HomeJaamici Jahawareersan!!

Jaamici Jahawareersan!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Jaamicigii is beddel unki lahaa, isaga ayaa la baddelay. Jaamicigii jiho cusub jeexi lahaana, isaga la jahawareershay.”

 

Haddii la heli lahaa jaamici aan jiifin ee soo jeeda, dhiijinaya oo tuujiya maskaxda, maroojinaya maanka si uu uga miiro muud malab ah waxa iman lahaa horumarka maanta iyo kan berrito oo is barkan.

Jaamiciga marka aan leeyahay macnaheedu ma`ahan  aqoonyahan; waayo jaamici oo dhammi ma`ahan aqoonyahan, aqoonyahan oo dhan na ma`ahan jaamici.

 

Jaamiciga maanta

 

Is lebiska, is qurxinta iyo is tusnimada ayaa  wehel ii ah. Fikirka dhalin aragti hor leh oo cusub, gaadhitaanka han hiigsi leh iyo horumarka naftayda iyo dadkaygu waa mid aannan mar na ba haabka ku hayn kuna han weynayn. Ma fikiro , wax ma falanqeeyo umana fiirsado fikradaha la ii soo waarido ee si bilaa dhugmo ah ayaan u qaataa una dabaqaa kumaan ahay? Yaa kala dee: jaamiciga maanta .

Dhaqankayga waan ka faanaa, ku qalaad na waan u foofaa. Diintayda iyo dadkayga ma difaaco mana daneeyo se waan deeddafeeyaa. Eexdiyo qabyaaladana ma damiyo mana dambabaso  ee dabkaan ku sii huriyaa. Hadba xaabo iyo xansas na qaylo dhaanta reernimo ayaan uga dhigaa. Hurinta colaadaha iyo isku dirkana waan ku diirsadaa ba.

Annaaniyada iyo in aan ahaado aafeeya afka u dhigta arsaaqda agoonta, islaamaha iyo itaal daranta loogu talo galay waa mabaadiidayda . Ani nin yidhi dad isugu sarreysiina waan idhaahdaa oo ku hadaaqaa kuna haraad baxaa .

Qishka iyo khiyaanada ma qarsado mana aamminsani in wax dhibaato ahi ku sugan tahay balse, waxan u arka sallaan lagaga gudbo duruufaha iyo dac-darrooyinka adag.

Waxan ahay nin wax dhaliila, shay kasta oo dhaayaha aan ka qaadana dhib iyo dhalan-dhool ka sheega, dhiilo na ka muujiya mana keeno dhaliisha xalkeeda `e  jaamcinimadayda ayaa ku jaan-go`an dhaliil aan xal dhaxal gal ah keenin. Haddii aannan fal kasta dhaliil huwin soo bilaa qaddarin noqon mayo, dadkuna iga quusan maayaan oo iga aammin bixi maayaan.

Niyad jebinta , arrin la`aanta iyo rejo tirka waan ku talax-tegay kuna tagganahay waana hawlaha sida hagar la`aanta ah aan u hayo. ka murugaysiinta iyo qalbi madoobaynta dhalinyarada waan ku istareexaa. Arrimahaas aad ayaan ugu dhago nugulahay maqalkooda uguna dhago raarriciyaa. Waxaan ku dhiijiyaa dhalinyarada hadba wixii dhinacooda dhulka dhigaya.

Dadku markay  jaahayga arkaan way is dhuubaan, is dhiibiyaan oo banneeyaan jidadka alla maxay abaal igu leedahay jaamicinimadaydu. Waan jeclahay, cidii la hadasha waan jafayaa oo jarayaa ,juuq dambena laga maqli maayo.

Jaamicinimadayda waan jeclahay , waa janno aan jihaad loo marin.

 

 

w/q: jibriil jirde cabdi

Facebook: jibriil jirde

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories