HomeJamaal Cali Xuseen oo Dawladda Ingiriiska hordhigay Ashkato ka dhan ah Ciidamada...

Jamaal Cali Xuseen oo Dawladda Ingiriiska hordhigay Ashkato ka dhan ah Ciidamada RRU-da iyo Qodobbo kale

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

jamaalHargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay saraakiil sar-sare oo ka tirsan laamaha ammaanka, sirdoonka dalkaas iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Jamaal Cali Xuseen oo wehelinayeen masuuliyiin ka mid ah Xisbiga UCID, waxa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku qaabilay, saraakiil sare-sare oo ka tirsn Waaxaha Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalka Britain.

Lama oga waxyaabaha kulankaas ay madaxda Xisbiga UCID kala hadashay Saraakiisha dawladda Ingiriiska, haseyeeshee sida uu noo xaqiijiyey Jamaal Cali Xuseen oo Khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo isaga oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska xalay, waxa uu sheegay inay kala hadleen muwaawimooyinka dawladda Ingiriisku ku taageerto Somaliland, cabasho ay ugu gudbiyeen wax uu ku tilmaamay tacaddiyo ay bulshada u geystaan ciidamada RRU-da oo taageero dhaqaale iyo mid farsamoba ka hela dawladda Ingiriiska.

Waxa uu sheegay inay u soo bandhigeen isla markaana ay kala hadleen qodobbo ay ka mid yihiin Kor-uqaadista Xidhiidhka u dhexeeya waddamada Somaliland iyo Ingiriiska iyo sidoo kale arrimaha Doorashooyinka.

Jamaal oo ka jawaabayey su’aal aanu ka weydiinnay waxa uu ku saabsanaa kulanka dhexmaray madaxda dawladda Ingiriiska, waxa uu yidhi, “Walaal, khadarow, runtii kulan muhiimad wayn leh ayuu noo ahaa annaga xisbi ahaan iyo Somaliland oo dhanba. Runtiina arrimahaanu ka hadalnay wuxuunbay ku soo ururayeen dhowr arrimood.”

“Waxaanu u soo bandhigay sidii kor loogu qaadi xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada UK, runtii waa la ogyahay xidhiidhkii ka dhaxayn jiray labada dawldood. Waxa kale oon kala hadalnay oo cabasho uga gudbinnay ciidanka ay dhaqaalaha ku bixiyaan (RRU) ee shacabka loo adeegsanayo, runtiina markaan u gudbinnay taas way ka garabeen, waxayna ballan-qaadeen inay arrintaas dib-u-gees ku samayn doonaan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inay isla soo qaadeen Doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Ingiriiska oo kaalin mug leh ka qaadata dhaqaalaha ay bixiyaan qaadhaan-bixiyeyaasha taageera dimuqraadiyada Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in kulankani uu ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee masuul ka socda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland la qaataan saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dawladda Ingiriiska, balse waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlay arrimo kale oo ay hadleen kuwaas oo uu ku micneeyey qaar aan ku habboonayn in warbaahinta laga sheego.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay dawladda Ingiriiska, gaar ahaan saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu kulanka la qaatay u gudbiyeen cabasho la xidhiidha hab-dhaqanka dawladoodu ula macaamisha dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaanu u sheegnay inay si qaran jira noola macaamilaan Somaliland oo aanay bar-bar dhigin Soomaaliya, waxaanu u sheegnay inay tixgeliyaan magaca iyo sumcadda ay Somaliland ku yeelatay nabadgelyada mandaqadda, taasna way nala qaateen,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen oo Axaddii todobaadkan ka degay garoonka Heathrow ee magaalada London, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal ugu maqnaa dalka Maraykanka, ayaa kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska, iyada oo munaasibado ay ku kulmeen jaaliyadda labadii habeen ee u dambeeyey loogu qabtay magaalooyinka London, Birmingham iyo Bristol, waxaana la filayaa inuu todobaadka soo socdo dib ugu soo laabto dalka.

@Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories