HomeJamaal Cali Xuseen oo Dalka Ku soo Laabtay Kana Waramay Khilaafka Xisbigiisa...

Jamaal Cali Xuseen oo Dalka Ku soo Laabtay Kana Waramay Khilaafka Xisbigiisa iyo Wareerka Kulmiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost):- Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo in muddo ah safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta si ballaadhan dalka loogu soo dhaweeyey. Mas’uuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn u soo dhaweeyay musharaxa.

 

Waxa murashaxa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, ganacsato, suldaanka guud ee Somaliland, suldaanka guud ee beelaha Subeyr Awal, Suldaan Mowliid Sabbeyso, madax-dhaqameed kale iyo taageerayaal aad u tira badan.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa intaa ka dib, waxa uu qolka nasashada kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa ugu horeyn ka xog waramay u jeedka safarkiisa uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa.

 

“Waa Illaahay mahadii mar haddii aan anniga oo nabad qaba kusoo noqday dalkaygii Hooyo.Marka hore Illaahay baan u mahad naqayaa,marka xigtana waxaan u mahad-naqayaa dhamaan dadkiinan milgaha iyo sharafta leh ee halkan igu soo dhaweyay,iina soo qadariyay oo ay ugu horeeyaan Salaadiinta dhaqan-ka kuwooddii ugu waaweynaa, 10 Cisho ayaan maqnaa,Dalalka Imaaraatka iyo Jarmalka ayaan tegay. Dalka Imaaraadka Arrin ii shaqsi ah ayaan u tagay,Dalka Jarmalkana waxaan u tagay Kulan Balaadhan oo Xisbiga UCID ay lahaayeen oo waddamo kale oo Yurub ka mid ahna layskaga yimid, si Khayr qabta ayey nooggu soo dhammaatay,waxaanan aad ugu mahad-naqayaa dhammaan Jaaliyaddah,Taageerayaasha iyo madaxda xisbiga Ucid ee dalka Jarmalka ee aanu uga wada hadalnay arrimaha dalka iyo kuwa xisbi-gaba:.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka muddooyinkii dambe ka taagnaa xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, waxaana uu yidhi: “Tobankii Cisho ee aan maqnaa waxay ahaayeen,toban cisho oo aad u xanaf iyo wareer badan,waxaana ugu weynaa uun Khilaafka Xisbul-xaakimka Kulmiye, xisbi xaakim-na haddii uu durri Ku dhaco, durrigaasi dalka Intiisa kalena wuu saamaynayaa oo waxaad ka dareemaysaa hadal-haynta faraha badan ee la hadal hayo, balse waxaan leeyahay waxaas oo dhan waxa ka weyn danta Somaliland iyo qaranimadda Somaliland in aynu isku duubnaano ayaa muhiim ah, in aanay siyaasaddu dadka kala qeybin ayaa muhiim ah.”.

 

Murashax Jamaal Cali Xuseen, waxaa uu sida oo kale ka hadlay khilaaf dhawaan soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaana uu sheegay hada ay heshiiyeen guddoomiyaha xisbigaasi.

 

“Horta meel layskugu yimid oo Xisbi ah,waligeedba Khilaaf iyo is-afgaran waa wuu ka dhacayaa, annaga waa markii ugu horaysay,waanaanu ka roonnahay kuwa kale ee xisbiyadda ah,waayo ku waas waxa laysku haystaa kuraasi, laakiin Ucid waxa laysku qabtaa Afkaar, haddana 24 Sacaaddood gudaheed anniga iyo Faysal ciddi namay dhex-galin ee annagaa teleefanka toos uga wada hadalnay”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

 

Daawo Soo Dhawaynta Musharaxa oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=es9tZ8udNSU

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories