HomeJamaal Cali Xuseen oo ka dhiidhiyey Hees Aanu lahayn oo inta Midhaheeda...

Jamaal Cali Xuseen oo ka dhiidhiyey Hees Aanu lahayn oo inta Midhaheeda Sifo khaldan loo fasiray Dusha laga saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqooyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa been-abuur cad oo shakhsiyaddiisa iyo karaamadiisa lagu bartilmaameedsaday ku tilmaamay Hees Midhaheeda sifo khaldan bulshada loogu tarjumay oo la sheegay inuu Jamaal Cali Xuseen ku aflagaaddeeyey Beesha Madaxweyne Siilaanyo.

Heestan oo lagu baahiyey Barta Youtube, isla markaana midhaheedu dhaliilayaan nidaamka maamul ee madaxweyne Siilaanyo, ayaa iyada oo ujeedo kale xambaarsan oo ciwaan khaldan loo qaatay lagu baahiyey shabakadda Caynaba News iyada oo lagu sheegay in Jamaal Cali Xuseen sameeyey, haseyeeshee waxa uu Murashaxa madaxweynaha ee UCID sheegay inaanu warba ka haynin isla markaana aanu waxba samaynin midhaha heestaas oo uu sheegay inaanu ogeyn meel lagu sameeyey iyo cid samaystoona.

JAMAALShabakadda Caynaba New, ayaa heestan oo lagu baahiyey ciwaan uga dhigtay, Murshax Jamaal Cali Xuseen oo soo saaray Hees Cusub oo lagu aflagaadaynayo Beesha Habarjeclo ee Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo”.Haseyeeshee heestan oo Youtube-ka ku jirta, ayaan haba-yaraatee lahayn isla markaana lagu xusin cid samaysay iyo cidda midhaha qaadaysa marka laga yimaaddo in ciwaan looga dhigay, “Kulmiye Damac Gooniya Iska Daa, Dadka La Mid Noqo”, taas oo muujinaysa in cidda ay heestu la hadlaysaa tahay Kulmiye iyo xukuumaddiisa.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu arrintan ku beeniyey ku baahiyey bartiisa Facebook oo uu kaga dhiidhiyey wax uu ku tilmaamay karaamo-dhac iyo been abuur shakhsiyaddiisa loola badheedhay, ayaa maamulka shabakadda ka dalbaday inay raalli-gelin deg-deg ah ka bixiyaan gefka iyo khaladka laga galay.

Heestan oo ujeeddadii ay lahayd la dhalan-rogay, ayaa lagu baahiyey dhammaan shabakadaha ay leeyihin shakhsiyaadka Qurbejoogga ee ku abtirsada Beesha Habarjeclo.

Qoraalka Jamaal Cali Xuseen ku faafiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan: “Waxaan aad uga xumahay shabakadda Isugu yeedhay Caynabanews oo runtii meel kaga dhacday sharafta iyo karaamadda marka hore saxaafadda oo been abuur qaawan ila beegsatay, marka labaad meel kaga dhacday sharafta iyo karaamadda Beesha Weyn ee reer Somaliland ee Habarjeclo oo hees aan iyaga loola jeedin afka u gelisay; marka xiggana hees aanan kaba warhaynin oo ay Walaahi imika iigu horeyso dusha iga saaraysa; waar Ilaahay ka baqa oo xishooda, oo aakhiro ayaa jirtee ka xishooda ummadda. Weligayba beeno hore waa layga sheegay oo adeer waxba uma noqonayee Ilaahay ka baqa. Waxbana haygu khuukhinina waxan oo kale anigu shacabka Somaliland oo dhan waa iskugu kay mid. Shabakadaasina haddaanay xaal na siinin waxaanu ummadda u sheegaynaa inay tahay mid been abuurka taqaana oo aan marnaba la aamini karin lana akhrisan; waa haddii aanay beentan qaawan waxba ka qaban.

Adduunyadda ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban. Iska daa Beelle anigu xataa shakhsiyadda ayaanin caayin oo ka xishoodaa xataa kuwa siyaasadda ku jira, macadalaa waaba suugaan ku cay; waar nimanku Been weynaa. Caynabonews anigu mar danbe ugu yeedhi maayee Caytamanews ayaan ugu yeedhayaa waa hadday maamulkeedu waxba ka qaban waayaan,” sidaas ayuu ku sheegay qoraalka uu ku beeniyey.

Halkan ka Daawo Heesta la Fasiray

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories