HomeJamaal Cali Xuseen Oo Markale Sheegay Inaanay Aqoonsan Doonin Xukuumadda Wixii Ka...

Jamaal Cali Xuseen Oo Markale Sheegay Inaanay Aqoonsan Doonin Xukuumadda Wixii Ka Dambeeya 27 July

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa. (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in lagu tuntay shuruucdii dalka isaga oo farta ku fiiqay in labada gole Baarlamaan ay sharci darro ku fadhiyaan sida oo kalena xukuumadda hada jirta uu wax yar ka hadhsan yahay wakhtigeedii, waxaana uu carabka ku dhuftay in madaxweyne Siilaanyo aanu dalka cidka ka xigin  marka la gaadho 27ka Juun ee sannadkan, waxaana uu tilmaamay in ay ka mucaarad ahaan iskaga iman doonaan talaabada ay qaadayaan maalintaasi.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey  talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu sida oo kale yidhi. “Annagu hore ayaanu u sheegnay, waxan shacabka ayaa iska leh, annaguna shacabka ayaanu matelnaa haddii aanu xisbiyada mucaaradka nahay, shacabku danta ay doonayaan ayaanu samaynaynaa annagu oo haddii ay shacabkayagu yidhaahdaan waxayaga waa nala duudsiyey ee na horkaca, waanu horkacaynaa, laakiin shacabka waxaan ognahay in dareenka maanta dalka ka jiraa uu yahay mid aad u kacsan, dawladana waa ay ka badbadisay imikana dhibaatada jirta waxa weeye sharciyaddii dawladnimada ee dalka ayaa lagu tuntay, waxaa aynu maraynaa Guurti bilaa sharci ah, Baarlamaan bila sharci ah iyo dawlad ay in yar ka hadhsan tahay sharciyadeedii oo 27Julay waxii ka danbeeya Siilaanyo nina kama xigo dalka heshiis ayaa la siiyey intaas ayuunba la doortay, waxa weeye haddii uu ku guul daraystay maaha micnaheedu aniga ayaa khasab ku sii haysanaya sababta oo ah waxaa aynu ognahay in aanu samayn karayn, waar ma nimanka heshiiski yaraa ee iyaga mudada loogu kordhinaayey ee caalamka iyo cid waliba ay ogeyd cid walba carqaladeeyey ma waxa ay idin la tahay in ay doorasho samayn karayaan anigu runtii ma aamin sani in nimankani ay yihiin niman doorasho diyaar u ah in ay yihiin ee shacabka Somaliland waa in ay diyaar garoobaan.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu walaac ka muujiyey in xukuumadda hada talada dalka haysaa ay hirgaliso doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana uu yidhi:

“Adigu bal ka waran nin aad shaqaale u qoratay oo adiga ku hanjabaya oo ku leh khasab igaga qaadi maysid ee oo ku leh ninkii shaqaalaha ahaa ee qortay, horta ha oggaadaan in aan nina xoog waxba ku haysan karin oo taariikh ayaa aynu soo marnay e’ oo waad xasuusataan waxii ku dhacay dawladihii hore Somalida ee diyaaradaha iyo hubabka waaweyn lahaa ayaa haddii uu shacabku gadoodo oo uu kaco waa mawjad oo cid fadhiisin karaysaa ma jirto dawladuna taas nafta ha u sheegto annaga samirkii waa uu naga soo yaraaday haddii aanu xisbiyada mucaaradka ah aanu nahay ma aragno oo meeshaas waxba kama soo jeedaan dawlad doorasho doonaysa oo sharci ku shaqaynaysa oo xalaal ah annagu ma aragno, talaabadeedana waan isaga imanaynaa oo talo ayaan ka gaadhaynaa, shicibku waxa uu doonayo ayaana aanu yeelaynaa in haddii aanu Taxriir samaynayno iyo in kaleba”.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaa ugu danbeyntii uu cambaareeyey dhaawac ay dhawaan ciidamada ilaalada madaxtooyadu soo gaadhsiiyeen xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay wax ugub ku ah Somaliland.

“Waxa socda waad arkaysaan in nin xidhibaan ah oo xasaanad leh ayaa madaxtooyada dhexdeedii lagu garaacay, waa wax ugub ku ah Somaliland, waa wax aynaan arag, Baarlamaankii oo laftarkiisu aan ilko lahayn oo aan ka dagaalamayn oo aan ka damqanaynba oo waxaa ay ahayd in inta ay dadka isku yeedhaan ay madaxweynaha xilka ka qaadaan, laakiin Baarlamaankii waxaa uu noqday mid ku shubasho ah”.Ayuu yidhi Mudane Jamaal Cali Xuseen.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories