HomeJacaylka iyo Naceybka midkee kugu badan? Maxaase u dhexeeya?!

Jacaylka iyo Naceybka midkee kugu badan? Maxaase u dhexeeya?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Dadku waxay marar badan soo hadal-qaadaan, buugaagtana lagu qoraa; Xannaanaynta hooyada ee ubadkeeda, saaxiibtinimada si gaar ah laba ruux u dhex-marta.  Jacaylka Caruurtu u hayso noocyo iyo agab ciyaareed goonni ah iyo dareenno kale oo nafsi ah oo gudaha qofka ka oogan.

Haddaba, jiritaanka xannaanaynta, saaxiibtinimada, jacaylka, naxariista iwm. waxay culimada Cilmu-nafsigu ku sheegeen; inay sababteedu tahay; Caadifad (Sentiment), taasoo saldhig u ah waxa uu qofku ku hammiyayo, ku kacayo oo fulinayo.

Hooyo kastaa ubad badan bay aragtaa oo hareeraheeda ku nool, weyna og-tahay in ay xannaanayn u baahan yihiin, hase yeeshee, ubadka ay iyadu dhashay oo hooyada u tahay bay xannaano gaar ah joogto ugu fidisaa, hadh iyo habeenna u heellan tahay oo dhabta iyo laabta ku qabataa, dhudhunkataana.

Qof kasta saaxiibbo iyo macaariif badan oo uu garanayo ayaa jira, laakiin, ruux saaxiibbadaas ka mid ah oo dadka uga soocan, xaggiisana aan laga marin ayaa ka mid ah dadkaas.

Lana yidhaahdo; “Hebel iyo hebel waa isku shushubtaan!” ama lama kala dhex-galo oo xaasaska oo kaliya ayaa u kala soocan.

Ruuxa sama-falka jecel, waxna alle u dhiibay, dadka dhibaataysan iyo kuwa taakta-daran oo dhan buu wax-taraa. Waxaase jiri kara dad uu dhibaatadooda si khaas ah ugu dhega-nugul yahay.

Ruuxa aadamiga ahi, hadba dalka uu markaas ku nool yahay ayuu la jecel yahay nabad, xasillooni iyo barwaaqo, laakiin, dalkiisii hooyo ee uu asal-ahaan u dhashay ayuu ugu sii jecel yahay inuu maqlo  nabad ka jirta, xasillooni, barwaaqo, horumar iyo wanaag oo dhan.

Arrimahaas aan soo sheegnay oo dhammi, biya-dhacoodu waa “Caadifad”. Taasoo ay culimadu sheegeen, inay leedahay; laba daamood (dhinac) oo kala ah;

“Jacayl” iyo ” Nacayb”, wixii aan labadaas ahaynna, waa isku-darkood oo ay waxyaabo kalena ku soo biireen.

Tusaale-ahaan; in laga cadhoodo dulmiga (xad-gudubka), wuxuu ka yimaadaa nacayka Dulmilowga. Ixtiraamku waa jacayl lagu daray qaddarin, Quudhsiguna waa nacayb lagu biiriyay ka-didis iyo iska-fogayn.

Caadifaddu, waxay ka timaadaa, xididdana ku leedahay dabeecadda gaarka ah ee la kala dhaxlo, sida; Af-tahanimada, Gabyaanimada iwm. hase yeeshee, waxaa Caadifadda saameyn ku leh oo wax ka beddala

Xaaladaha bulsheed ee hadba la soo dersa qofka, ama deegaan-bulshadeedka dhan kasta kaga xeeran, sida; qoyska, dugsiga, masjidka, xaafadda, goobta shaqada iwm.

Caadifadda Waddaniyaddu, ruuxa ay ku weyn tahay, waxay ku qaaddaa inuu u adeego waddankiisa, shuruud la’aan ugu shaqeeyo, naf iyo maalba u huro, waxyeellada ka ilaaliyo oo ka dhawro dadka iyo dalkaba. Ka-qayb galo, dhismaha iyo mashaariicda horumarka dalka iyo u adeegga bulshada, isagoo si quman uga qayb qaadanaya, kuna niyad-san.

Ruuxii wax u qabadkaas waddanka laga waayo, danayn waaya, ama iska diida; micnaheedu; waa caadifaddii waddaninimo ayaa ku yar ama uu dhankeeda ka liitaa, kana dhutinayaa.

Ma la is odhan karraa, dadka Af – Soomaaliga ku hadla tan danbe waa ku badantahay oo sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca dhinacyada noloshooda ku habsaddey. Addiguse akhriste ma is weydiisay xaqa dalkaagu kugu leeyahay, si aad uga hesho xaqa aad ku leedahay?

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories