HomeJamaal Cali Xuseen oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey Hargeysa, Xukuumadda...

Jamaal Cali Xuseen oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey Hargeysa, Xukuumadda oo Carqaladaysay soo-dhawayntiisa iyo taageerayaal la xidh-xidhay (DAAWO BILICDA SAWIRRADA)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu kaga soo laabtay socdaal uu muddo bil iyo dheeraad ah ugu maqnaa Waddamada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Taageerayaal tiro badan iyo Masuuliyiinta Sare-sare ee Xisbiga UCID oo ku gaashaaman calanka iyo astaanta Xisbiga, ayaa saaka Subaxnimadii abaaro 6:30 isku diyaariyey Garoonka diyaaradaha iyo waddamada ka timaadda Garoonka ilaa Xafiiska UCID oo ku yaala xaafadda Jig-jiga ee Hargeysa, halkaas oo markii dambe loo soo galbiyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay ku sugnaayeen taageerayaal tiro badan.

UCID IYO SOO DHAWAYNTA (18)Haseyeeshee, markii taageerayaasha iyo Madaxda Xisbiga UCID soo gaadheen badhtamaha magaalada gaar ahaan waddamada Hormarta madaxtooyada, waxa hor-istaagay isla markaana dabbaal-deggooda ka dhex-galay Ciidamo boolis ah oo hor istaagay in Murashaxa iyo Gaadiid tiro badan oo ay wateen madaxda iyo taageerayaasha soo-dhaweeyey Jidka Wadnaha magaalada ee hor mara Madaxtoodayada, kuwaas oo ku amray inay u leexdaan Jidka dhinaca Woqooyi uga baydha Isgoyska Madaxtooyada.

Ciidamada booliska ayaa rasaas nool-nool ula badheedhay madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga UCID, iyadoo Ciidamo tiro badan oo RRU ahna lagu jaray jidka islamarkaana in Muddo ah halkaasi lagu hor taagnaa ilaa markii dambe lagu khasbay inay ka wareegaan jidad ka fog halkaasi. Waxaanay ciidamadu xabsiga u taxaabeen taageerayaal ka tirsan Xisbiga.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sheegay inay jiraan Dhaawacyo loo gaystay Taageerayaashooda iyo dad Boolisku xidhxidhay, waxaanu ku gooddiyey inay tallaabo ay qaadi doonaan haddii sida ugu dhakhsaha badan loo sii deyn waayo taageerayaasha xisbiga ee la xidh-xidhay.

“Waxaanu Shacabka reer Somaliland ee wanaagsan u sheegaynaa in maanta Xukumaddu dhaawac iyo Khasaare u gaysatay Taageerayaasha Ucid badhna ay xidhan yihiin. Shalay ayaanu warqad u qornay oo aanu u sheegnay inay Ciidanka Booliska iyo ka nabad galyada wadooyinkaba ay nala socodsiiyaan in musharaxu soo degayo. Waxaanu la socodsiinaynaa in haddii ay 24 Saac ku soo dayn waayaan aanu Jeelka kala soo bixi doono,” ayuu yidhi Xoghayaha Ucid ee Warfaafintu.

Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambaysay tallaabada ciidamada ammaanka loogu adeegsaday taageerayaasha xisbiga UCID.

“Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, waxaa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarada nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo Dariiqyada. Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxaa Xabsiyada ku xidhan XIldhibaanadii Bulshadu dooratay oo iyagoo aan Xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

DAAWO SAWIRRADA

UCID IYO SOO DHAWAYNTA (21) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (20) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (19) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (17) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (16) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (15) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (14) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (13) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (12) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (11) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (9) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (8) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (7) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (6) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (5) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (4) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (3) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (2)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories