HomeJabuuti, Imaaraadka iyo dalalka Isbahaysiga Khaliijka oo taageeray Jawaabta Sucuudigu ka bixiyey...

Jabuuti, Imaaraadka iyo dalalka Isbahaysiga Khaliijka oo taageeray Jawaabta Sucuudigu ka bixiyey warbixinta dilkii Jamaal Khashoggi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

London (SLpost)- Dalalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka ay xulafada yihiin ee Khaliijka Carabta, ayaa taageeray mowqifka dowladda Sucuudigu iska taagtay  warbixin Sirdoonka Maraykanku ku sheegay in Dhaxal-sugaha Boqortooyadu ka dambeeyey hawl-galkii lagu khaarajiyey Jamal Khashoggi.

Warbixinta oo sirdoonku Maraykanku u gudbiyey Aqalka Congress-ka isla markaana Jimcihii shalay la baahiyey ayaa lagu sheegay in amiir Maxamed Bin Salmaan qorsheeyey hawl-galkii lagu dilay Jamal Khashoggi oo ah suxufi u dhashay dalka Sucuudiga balse ku noolaa Maraykanka, kaas oo sannadkii 2018 lagu kharaajiyey gudaha safaaradda Sucuudiga ee dalka Turkiga.

blankHaseyeeshee, war-murtiyeed isla Jimcihii shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa lagu dedafeeyey warbixintaas iyo nuxurka ay xambaarsanayd oo lagu tilmaamay mid sawir qaldan ka bixinaysa hoggaanka boqortooyada isla markaana ah been-abuur aan la aqbali karin.

Haddaba war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu taageeray mowqifka dowladda Sucuudiga ee ku wejahan dilkii Jamal Kharashoggi, waxaana lagu sheegay inay dowlad ahaan kalsooni ku qabaan oo taageero u muujinayaan garsoorka dalka Sucuudiga iyo sida ay uga go’an tahay inay waajibaadkeeda sharci ka gudato cid kasta oo lala xidhiidhinayo masuuliyadda dilkaas.

Waxa warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay sida ay dowladda Imaaraadku uga soo horjeedda isku-day kasta oo lagu buun-buuninayo kiiska ama lagu faro-gelinayo arrimaha gudaha dalka Sucuudiga.

Sida aanu ka soo xigannay qaar ka mid ah warbaahinta Carabta, Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sidoo kale soo dhawaysay jawaabka Sucuudigu ka bixiyey warbixinta ka soo baxday sirdoonka Maraykanka ee ku saabsan dilka loo geystay Jamal Khashoggi, waxaanay Jamhuuriyadda Jabuuti muujisay sida ay uga soo horjeeddo faro-gelin kasta oo loola badheedho arrimaha gudaha dalka Sucuudiga.

Sidoo kale, wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait, ayaa taageero u muujisay jawaabka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ka bixisay warbixinta sirdoonka Maraykanka oo loo gudbiyey Aqalka Odayaasha dalka. Bayaanka ka soo baxay wasaaradda Khaarajiga Kuwait, ayaa sida lagu sheegay lagu bogaadiyey doorka dowladda Sucuudigu ka gaysatay baadhitaanka kiiska la xidhiidha dilkaas, waxaanay meel adag iska taagtay in faro-gelin lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga.

Ugu dambayn Dalka Bahrain ayaa sidaas oo kale ku garab-joogsaday Sucuudiga jawaabta ay ka bixiyeen warbixinta sirdoonka Maraykanka, iyadoo lagu xusay muhiimadda boqotooyada Sucuudigu u leedahay ammaanka iyo siyaasadda mandaqadda Bariga Dhexe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories