HomeJamaal Cali Xuseen oo mowqif adag iska taagay Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka,...

Jamaal Cali Xuseen oo mowqif adag iska taagay Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka, madaxweynaha talooyin u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa kaga dhawaajiyey mowqifka ay xisbi ahaan ka qaadan doonaan haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayeen wakhtiga loo muddeeyey oo ku beegan badhtamaha sannadkan.

Diyaar-garow la’aan ka muuqata dhinacyada xukuumadda iyo Komishanka ee la xidhiidha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland oo badhtamaha sannadkan, ayaa tuhunno kala duwan oo muddo-kordhin salka ku haya ku dhaliyey xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo hore ugu dhawaaqay inay dalka ka samaynayaan dawlad wadaag ah oo waddanka gaadhsiisa doorashooyinka haddii xukuumaddu ka caga-jiiddo hirgelinta doorashooyinka oo ku xidhan diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo aan ilaa immika laga bilaabin dalka.

JAMAALSidaas oo ay tahay, Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku adkaysanayaa hirgelinta go’aanka dowladda Wadaagga ah oo ay si wada jir ah uga dhawaajiyeen siyaasiyiinta Madasha wada-tagshiga iyo xisbiyada mucaaridku, waxaanu sheegay inaanay marnaba aqbali doonin muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda.

“Anigu waxaanu wali Ixtiraamaynaa Dawladdii wadaagga ahayd ee ay ku dhawaeen Madasha iyo Xisbiyadda Mucaaridku in la sameeyo, wakhtigii Xukuumadduna wuu dhammaaday. Madaxweynaha ayaa iska leh awoodda ugu badan ee Doorashada lagu qaban-karo, hadafkeedii maanta ma hayno, isagaana looga fadhiyaa inuu qabto Doorashaddii, haddii uu qaban-waayana Dawlad ku meel-gaadh ay ayaanu samayn-doonaa,”Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo maanta warfidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa uu Jamaal Cali Xuseen ka hadlay tabashadda reer Awdal iyo xiisadda uu Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ka abuuray gobolkaas, waxaanu madaxweynaha u soo jeediyey talooyin la xidhiidha wax-qabashada arrintaas.

Jamaal oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha dariiqa ay xukuumaddu u mari karto xalka tabashada reer Awdal, waxa uu ku jawaabay, “Talooyinka aan u jeedin lahaa Madaxwaynaha waxa weeyaan inuu iska daayo Guddiga uu dirayo ee isagu uu la soo xaalo.

Waa inuu talooyin ad-adag ula tago, iyagana uu ku yidhaahdo waxaan idinka doonayaa inaad wax ka qabataan Suldaanka, iyaga ayaa gacanta ku soo dhigi lahaa, laakiin reer Awdal marka ay arkaan iyaga oo aan tabashadoodii waxba laga qaban iyaguna Suldaanka waxba ka qaban-mayaan,” Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories