HomeJamaal Cali Xuseen oo  Aadan Siiro ku Sheegay in uu Qabyaalad Ku Taageeray Maxamed...

Jamaal Cali Xuseen oo  Aadan Siiro ku Sheegay in uu Qabyaalad Ku Taageeray Maxamed Biixi Balse Kulmiye uu Hore u Dhaliilli Jiray

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

 

 

Hargeysa(SLpost)-Jamaal Cali Xuseen , murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID ayaa faaqiday hadallo uu sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey “Aadan siiro” ku taageeray murashaxnimada Maxamed Biixi Yoonis.

Jamaal waxa uu sheegay in wakhtigan aan loo baahnayn kala doorashada xubnaha ku tartamaya jagada madaxtinimada ee xisbiga kulmiye dhexdiisa isla markaana aannay istaahilin in wakhtiga lagu lumiyo.

Waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada bulshadu ku xidhiidho ee facebookga, waxaana uu yidhi “Waar Sheekh Aadan Siiro Wuxuu yidhi cidii Kulmiye ku tartamaysa Ee beeshayda ah Ee Golaha dhexe Ee Kulmiye ka soo baxda ha la daba galo.

Waxaan moodayey in Sheekhu in badan uu Jimcayaasha ka hadlay waxa dalka ka qaldan oo uu xisbigga talladda hayana Farta ku tilmaamey.

Haddaba ma xaqbaa qofka Kulmiye wixii uu Halaag dalka u geystay agtaagnaa Ee weliba Ku taageerayey boobka Iyo dhaca hantidda Qaranka Ee weliba la Soo Indho cadaa in la yidhaahdo ha lagu taageero.

Miyaanu waxan laga cabanayo qayb ka ahayn? muxuu kan Kulmiye ka soo baxayaa uu Damiirkiisu maalin uun u siin waayey inuu danyarta u hadlo oo uu yeesho Caqli suuban oo wax diida.

“Sheekhoow Dulmiye xilligiisii wuu dhamaaday, nin walbana Waa lala xisaabtamayaa” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseeen

Waxa kale oo uu intaa ku daray “Kulmiyena habkii qabyaaladaysnaa Ee ay Awal ku fuuleen wuu dhamaaday oo mar danbe da,yarta codeysaa ma ogola Qabyaalad loo soo cumaamaday.

Qof kastoo Kulmiye ka Soo baxana waxa horyaalla xisaabtii Kulmiye Iyo dunuubtii ay dalkan ka Galeen. Ilaahay baan idinku dhaarshee Ninka maanta Siilaanyo ku taageersan in Haamaha la boobo oo la qaato ma hadh buu dalkan u jiidayaa”

Jamaal isaga oo ay ka muuqato sida uu sheekha Kulmiye iyo reerkooda taageeraya uga xanaaqay ayaa waxa uu ku handaday “Ninkasta reerkiisu sheekh Iyo Shariif wuu ka Ag botorin, laakiin ciyaartu waa ta maalinta codka Ee Somaliland oo dhan la wajahayo, qof walbana recordkii sa shaqo la soo faqayo Iyo halkuu ka taagnaa maalintii danyarta Iyo da,yartu ay u baahneyd. Xilka Maqasha Kii Gabay Geella Maw Xil Saarnaa?”

 

Sheekh Aadan Siiro ayaa badanka khudbayaasha salaadda jimce kaga hadla dulmiga shicibka taagta daran lagu hayo oo uu inta badan dusha ka saaro xukuumadda talada haysa, Sidoo kale Sheekh Aadan Siiro waa shakhsi iska cadaysta oo aan haba yaraatee ka gaban in uu taageero cidda reerkiisa ka soo jeeda ama uu kuba amaanaba in uu ILLAAHAY duriyad ka dhaliyey oo ay bulshada inteeda kale ka fadilan yihiin.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories