HomeJahawareerka Iyo Khiyaamada Mucaaridka - W/Q: Khaalid Cali Cilmi

Jahawareerka Iyo Khiyaamada Mucaaridka – W/Q: Khaalid Cali Cilmi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dabeecadaha aadmiga ee kala duwan aya sababa in siyaabo kala duwan u arkaan ugana jawaban arrimo isku mid ah, taasi oo ku xidhan fikirka iyo caqliga oo aan si isku mid ah u fikirin. Islaamkuna wuxu ku fadhiya midaynta caqliga iyo in si isku mid loo wada arko wixii wanaagsan iyo wixii shar, xumaan iyo ibtilo keenaya.

Jahawareerka aadamiga ee nolosha waxay xidhiidh la leedahay siday uga leexdaan runta iyo iyagoo ku maaweeliya naftooda been iyo fikrado mala awaal ah oo ka dheeraynaya waaqaca iyo xaqiiqda jirta, taasi oo fogaynaysa runtii lagama maarmaanka ahayd ee lagu waajihi laha hadba xaaladda jirta.

Halkaasi ayaa lagu ogaaday in xaqiiqda iyo runta oo lagu dheganaado ay tahay tan aan cidina ka maarni karin ee wax kasta lagu gaadhi karo.
Odhaah kasta iyo camal kasta oo runta ku fadhidaa waa dhamaystirka hawlaha socda iyo sii wadid iyo waliba in laga hor qaado wixii hakinaya (challenges). Hadii wax wanaagsan been laga sheego waxa imanaysa in dadkii sii wadi lahaa qaarkood shaki ka galo taasi oo yaraynaysa iskaashigii lagu waday hawsha iyo isku aragtadii wanaagga huwanyad. Waaxana ka dhalanaya in waxatarkii iyo horumarkii sii socon lahaa ay odhaahda aan loo meel dayin ee xaqiiqda ka fog hakiso.

Odhaah kasta oo runta lagu dheehaa waa astaan akhlaaq wanaag oo islaamku ku dhiiriyay bulshada muslinka ah. Islaamku wuxu k qotomaa la dagaalanka malaha, fidinta dacaayadda iyo wixii shaki abuuraya ee bulshada khalkhal iyo fawdo ku abuuraya.
“ Iska jir malaha waayo maluhu waa warka ugu beenta badan” Xadiis Rasuulka ( SCW.)

Islaamku si weyn ayuu u dhaleeceyay kuwa daba socda shakiga ee caqligooda ku buuxinya khuraafaad, kuna lumiyay waqtigooda been aanay waxba ka jirin. Beentu waa xumaan tilmaamyasa nafta qofka iyo asluubtiisa dhabta ah.
Cudurdaar malaha kuwa beenta ka dhigta akhlaaq ee ku nool si ay dadka ugu khiyaameeyaan. Rasuulka Allah (SCW) ayaa la waydiyay qofka muslinka ahi beenaale ma noqon karaa wuxuuna ku jawaabay Maya.

Warfidiyeenka kumanaanka qof gaadhsiinaya war been ah iyo siyaasiga bulshada siinaya arrimo ka gedisan tan dhabta ah ee jirta, iyo kan danta ka leh ee dhaleecaynaya masuuliyiinta xukumadda dhamaantood waxay gelayaan arrin aad xun, bulshadan jahawareer ku gelinayaan.
Wuxu Rasuulku Allah (SCW) yidhi : “laba nin ayaa xalay ii yimi waxay igu yidhaahdeen kii aad aragtay ee dhabankiisa jeexjeexayay waa beenaale , beenta uu sheega meel kasta ayay gaadhaysaa, sidaas ayaa lagu samaynaya ilaa maalint qiyaamha”
Islaamkuna wuxuu bulshada ku dhiirgeliyay in caruurt lagu beero runta ilaa ay weynaanayaan.

Ibnu mascuud wuxu yidhi : “ Hooyaday ayaa maalin ii yeedhay isagoo Rasuulkuna Allah (SCW) jooga gurigayaga waxay tidhi kaalay aan wax ku siiyee , Maxaad siinaysaa ayuu ku yihi waxay tidhi timir wuxu ku yidhi haddii aanad waxba siin lahayn waxa lagu qori lahaa been.
Sidaas ayuu Rasuulku Allah (SCW) waalidka u barayay nay caruurtooda ku carbiyaan runta kana fogeeyan beenta. Somaliduna beenta waxay ku soo tababartaa caruurta miyi iyo magaaloba. Maahmaha Somaliad ayay ku jiran in been loo sheegayo caruurta.
“ Caruur iyo reer guura raac waa loo kala sheekeeyaa ismana arkan”

Ganacasaduhu wuxuu rabaa inuu been sheego isagoo ku talax tegaya (exaggeration)_ sifaynta iyo amaanta alaabtiisa ama adeegiisa iyo soo bandhigeeda. Wuxu ku qotomaa damac xad dhaaf ah oo wuxuuna ku dhaqamayaa si kasta oo loogu soo geli karo, Kan iibsanayaana kama dhaco wuxuu raba in bakhso oo uu hoos rido qiimaha. Keli noolaanshaha iyo wax isla doonka ananiyadda ku dhisan ayaa suuqa ganacsi ee islaamnmada ku fadhiyin ka talisa. Been sheegidu waa runta oo la tirtirayo iyo iyada oo halkeeda la soo dhigayo been.
Wakhtiydan danbe waxa caado iska noqotay in warbaahinta war kasta la iska geliyo iyadoo aan loo meel dayayn run iyo been iyo in masuuliyiinta xukuumadda si kasta loo dhaleecayo.

Waxay gaadhay in xataa shaqadii loo igamaday hadday qabanayaan lagu sheego in ay dano siyasadeed iyo kuwo dhaqaale ka leeyihiin.
Xaqiiqda iyo runta oo la sheego ayaa lagu gaadha hadba wixii aad niyadda ku hayso, laguma gaadho been, dacaayad iyo hadal anshaxa ka madhan oo lagu baahiyo warbaahinta.

Khaalid Cali Cilmi ( QALINMAAL GROUP)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories