HomeJamaal Cali Xuseen Oo Shacbiga Ugu Baaqay Inay U Diyaargaroobaan Inay Xukuumadda...

Jamaal Cali Xuseen Oo Shacbiga Ugu Baaqay Inay U Diyaargaroobaan Inay Xukuumadda Ka Difaacaan Wareejinta Haamaha Shidaalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid jamaal Cali Xuseen, ayaa shacbiga reer Somaliland ugu baaqay hadii mooshin haamaha lagu wareejinaayo golaha wakiilada la horkeenu in loo diyaargaroobo in la difaaco.

Waxa uu musharax Jamaal ku eedeeyay xukuumaddu inay wakhtigii shanta sano ahayd ee ay dalka maamulaysay 25-ka milayn ee dolar ee ka soo xarooda haamaha shidaalka ay toos u leexan jireen markii xilku ka dhamaadayna ay damceen inay ka qaaraan malaayiin kale oo ay ku sii faro laaban, waxaanu shacabiga u soo jeediyay in looga horyimaado sidii Siyaad Bare looga horyimi, waxaanu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facbook-ga

“Sida ay gudiddii Baarlamaanka ee Haamaha siyaartay ay Soo xaqiijiyeen Iyo weliba qiyaasta cadadka shidaalka soo Mara Haamaha, storage fee ama dakhliga ka soo baxaa waa US$25 million sanadkii. Lacagtaasi kuma jirto cadadka canshuurta ama sales tax ay Maaliyaddu toos u qaadato. Haddii Haamaha la wareejo taasi micnaheedu waa lacagtaasi US$ 25 million ee ay ummaddu wada Lahayd ee Haamaha sanadkii ka soo baxa waxa toos u qaadanaya OO la wareegaya shirakado gaar loo leeyahay oo ay madaxtooyadu malaayiin doolar ka sii qaadatay intaanay xukunka wareejin, Oo ay Weliba shirakadaha qaarkood ay madaxtooyadu wax ku leedahay. Haddaba saddex kooxood baa ka faa’iidaya arrintani; 1. Kooxda madaxtooyadda Iyo xulufadeedda; 2. Shirakadaha iibsanaya Ee sanad gudaheed ay lacagtoodii u soo noqonayso Ee indho adkaanta ku doonaya hantidii Qaranka Oo hadhow ay iyaga uun uu dalka shidaalkiisa doonaya inuu u xidhnaado. 3. Xildhibaanadda qurbaan Iyo mooshin cunayaasha ah Ee taageersan arrinkan, Iyo kuwa waji ku macaashka ah ee inta yari kaga soo duulayso. Haddaba shacabkii loo heshiiyey maye? Ilaahaybaa ina lehe miyeeynu eegan karaynaa? Ogow hadday Tani suurto gashana, iga Walee ta soo socotaana ka sii daran; hadaanay dalkaba iibin. Maanta qudbaddii Jimcaha ayaa amaanadda laga hadlay Iyo masuulka xoolahii Ummadda haya. Bal adiguba is weydiiyoo maxaa ku dhacay ee ay kooxda Kulmiye Hore ugu wareejin weyday 5 tii Sanno ee ay haamaha maamulayeen. Kolay caqligaaga saliimka ahi wuu garan karaa in ay sanad walba $25 million Oo doolar ay sanad walba ka heli jireen, Oo weliba ay iyagu toos u leexsanayeen iyadoo shacabkii Loogu sameyn lahaa caafimaad Iyo biyo. Laakiin Imika wey tegayaanoo waa iib oo malaayiin doolar oo faro Laab ahna wey sii qaadanayaan. Kolay haddii aynu aragno in arrinkan la sii wado oo xildhibaanadiina la laaluusho, shacabku ha diyaar garoobeen in aynu difaacno, maadaama aynaan ogolaan karin in horteena lagu boobo hantidii qarankani lahaa Ee inaga wada dhaxaysay. Haddaynaan maanta hor joogsan arrinkan oo aynaan dhalinyarooy sidii Siyaad Barre uga hor tegin maanta, meel fog baynu ka dooni. Qof walowba xil baa ku saaran ee xaqdaro ha gargaarin. Daawanaayow waa Dalkaagii.”
Hargeysa Somaliland

Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories