HomeJaamacadda ADMAS oo xaflad Balaadhan Ugu dabaal degtay Sanad-guuradda 22-aad ee Somaliland

Jaamacadda ADMAS oo xaflad Balaadhan Ugu dabaal degtay Sanad-guuradda 22-aad ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLPOST)  Jaamacad ADMAS, ayaa caawa si balaadhan u xustay sanad guurad 22-aad ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay madaxbanaanid jamhuuriyad Somaliland.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo xalay lagu qabtay huteel Maansoor, ayaa waxaa ka soo qaybgalay , boqolaal ka mid Ardayda jaamacad ADMAS oo ku labisan Astaanta Calanka Somaliland ,Waxaa kale oo ka soo qayb galay Maamulka iyo Maclimiinta jaamacada, sidoo kale waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Cadaaladda , Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda, Maayarka magaalad Hargeysa, Agaasimaha Tacliinta Sare , Agaasimaha wasaaradda Cadaalada , Fanaanka weyne ee Nuur Daalacay iyo marti sharaf kale oo badan.

Sharmaake Maxamed Abiib oo ka mid gudidii soo qaban qaabisay munaasibad ayaa umahad celiyey dhamaanba dadkii kale qayb qaatay qabsoomid xafladdan, waxaanu u hambalyeeyey shacabka Somaliland.

Al fanaan Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay ), ayaa isna Hambalyo u diray dhamaan shacabka Somaliland, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu wadanka gudihiisa kala qaybgalo dadweynaha Somaliland oo u dabaaldegaya maalinta xornimadoodda, waxa kale oo uu ku dardaarmay inay dalkooda dhistaan jeclaadan ,isla markaana ay aqoontooda ugu faa’iideeyaan , waxaanu Nuur daalacay ugu digay dhalinyarad inay tahriibaan waxaanu ugu xog waramay xaalad tahriibta , intaa kadib Nuur Daalacay waxa uu xaflada ka qaaday heesaha wadaniga ah ee uu caanka ku yahay oo mar qudha madashii isla sare kacday.

Ixsaan Cumar Ismaaciil Gudoomiyaha Jaamacad ADMAS ayaa iyaduna shacabka Somaliland u hambalyeysay maalinta 18 may, waxayna tidhi “Anigoo ku hadlaaya magaca jaamacad ADMAS Waxaan u Hambalyeynayaa Xuska 18may oo qaali ku ah shacabka Somaliland.” Maayarka Magaalad Hargeysa C/raxmaan Caydiid (Soltelco), ayaa isna inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo xafladan ay ardaydu dhigteen isla markaana lagu xusayo madax banaanidda Somaliland, waxaanu yidhi “18 may waa maalin Qaran qiimeheed leh markaa waan idiinku hambalyeynayaan Xuskan aad u qabteen si aad u qiimaysaan”

Agaasimaha Tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa maalintii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland “ Hadaynu nahay bahda waxbarashada waxay siweyne u xusaynaa 18 may markaa waa inaan ka dhex muuqataan , hay,adda dawlada iyo Ciidamadda”.

Wasiirka wasaaradda Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo halkaasi ka hadlay ,ayaa sheegay in munaasibadani bilow u tahay xuska Sanad guurada 22 aad ee lasoo noqoshad Somaliland , waxaanu xusay inay muujinayso go’aanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan qaran madaxbanaan.

admasWasiirka cadaaladu waxuu si qoto dheer ugu waramay halgankii dheeraa ee loo soo maray dibu xoraynta Somaliland waxaanu tilmaamay inay dhalinyaradu markasta door weyne ku leeyihiin halganka himilad Somaliland “ Waxaan leeyahay haday kumaan sano qaadanayso ka noqon mayno qadiyadeen Somaliland waa inaad daafacdaan oo aad heegan u ahaataan. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo gabo gabadii munaasibada ka hadlay ayaa u hambalyeey Xuska 18may waxaanu ku amaanay Jaamacada ADMAS qaban qaabada xuska oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sanad guuraddii 22aad ee ka soo wareegtay maalinta lagu dhawaaqay madaxbananidda Somaliland waxaanu ku dardaaray inay ku adkaadan Qarannimadooda “Waxaan sheegay in himilad Somaliland ay tahay mid qofkasta oo reer Somaliland ah Uu xil ka saaran yahay, Waxay dunidu inagu ictiraafaysaa in dan kaa yeelato ama ay garwaaqsato gobonimadan maaha mid bilaash lagu helo markaa dhaliyarooy idinkaa lidiinka baahan yahay inaad difaacdaan dalkiina ka shaqaysaan horumarkiisa dalkaaga ayaana wax lagu noqdaa.”

Si kastaba ha ahaatee, madaxdii iyo ardaydii halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekeeyey taariikhdii ay soo martay maalintan loo dabaaldegayo ee xornimadda Somaliland iyo qiimaha uu leeyahay calankaasi saddexda midab leh

somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories