HomeJamaal Cali Xuseen oo Xukuumada ka dalbaday inay Diyaariso Qorshe lagu Xakameeyo...

Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumada ka dalbaday inay Diyaariso Qorshe lagu Xakameeyo Khasaaraha ka dhasha Daadadka Dooxyada, Baaqna u diray Beelo ku diriray deegaanka God-heeri oo Saraar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo  Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaamay inay dhameeyeen hal-doorkii Somaliland oo ay maalin-ba qof qaadayaan, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramayey qaar ka mida warbaahinta, isaga oo ka dalbaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si degdega wax uga qabato dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, si looga hortago dadka ay qaadayaan.

jamaal“Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumadda laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan  inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto. Markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Dooxyadan dadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato, haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya.”

Dhanka kale, Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi u direy qoyskii, qaraabadii, salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistii Suldaan Barre Warsame Shire oo todobaadkii hore Shil-baabuur ku geeriyooday, kadib markii  uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq isagoo marxuumku ka mid ahaa wefti ballaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo dhex-martay laba beelood oo walaalo ah.

 “Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah ee dirirtu ku  dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa, dagaalku khasaare mooyaane faa’iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya, waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaalaha ah ee wada-dega inuu boggooda burcad isku mariyo,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories