HomeJamaal Cali Xuseen oo Qurbeejoogga Reer Saaxil ee UK la qaatay Kulan...

Jamaal Cali Xuseen oo Qurbeejoogga Reer Saaxil ee UK la qaatay Kulan ay taageero ballaadhan ugu muujiyeen (+ Sawirro)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Qurbejoogga gobolka Saaxil ee ku dhaqan Waddanka UK, ayaa kulan ballaadhan oo ay taageero ugu muujinayaan ku qaabilay murashaxa madaxweyha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay Waddanka Ingiriiska.

Kulanka oo xalay ku qabsoomay magaalada London isla markaana ahaa mid lagu soo sagootiyey Murashaxa UCID oo u soo amba-baxaya dhinaca dalka Somaliland, waxa ka qayb-galay Aqoonyahanka, wax-garadka, dhalinyarada iyo Haweenka qurbejoogga reer Saaxil ee ku dhaqanka waddanka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo dhammaantood u muujiyey murashaxa sida ay ugu garab-taagan yihiin hankiisa siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro inuu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka.

jamaal33Aqoonyahan, wax-garad iyo Haweenka qayb-galay kulankaas oo hadallo kala duwan ka jeediyey, ayaa sheegay in bulshada gobolka Saaxil taageeradooda dhaqaale iyo codka la garab-joogaan murashax Jamaal Cali Xuseen iyo Xisbiga UCID ee uu hoggaankiisa ka mid yahay, haddii ay yihiinna qurbejooggii gobolkana ay ka hawl-gali doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada xisbiga UCID. Dadkii Xafladda ka hadlay, waxay dhammaantood iska daba-mareen in loo baahan yahay isbeddel lagaga gudbi karo xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalku ku sugan yahay xilligan.

jamaallsGebo-gabadii munaasibadda waxa hadal ka jeediyey Murashax Jamaal Cali Xuseen oo qurbejoogga reer Saaxil uga mahad-celiyey taageerada ay ku bar-bartaagan yihiin. Haseyeeshee, waxa uu ka dalbaday maadama oo uu isagu gobolka u dhashay inaanay ku taageerin Qabiil sida caadada u ah siyaasiyiinta kursi doonka ah ee u loolamaya hoggaanka sare ee dalka, balse ay isaga taageerada ku siiyaan Kartidiisa iyo Aqoontiisa iyo Hankiisa siyaasadeed oo uu ku sheegay mid la mowqif ah hoggaamintii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

jamaallJamaal waxa uu halkaas ka sharraxay siyaasadda Xisbiga UCID ku hoggaamin doono umadda haddii uu ku guulaystay talada dalka doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada, waxaanu rejo ka muujiyey in xisbiga UCID ku guulaysan doono hoggaaminta dalka.

jamaalMurashax Jamaal Cali Xuseen ayaa la filayaa inuu ka soo amba-baxo dalka UK, isaga oo socdaal ku soo mari doona waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo wakhtigan ay ku sugan yihiin Wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland oo dorraad ka amba-baxay magaalada Hargeysa. Sidoo kale, waxa waddanka Imaaraadka Carabta ku sugan madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo la filayo inuu maalmaha soo socda socdaal ku yimaaddo dalka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories