HomeJACAYLKA IYO KHIYAANADA

JACAYLKA IYO KHIYAANADA

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Khiyaanada iyo jacaylku ma laba iska hor imanaya baa? Haddii ay gabadhu ku aragto in uu ninkeedu xidhiidh hoose la leeyahay gabadh kale (amaba caksiga) taas micnaheedu miyay tahay ninku ma jecla gabadhiisa?

Ugu horreyn, waxa muhiim ah in aynu isla fahanno nafsiyadda ninka iyo gabadha. Abuur ahaan, Alle swt waxa uu ninka ka dhigay mid xidhiidh badan. Sidaa daraadeed, wa mid dabiici ah in uu bato xidhiidhada uu ninku la leeyahay dumarka. Xidhiidhka ka xalaasha ah iyo ka xaaraanta ah waxa xadaynaya sharciga islaamiga ah, waana mid uu ninku ikhtiyaar u leeyahay haddii uu danbiga u badheedhayo iyo haddi kale ba. Waa mid ku xidhan hadba

inta ay diintiisu gaadhsiisan tahay, hadba inta ay gaadhsiisantahay qanaacadiisu, hadba inta hab-dhaqankiisu gaadhsiisan yahay, hadba inta ixtiraam ee uu u hayo gabadha ay nolosha wadaagayaan. Badanaa ma raadiyo ninku gabadh kale wa haddii uu ninku helo gabadh qancisa oo dhammaystirta ruuxdiisa iyo caqligiisa. Badanaa abuurta Alle oo dhan labkeedu waa in ay xidhiidh ahaan tiro badan yihiin.

Dumarka iyagu abuur ahaan waxa uu ka dhigay in uu xidhiidhkoodu mid uun noqdo. Haddii ay gabadhu hal nin jeclaato, iyada oo ninkaa jecel ay hadana xidhiidh kale leedahay, waxa xaqiiqo ah gabadhaasi caafimad ahaan caadi ma aha kuma sugna sidii dabiiciga ahayd ee uu Alle ku abuuray. Ninka iyo gabadha labada waa ka xaaraan in ay khiyaamu sameeyaan. Waanay khaldanyihiin kolba kii khaladka sameeya, laakiin marka ay gabadha noqoto, haddii ay khiyaamo ku dhacdo dabcigeedii ma aha ee waxbaa ka si ah, balse, haddii uu ninku khiyaamo ku dhaco waa dabciga uu Alle ku abuuray oo uu xakamayn kari waayay. Taas micnaheedu ma aha danbi la’aan weeye, waa danbiile weyn oo xagga Alle ah.

Sababaha khiyaamada keena:

1. Jinsiga oo daciifa: ninka oo awoodihiisa ka shakiya. Dabadeed si u bahidiisa u kafeeyo ayuu gogol dhaaf u sameeyaa.

2. Bulshada: marka uu ninku ragga dhex joogo, ee ay message-yada ka kala dirayaan baraha ay bulshadu ka wada xidhiidho sida whatsapp-ka, Facebook-ga iwm, iyaduna waa mid kicisa dareenada labada qof oo ku kalifta in uu midba kan kale khiyaamo sameeyo.

3. Kalsooni yarida nafta: marka uu ninku la joogo rag ay asxaab yihiin oo khiyaamoolayal ah isaguna ay kalsoonidu ku yar tahay, Dabdeed na ay asxaabtiisu ku duraan in ay raganimadiisu wax u dhimantahay waayo ma laha gabadh kale oo la safarta, ama ay hoos hoos u wada socdaan. Tani waxa ay ku kalifaysaa ninka in uu khiyaamo sameeyo si uu u tusiyo asxaabtiisa in ay raganimadiisu u dhammaystiran tahay.

4. Gabadha wanaagsan: oo sidee ayay gabadha wanaageedu u sababi karaa in uu ninku khiyaamo ku dhaco? Marka uu ninku doonayo in ay hawlgallada sariirtu u dhacaan si u niyadda ku hayo oo aan u cuntamayn gabadha, ama wax uu niyaysanay oo aan fiicnayn, amaba uu gabadha ka dalbado siyaabo ay u samayso o aan macquul ahayn, haddii ay dalabaadkiisaa aqbali waydo, waxa uu markiiba ninkaasi daydayanayaa gabadh kale oo u buuxisa baahidaa uu ku mala-awaashay maskaxdiisa.

 5. Wiswaas iyo shaki: sida uu wiswaas jidheed u jiro ayuu wiswaas jinsi na u jiro. Gabadhii ayuu ku noqnoqonayaa si joogto ah. Waxa uu galmada u samaynayaa ma aha raaxaysi uu ku raxaysanayo balse waa isaga oo is leh malaha weli umaad tagin gabadhaada. Inta badan, wey ka tagaan dumarku ninka noocaas oo kale ah. Waa cudur nafsi ah oo ay tahay in uu ninkaas oo kale la xidhiidho dhakhaatiirta cilmu nafsiga.

Gabogabadii, xalku waa in khiyaanada loo fahmo in ay tahay mushkilad balse aanay ahayn wax xun oo lagu kala yaaco marka la isku arko. Haddii khiyaamada loo fahmo in ay mushkilad tahay, waxa fududaanaysa in si sahlan loo xaddido sababta mushkiladda keentay, intaas kadibna loo xalliyo.

Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories