HomeJACAYLKII HORE MISE JACAYLKA IMIKA! –

JACAYLKII HORE MISE JACAYLKA IMIKA! –

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ma ila aragteen dad badan oo aaminsan sidan: “Jacaylka dhabta ahi waxa uu qofka soo maraa mar kaliya. Haddii uu u fiicnaado waxa uu helaa wanaagyada uu wato, balse haddii uu jacaylka koobaad ka xumaado weligii ma illaawo, weyna adagtahay sidii uu jacayl labaad u yagleeli lahaa haddii kale ugu abuurmi lahaa!”

Waa hadal ay in badan isugu sheekeeyaan dadku iyaga oo aaminay in uu jacaylku ku abuurmo qofka hal mar, wixii intaa ka danbeeyana aanay is arag jacayl la mid ah kii hore oo kale. Balse su’aashu waxa ay tahay, jacaylku ma marka ugu horreysa ee uu kugu dhaco ayuun baa mise waa uu dhacaa mar labaad haddii jaanis
ku habbooni jiro?

Jacaylku waa mid ka mid ah darreenada uu Ilaahay innagu abuuray ee ay ka mid yihiin farxadda, cadhada nacaybka iwm. Qofku dhawr jeer iyo in ka badanba uu cadhoon karaa, farxad badan ayuu dareemi karaa si ka badan hal mar, si la mid ah sida uu u cadhoon karo dhawr jeer. Jacaylkuna waa la mid. Qofku waa uu jeclaan karaa hal mar, laba jeer iyo dhawr jer oo kala duwan haddii ay ku munaasib tahay.

Jacaylku waa dareenka ugu awoodda badan dareennada. Iskama yimaaddo’e, waxa uu ku yimaaddaa odhaah qof qancisay, hab dhaqan oo jiitay ammaba hab-muuqaal qalbigiisa dhex qaaday. Haddii uu qofku (wiil iyo gabadhba) ka arradan yahay in la jecelyahay ama la jecelyahay, waxa hubaal ah in uu si fudud u saamayn karo qofkaa ay ka heshay/uu ka helay. Waa run oo caqabad wey ku noqon kartaa waayihii jacayl ee hore ee uu soo maray, balse muddo ka dib, waxa uu gaadhayaa heer uu is dhiibo.

Wey badan yihiin tirade dadka uu ku beermay jacayl labaad oo ka fiican jacaylkii koobaad ee soo maray. Tusaale waxa inoogu filan Umu Salama (RC) oo ka mid ahayd asxaabtii Nebiga gaar ahaanna mid ka mid ah lammaanihiisi nolosha la wadaagi jiray. Sheekadeedu waxa ay u taallaa sidan:

“Markii odaygeedii Abu Salama u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay dagaalkii Uxud ka dib, ayaa waxa ay aamintay in aanu soo mari doonin nin ka wanaagsan isaga (Wanaagu uu dhinacyo badanyahay jacaylka ayaana kaw ka ah). Waxa odhaahyadeedii ka mid ahaa “Xagee ayaad ka helaysaa nin ka wanaagsan Umu Salama!” Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa guriga ugu soo galay Nebi Maxamed nnkh. Wuxu u sheegay in uu rabo in uu u soo geed fadhiisto iyada. Markii ay dhaliilaheeda u sheegtay ka dib, Nebigu scw uu ku aqblay isaga oo u sheegay in aanay dhibaato u keenaynin isaga. Dabadeed na, waxa ay tidhi “Ilaahay wuxu Umu Salama iigu badalay Nebi Muxamad oo ka wanaagsan odaygaygii hore!”

Gabogabadii, Qofka waa uu ku dhici karaa jacaylku mar labaad. Wanaagiisa iyo wanaag la’aantiiuna waxa ay ku xidhan tahay sidan: Haddii uu ninku/gabadhu ay hesho nin/gabadh ka wanaagsan kii/tii hore, waa hubaal in uu jacaylkii hore jacaylkan danbe ka fiicnaan doono. Balse, haddii gabadhii/ninkii hore ka wanaagsan yahay kan danbe, waa hubaal in uu jacaylkii hore ka fiicnaan doono kan danbe.

 

Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories