HomeJacaylku Waa Falcelin!

Jacaylku Waa Falcelin!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Jacaylku waa falcelin (WQ: Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

 

Jacayl” waa eray hadalkeena ku badan oo aynu u isticmaalno siyaabo kala duwan. Waxaad  maqlaysaa qof ku odhanaya waxaan jecelahay hooyaday, aabahay, carruurtayda, xaaskayga, walaalahay, Nebigeenii suubana (NNKH), waxbarashada, midabka akhtar-jabiska ah, dhakhtar in aan noqdo, madaxwayne in aan noqdo, siyaasi in aan noqdo,  iyo waxyaabo badan oo kale.

 

Haddaba jacaylku waa maxay? Maxaase run ka dhiga?

 

Jacaylku waa dareen dabiici ah oo ku dhasha qofka. Wuxuna sababaa in ka wax jeceli uu dareenkiisa u muujiyo waxa uu jecel yahay ama rabo.  Jacaylku maaha wax aad taaban karto balse waxaa ka dhasha wax la taaban karo.

Jacaylka aad shay u qabto waxaa run ka dhiga falcelinta aad u samayso shaygaas. U fiirso Ilaahay subxaana watacaale wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi isaga oo la hadlaya Nabigeenii suubanaa NNKH Suuradda Al-Cimraan ayaadda 30aad:

“Waxad ku tidhaahdaa haddii aad jeceshihiin Alle aniga i soo raaca Allena wuu idin jeclaan…”

Waxaa aayaddaa Qur’aanka ah ku jira macno aad u ballaadhan oo ah haddii aad jeceshihiin Ilaahay aniga isoo raaca oo ficillada aan sameeyo ka falceliya ama “waxa aan sameeyo sameeya wixii aan ka tagana ka taga.”

 

Macnuhu waa jacaylka Ilaahay wuxuu ku xidhan yahay raacista Nebiga (NNKH) oo ah falcelin. Ilaahay jacaylkiisu waa ficil aynu u samayno oo ah kaligii in aynu caabudno, rasuulkiisana rumayno. Haddii aynu taa samayno falcelinta Rabi ayaynu helaynaa oo ah raali in uu innaga noqdo isla markaana nolasha adduun iyo ta aakhiroba wanaag innagu siiyo.

 

Jacaylka aad u qabto in aad wax barato ama aad xil qabato kuma rumoobo kaliya eray aad afka ka tidhaahdo balse aan ficil wadan, wuxuse dhab ku noqdaa dedaal iyo ficil aan kala go’ lahayn. Taas macnaheedu waxa weeyi wixii aad jeceshahay marka aad falcelin ku habboon u samayso ayuun baa la arkaa isaga oo kuu rumoobay.

Jacaylka aad  u qabto xaaskaaga ama ninkaagu ma aha mid ku yimaadda “waan ku jecelahay” dhinac kali ah ka socota balse waa mid falcelin u baahan. Sirtu waxay ku jirtaa kasbasho ku dhisan falcelin. Haddii aan maanta eray kalgacal ah ugu yeedho xaaskayga oo aan idhaahdo “Qaali dumar iska waran?” oo ay  jawaabtu noqoto “Cabdirisaaq waan fiicanahay,” maalinta dambe waxay iga fishaa waa “Sucaad iska waran…”

Jacaylka aad carruutaada u qabto iyagana aad uga baahan tahay ma aha oo kali ah aniga ayaa dhalay oo waan jecelahay ama waa in ay i jeclaadaan balse waxaa u shardi ah falcelin. Haddii ilmaha aad dhashay jacayl aad u muujin waydo lagama yaabo in uu isaguna kuu muujiyo. Jacaylku waa falcelin!

Gabogabadii- ninkii wax jeceloow haddii jacylkaagu aanu lahayn falcelin ogsoonow arrinkaagu waa “hal bacaad lagu lisay.”

Abdirisak Abadir Ibrahim

Rome, Italy

abadir01@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories