HomeJamaal Cali Xuseen oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Heathrow Aiport iyo...

Jamaal Cali Xuseen oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Heathrow Aiport iyo Nuxurka Kulamo uu la qaatay Madaxda Xisbiga ka hor intaanu safar ugu amba-bixin Waddanka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo-dhawayn ballaadhan loogu sameeyey Gegida diyaaradaha Heathrow Airport ee magaalada London oo uu gaadhay habeenimadii Arbaca ee taariikhdu ahayd 29-kii bishan October, isaga oo maalintii Isniinta ka tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa.

Jamaal_UK (8)Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo xilli habeenimo ah diyaaraddu la caga-dhigatay garoonka Heathrow ee London, waxa madaarka kaga hor-tagay Madaxda Xisbiga UCID ee dalka UK qaybihiisa kala duwan oo isugu jira hoggaanka sare ee Xisbiga u qaabilsan UK, Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyarada Xisbiga UK, xubno ka tirsan Taageerayaasha Xisbiga oo gobollada dalkaas isaga kala yimi soo-dhawaynta Murashaxa iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland eek u sugan dalkaas oo isugu jiray taageerayaal ka tirsan xisbiyada kale ee Qaranka.

Soo-dhawaynta ka dib, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu kulan casho-sharaf ah la qaatay Madaxda Xisbiga ee dalka UK iyo xubno ka tirsan Qurbejoogga, waxaanu uga war-bixiyey xaaladda dalku ku sugan yahay wakhtigan qorsheyaasha xisbiga uga yaala murannada siyaasadeed ee axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda ugu dhexeeya khilaafka sharci ee ka aloosan golaha wakiillada.

Murashaxa Xisbiga UCID oo safarkiisu ku wejahnaa dalka Maraykanka, waxa uu kulamo gaar ah la qaatay masuuliyiinta xisbiga ee dalka UK oo uu kala hadlay arrimaha xisbiga iyo hawlaha horyaalla xisbi ahaan sidii ugu diyaar-garoobi lahaayeen, waxaanu ku boorriyey, marka laga yimaaddo Arrimaha Xisbiga, inay taageerayaasha kale ee Axsaabta Somaliland horseed u noqdaan sidii ay tusaale lagu daydo ugu noqon lahaayeen sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen dhammaan jaaliyadda Somaliland ee waddanka UK si ay ugu midoobaan Qadiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu isla xalayba socdaal shaqo ugu baxay waddanka Maraykanka, halkaas oo la filayo inuu kulamo kula soo qaato taageerayaasha Xisbiga UCID ee Woqooyiga Amerika iyo guud ahaan Jaaliyadda Somaliland ee halkaas ku dhaqan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories