan farayaa dardaaran odaynimo, talo guurtinimo iyo waano waayeelnimo, waxa aan leeyahay buuqa joojiyo, khilaafka iyo hadalada aan loo baahnayn ee aad is weydaarsanaysaan joojiya, heshiiya, oo isa saamaxa, isku laab xaadhnaada,dantiinu meel ha wada ahaato, masuuliyiinta Xisbiga UCID ayaad tihiin,Siyaasiyiintii dalka ayaad tihiin, markaas idinku is qabsataan maanta dadka kalena hadalkoodaba daa, khilaafkaas ha ku kala tagina, khilaafkaas Xisbiga ha ku burburinana, ee markasta dantiinu isku meel ha ahaato”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa yidhi “Salaadinta, Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka karamadii , magacii iyo maamuskii ay laayeen, intooda badan waa laga qaaday, oo hawlihii dhaqanka ee ay hayeen waa laga leexiyey, waxaad mooda in Suldaankii shaqo noqday, oo shaqo lagu shaqaysto laga dhigtay, maxaa yeelay mar walba waatan la is garab yaacayo, oo Saldanadihii la iska dhinac sameeynayo, oo maalin walba Suldaan, laga dhinaca sameeynayo Suldaan kale, markaas waxa aan leeyahay magacii iyo maamuskii ay Saldanada iyo Salaadiintu lahaayeen dib ha loo soo celiyo”.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “Markii hore ayey eekayd in la hakiyo Diwaangelinta, laakiin haddii ay Abaartu daba dheeraatay oo roobkii la filayey aanu wali curan, in dib loo riixo Diiwaangelinta waan bogaadinayaa, Madaxweynahana waan ku bogaadinayaa, waana ku talinayaa dadka abaaruhu hayaan gurmad deg deg ah ha lala gaadho, oo ha la caawiyo, ILLAAHAYNA waxa aan ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, oo abaartan inaga dulqaado, roob iyo raxmaadna inoogu bedelo.”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories