HomeJamaal Cali Xuseen iyo Garab ka tirsan UDUB oo si rasmi ah...

Jamaal Cali Xuseen iyo Garab ka tirsan UDUB oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga UCID iyo nuxurka Heshiis la kala saxeexday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Hoggaaminaya Garabka ka tirsan Xisbiga UDUB, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray isla markaana heshiis la saxeexday Xisbiga UCID.

blankMunaasibad aad u balaadhan oo lagu shaaciyey murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen iyo Heshiiska labadda dhinac. ayaa maanta lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, waxaana garabkan iyo xisbiga UCID kala saxeexdeen heshiish ah in golaha dhexe ee xisbiga UCID si siman u qaybsaman labada dhinac, in musharaxa madaxweyneha ee xisbiga UCID uu noqdo Jamaal Cali Xuseen, in guddoomiyaha xisbiga UCID uu ahaado Eng. Faysal Cali Waraabe, in shirweyne gole dhexe oo aan caadi ahayn la qabto, in gudoomiyeyaasha laamaha iyo garabyada uu xisbigu ka kooban yahay ay si siman u qaybsadaan, in musharaxa madaxweyne ku xigeenka ay labadda dhinac ka wada tashadan ciddii noqon lahayd iyo in gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga uu noqdo garabka Jamaal Cali Xuseen.
blankGudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhoweeyey ku soo biiritaanka Jamaal Cali Xuseen iyo garabkiisa, waxaanu sheegay in xisbiga la dardar galin doono, isla markaana dhiig cusub lagu shubi doono maadaama oo uu muddo badan soo hogaaminayey, xisbiguna u baahday dhalinyaro cusub oo hogaanka u qabata.
blankSidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne u noqon doono xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay markii xisbigoodii uu muran ka bixi waayey uu door biday inuu xisbiga UCID usoo wareego, isla markaana aqoontiisa iyio kartidiisa ku soo biiriyo xisbigan UCID oo uu sheegay inuu u arko xisbi mar walba u taagan badbaadinta Somaliland, markasta oo khilaaf soo kala dhexgalo siyaasadda hormood ka noqdo inuu tanaasulo, sidaa darteed uu isna ka soo tanaasulay xisbigii UDUB ee uu ka mid ahaa ka dib markii uu khilaaf ka soo bixi waayey xisbigu.
blankJamaal Cali Xuseen ayaa hore xisbiga UDUB gudihiisa isku soo taagay musharax madaxweyne, taasina waxay keentay in xisbiga la isku qabto laba garabna u  kala jabo, isla markaana maxkamadda la isla galo, iyadoo maxkamadda dastuuriga ahina u xukuntay gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, taasina ay keentay in hamigiisii uu ku doonayey inuu musharasx madaxweyne noqdo uu socon waayey, balse heshiishkan cusub ee xisbiga UCID loogu ogolaaday inuu musharax madaxweyne ka noqdo la siiyey.
blankSidoo kale, xafladan lagu soo dhoweynayey musharaxan xisbiga UCID ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin magac ku leh Somaliland, madax dhaqameedyo ka kala yimid gobolada Somaliland, dadweyne aad u badan iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay taageersan yihiin musharaxan cusub, iyagoo sheegay in xisbigii UCID noqday UCID cusub oo ay gadhwadeen ka noqon doonaan siyaasiyiin aad u da’yar.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories