HomeJaamacadda ADMAS Oo Xaflad U Samaysay 7 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey...

Jaamacadda ADMAS Oo Xaflad U Samaysay 7 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey Jaamacaddaa Oo Helay Waxbarasho Dibadeed

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda ADMAS University College qybteeda magaalada Hargeysa, ayaa xalay xaflad u samaysay toddoba arday oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda, kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkey.

Toddobadan arday oo deeqdan ay heleen u galay tartan imtixaan ah oo laga qabtay in ka badan 80 waddan, ayaa  waxa xafladdaas oo casho ahayd ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socotay wasaaradda waxbarashada, Komishanka Tacliinta sare, maamulka Jaamacadda, Macalimiin, waalidiin iyo ardayda deeqda waxbarasho helay.

Munaasibaddan oo ahayd mid ay dadka ka muuqatay farxad, ayaa intii ay socotay waxa ay dadku hambalyaynayeen ardayda dedaalka badan muujiyey ee uu nasiibkoodu u saamaxay in ay deeqdan waxbarasho helaan.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS, Mudane, Ixsaan Cumar Ismaaciil, waxaanu hambalyo u diray ardayda xafladda loo sameeyay, kuwaas oo uu sheegay in ay dedaal muujiyeen. “Waxaanu ku faraxsanahay in ardaydii aanu waxbarnay ee aanu gacanta ku haynay aanay na tacab khasaarinin ee ay ka faa’iidaysteen wixii aanu barnay” ayuu yidhi Ixsaan.

Admas_Scholarship2Waxa uu intaa ku daray in adduunyadu ay socoto oo wax kasta oo uu qofku isku dayo in uu qabto uu ka midho dhalin karo, isaga oo tusaale u soo qaatay guusha ay ardaydaasi gaadheen.

Waxa isaguna madashaas ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS, Mudane, Xuseen Cabdillaahi Maxamuud, waxaanu faahfaahiyey tirada wadamada iyo ardayda ay tartanka la galeen 7-da arday ee xafladda loo sameeyey, waxaanu yidhi “80 dal baa u tartamay jaamcadahan waxaana ka qayb galay oo ku guuleystay 55,000 arday, Somaliland-na waxay ka heshay 10 arday, 7 ka mid ahina waxay ka soo baxeen Jaamcadda ADMAS”.

Mr. Xuseen waxa uu intaa ku daray in Jaamacadda ADMAS ay 70% ku guulaysatay qaybta ay deeqdan Somaliland ka heshay.“Farxad ayay noo tahay in la yidhaahdo toddobaatan boqolkiiba deeqdan waxbarasho ardayda heshay waxay ka yimaadeen Jaamacadda ADMAS, wasaaradda waxbarashadu waa inay ka markhaati kacdo dedaalka ADMAS”. Ayuu yidhi, waxaanu dardaaran u soo jeediyey ardaydaas oo uu u sheegay in ay metelayaal umad iyo dal dhan, loogana fadhiyo in ay dedaalaan oo ay ku soo noqdaan dalkooda iyagoo wax soo bartay, si ay dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan.

Intaa kadib, waxa makarafoonka qabsaday Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy oo toddobada ay arday ay u badnaayeen qaybtaas, waxaanu sheegay in ardaydaasi ay muujiyeen dedaal iyo karti.

Dr. Swamy waxa uu ka sheekeeyay waayaha nololeed ee adag ee ay waalidiinta Somaliland la soo mareen korinta iyo waxbarista carruurtooda, kuwaas oo aakhirka ay ubadkoodu soo gaadheen heer Jaamacadeed. “Haddii ay 7  ka mid ahi nodeen 10kii ugu saraysay waxaan shaki ku jirin inay ADMAS ku jiraan boqolaal kale oo aan rajaynayo inaynu sidan oo kale u qaban doono xaflado kale” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey dardaaran uu usoo jeediyey arday, kuwaas oo uu u sheegay in ay u shaqeeyaan si adag, kadib waxbarashoodana ay dib ugu soo noqdaan dalkooda si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan.

Prof. Ibraahim X. Muxumed Aaye oo ka mid ahaa weftigii aqoonyahanka ahaa ee la socday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar laakiin ku hadhay dalka, waxaanu hambalyo u diray Jaamacadda ADMAS oo uu ku amaanay tayada waxbarashada ay bixiyaan, taas oo uu sheegay in ay markhaati ka tahay toddobada arday ee ku guulaystay tartanka waxbarashada dibadeed. “waxaan hambalyeynayaa Jaamacadda Admas oo jaamacadihii kale kaga guuleysatay tartankii ay wada galeen waxaanay taasi muujinaysaa inay Jaamacadda dad tayo lihi joogaan, waayo dadka tayada leh waxaa soo saari kara uun dad tayo leh, waxaanan  idinka rajaynayaa inaydaan noqon doonin kuwaa umaddoodii ka cararay balse aad noqon doontaan kuwii dalkooda wax u soo barta ee anfaca mustaqbalka” ayuu yidhi.

Admas_ScholarshipWaxa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiqaadir Dhaashane, oo ka socday Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland, waxaanay sheegay in ay isaga farxad gaar ah u tahay, isla markaana ay taababanayso, maadaama oo uu ka mid ahaa macallimiintii seeska u dhigtay waxbarashada Somaliland.

Mudane Cabdiqaadir waxa uu sheegay in ay u arkaan Jaamacadda ADMAS mid tayayadeedu is muujisay, isla markaana ay tartankii kaga guulaysatay jaamacadaha kale ee dalka, waxaanu yidhi “Waxaanu u aragnaa in waxaan la filaynin ay soo baxeen oo jaamacadii ADMAS ay 10-kii arday ka heshay 7, waxaad tusaale u tihiin ardayda dambe, tayadii Jaamacadduna waa taa soo baxaysa”.

Ugu dambayn, waxa kale oo isaguna hadal ka jeediyey xafladdaas Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Khadar Axmed Diiriye, waxaanu dardaaran waayo-aragnimo u soo jeediyey 7-da arday, kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay dedaal.

Agaasime Khadar, waxa uu xusay in guddida Tacliinta Sare ay ammaantay Jaamacadda ADMAS, iyaguna wasaarad ahaan ay ku xisaabtami doonaan, waxaanu yidhi “Jaamacadda ADMAS waxaan leeyahay wakaas oo waxaa idin amaanay Gudigii Tacliinta sare anaguna ka wasaarad ahaan waanu idinku xisbaabtami doonaa kaalintiina qiimaha leh.”

Waxa iyaguna madashaas hadalo ka jeediyey qaar Cismaan Awr-liqe oo ku hadlay magaca waalidiinta, Solomon Wakjira oo ka mid ah macalimiinta iyo Maxamed Cumar Guudle oo ku hadlay afka ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho ee dalka Turkey.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories