HomeJahawareerka Siyaasada Arrimaha Dibada - W/Q: Fu’aad Cabdisalam

Jahawareerka Siyaasada Arrimaha Dibada – W/Q: Fu’aad Cabdisalam

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Fu'aad CabdisalaanSalamulaahi caleykum

Laga soo bilaabo intii isbedelka dowladeed ee sokeeye ka dhacey somaliland ee hogaanka iyo talada dalka ay qabteen xukuumada xisbiga KULMIYE u arrimo waxaa si isbado joog ah jahawareer uga jirey siyaasada arrimaha dibada ee somaliland oo maalinba waji cusub laheyd, iyadoo culus badan oo xaga qadiyada somaliland iyo madaxnaanedeedu uu jiro hadana waxaad moodaa oo muuqata in aaney marna sal dhigan hanaan iyo tub toosan oo mawqif cad leh aaney laheyn siyaasada arrimaha dibada ee somaliland.

Waxey shacabka somaliland si cad oo aan gabasho laheyn u goaansadeen in ay ahaadaan qaran madaxbanaan kaas oo ay mudo labaatan sano ka badan u taagnaayeen sidey u heli lahaayeen xaqii ay u lahaayeen in ay aqoonsi helaan, waxaase moodaa in intii xukuumadan jirtey oo laba sano iyo dheeraad ah in ay isbedeleen wax badan gaar qadiyada la xidhiidha wadanka aynu ka goosaney ee somaliya oo markii hore mawqifkeenu cadaa meel cadna oo aan wax madmadow ah laheyn aynu ka taagneyn, waxaa dhacey arrimo badan oo khalkhal iyo kalsooni daro ka ridey muwaadinka dhabta ah ee mar walba jecel in uu arko calankeena tawxiidka leh oo meel sare gaadhey aduunkana laga aqoonsan yahey taas oo la gaadhey heer in kulamo lala yeesho madaxda dowlada somaliya oo iska daa in madaxda somaliland la kulantee muwaadinka caadiga ah xeer ka yaaley in uu arrimahaas galo.

Waxaa ayaandaro ah in wada hadalada dhex maraya somaliland iyo somaliya ay dalal shisheeye gacanta ku hayaan oo dhinacey doonaan u hagayaan inagu ay muuqato madaxdeenu in ay noqdeen dameeri dhaan raacdey oo kolba qorshe LONDON iyo Meel kale lagu soo walaaqey u hogaasamayaan, labadii weeg ee u danbeeyey waxaa uu madaxweynu mar cadeeyey in shirka London ayna somaliland ka qeyb galeynin halka isla doraad wasiirka arrimaha dibada ee somaliland uu cadeeyey in ay somaliland ka qeyb galeyso shirka Turkey oo isna arrimaha somaliya lagaga hadlayo, La hadalka iyo la kulanka madaxda somalidu meel walba ha lagula kulmee aragtideyda wey  simanyihiin wax qiimo ah oo ay sameyneysaa ma jirto in london ama ankara la tago waana isku ajende iyo isku qorshe ay wataan kuwa dabada ka riixaya midow danbe oo riyo ah oo somaliya iyo somaliland midoobaan.

Waxaan xukuumada somaliland gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada la gudboon in jahawareerka iyo madmadowga ka saaraan siyaasada arrimaha dibada ee aan sal dhigan ilaa maalinti Madaxweyne siilaanyo hogaanka qabtey, oo qadiyada iyo gooni isku taaga somaliland ka istaagaan meel cad oo ah in ay yihiin dal madax banaan oo u taagan in uu helo aqoonsi caalami ah wax kalena aaney u oolin wado kastana u mari doonaan ka midho hankooda iyo himiladooda, sidoo kale waxaa saaran wasaarada arrimaha dibada in ujeedada kaliya ee maanta beesha caalamku wada hadalada somaliland iyo somali u daneyneyso ee ay dabada uga riixeyso ay ku biyo shubaneyso in somaliland dib ula midowdo somaliya sidey doonto ha u raacde federal ama midow toos ah oo xukun iyo maamul qabsi ku fadhiya, taas waxey si cad uga soo horjeedaa xuquuqdi iyo goaankii shacabkeyga qiimaha leh ee iyagu iskood u goostey in ay qaran madaxbanaan noqdaan waxeyna taasi abuuri kartaa burbur iyo qas aan wax faaido ah laga dhexlin in ay keento.

Guntii iyo gabogabadii, Qarankeygu waxaa u leeyahey awood kasta oo ay ku difaaci karaan waxey iyagu goaan ku gaadheen sidoo kale waxey wado kasta u mari doonaan si kasta oo ay ku heli karaan ictiraaf caalami ah iyo dowlad la xuquuq ah dowladaha kale ee caalamka ka jira, waxaa shacabka aan farayaa waxaad tihiin kuwii tabaatan sano ka hor intaad isku timaadeen goaansadey in aad qaran madaxbanaan noqotaan maanta waxaad niyada si weyn ugu heysaan doonisteena iyo sida idinku aad goaanka ku gaadhaan in ay wax walba ku soconayaan, somalilandna waxaa kaliya oo ilaashadey heerkaas qiimaha lehna soo gaadhsiiyey waa shacabkeena qiimaha leh.

Waad Mahadsantihiin

 

Fouad Abdisalam Hassan

National04@hotmail.com

Hargeisa/ Somaliland

4424979.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories