HomeJamaal Cali Xuseen Oo Codsi Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyey Dawladda Turkiga...

Jamaal Cali Xuseen Oo Codsi Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyey Dawladda Turkiga U Nisbeeyey Culeys Axsaabta Mucaaradku Saareen Xukuumadda Kulmiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Stockholm (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa talaabada Madaxweyne Siilaanyo dalka Turkiga ugu bandhigay inay ka caawiyaan dhismaha waddada Ceerigaabo ku tilmaamay cadaadis mucaaradku ku khasbeen xukuumadda inaanay haboonayn in laga dhagax-dhigo waddo aan dhaqaale loo haynin.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhaweeyey tallaabada madaxweyne Siilaanyo dawladda Turkiga ugu bandhigay inay ka taageerto dhaqaalaha ku baxay dhismaha waddada Ceerigaabo, haseyeeshee waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay mid ay mucaaradku suurto-galiyeen ka dib markii ay xukuumadda cadaadis ku saareen dhaliilo ay ugu jeediyeen inaanay micno u samaynaynin shacabka in la dhagax-dhigo waddo aan la awoodi Karin dhaqaalaheeda.

jamaalAqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhanka kale xisbiga talada haya ee Kulmiye ku tilmaamay xisbi ay hoggaankiisa hayaan rag aqoon leh balse ay la yaabban yihiin sababta ku kalliftay inay ka tallaabsadaan Shuruucda dalka u dejisan.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu arrimahaas ka hadlay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay wakhti uu ka ambabaxayey Madaarka caalamiga ah ee Arlanda International Airport ee Magaalada Stockholm halkaas oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ku sii jeedeen Magaalada Helsinki ee waddanka Finland.

Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID waxa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay in Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inay ku jiraan Rag aqoon iyo karti badan haddana lagu tuhmayo dafiraadda sharciga jabiyeen ee Golaha Deegaanka.

Jamaal Cali Xuseen oo ugu horreyn ka hadlay aragtida xisbigooda UCID ee la xidhiidha socdaalka madaxweynaha ee dalka Turkiga, waxa uu yidhi, “Waan ku hambalyeynaynaa talaabada ay qaaday dawladeenu inay maanta Caalamka iyo waddamada aynu Saaxiibka nahay loo raadiyo dhaqaalaha lagu dhisayo waddada Ceerigaabo oo aan dhagax beena dadka lagu jaahwareerin,”ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Jamaal Cali oo ka hadlayey warar ku xidhiidhiyey in Xisbigoodu liddi ku yahay dhismaha waddada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inaanay marnaba diiddin dhismaha waddada Ceerigaabo, balse ay ka soo horjeedeen in shacabka lagu dawakhiyo dhagax-dhigga waddo aan dhaqaalaheeda la haynin, waxa uu yidhi, “Anagu maanaan diidin in waddada la dhiso ee waxaanu diidnay in la dhagax-dhigo wado aan shilin loo hayn iyo culayska la saaray dadka danyarta ah. Talaabadan uu madaxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo uu dalka Turkiga kaga dalbaday inay ka caawiyaan dhismaha Waddada Ceerigaabo waa cadaadis ka yimi xagga mucaaridka oo si toosa ugu sheegay in dhagax-been ah marba meel la dhigin ee Xukuumadu ka dhabayso hawsha.”

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inaan la dafiri-karin in Maayarkii iyo Xubno ka mid Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ay ku biireen Xisbi-Xaakimka oo uu ku eedeeyey inay ku tunteen shuruucdii golayaasha deegaanka dalka, “Waa wax lagu qoslo Xisbiga Kulmiye oo ay ku jiraan Ragg aqoon iyo karti badan lagu tuhmaayey inay  sharci jabinta ay sameeyeen iyo sharciga ay ku tunteen ay  ku tilmaamaan  wanjalaad iyo dafiraad cad oo ay ku dafirayaan Munaasibaddii aanay u kala hadhin xukuumad iyo Xisbi-xaakim ee ay ku baxday lacagtii ummada ee dhamayd kontanka kun ee doollar ee qaabka sharciga Dawladaha Hoose dhaafsiisan maalinta cad ugu sheegeen inay hantiyeen xildhibaanno ka soo jeeda Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid iyo Waliba Maayarka Magaalada Berbera maaha wax la dafiri-karo,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Somalilandpost.info/Hargeysa

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories