HomeJaamacadaha Hargeysa iyo Jabbuuti oo ka Shiray Caqabadaha Haysta Culuumta Bulshada

Jaamacadaha Hargeysa iyo Jabbuuti oo ka Shiray Caqabadaha Haysta Culuumta Bulshada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin iyo Barayaal-sare (Professors) oo ka tirsan jaamacadaha Hargeysa iyo Jabbuuti ayaa wada-jira u soo bandhigay xog la xidhiidha caqabadaha hortaagan cilmibaadhista culuumta bulshada (Social Science and Humanities) iyo dhibaatada ka hortaagan in cilmibaadhista culuumtani ay gaadho heerkii saxda ahaa ee looga baahnaa.

Kulan-aqooneed ay Cilmibaadhayaashan Culuumta bulshada ee labada jaamacadood maalintii shalay, 22 Sabtembar, ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa ay si cilmiyeysan oo aad u faahfaahsan ugu soo bandhigayeen xogahan ay wada-jirka u soo baadheen ee Culuumta bulshada iyo Cilmibaadhista la xidhiidha, waxaana ka soo qaybgalay ardayda jaamacadda Hargeysa qaybta guud ahaan iyo gaar ahaan ardayda Culuumta bulshada (Social Science), macallimiin jaamacadeed iyo aqoonyahan kale oo badan.

Dr. Kenediid Cali Xasan oo madax ka ah qaybta cilmibaadhista Culuumta bulshada iyo dabeecadda iyo nolosha (Social Science and humanities), isla markaana ka mid ah barayaasha aqoonta sare u leh cilmibaadhista Culuumta bulshada (Social science research) waxna ka dhiga jaamacadda Hargeysa ayaa ka mid ahaa afar xeeldheere oo hormuud ka ahaa kulan-aqooneedkan. Dr. Kenediid oo markii uu kulankani dhammaaday saxaafadda qaar uga waramay ujeeddada kulankan, ayaa sheegay in Laba Macallin oo ka socda Jaamacadda Jabbuuti, si gaar ahna u dhiga Culuumta bulshada (Social Science) ay dalka yimaddeen, isla markaana iskaashigan ay wada yeesheen jaamacadda Hargeysa qaybta cilmibaadhista Social Science ka, si ay isula eegaan caqabadaha labada jaamacadood ee Hargeysa iyo Jabbuuti arrintan ka haysta iyo hannaanka ugu habboon ee looga gudbi karo.

Dr. Kenediid oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Kulankan waxa aanu  u qabannay in aanu isku dayno soo bandhigidda dhibaatada haysata Culuumta Bulshada (Social Science and Humanities), tusaale ahaan sidii cilmigan muhiimka ah loo horumarin lahaa waxna loogu soo kordhin lahaa si uu ula jaan qaado heerka uu dunida ka taagan yahay cilmigani”

Dr. Kenediid waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in cilmibaadhista la xidhiidha cilmiga bulshadu ay noqoto mid si xor ah u socota oo ka madax bannaan Ururrada iyo cid kasta oo laga yaabo in ay jeclaysato in ay ku gaadho natiijo ay danaheeda gaarka ah uga faa’idaysato, maadaama oo uu yahay cilmi ka ballaadhan kana faa’ido badan in sidaas dhuuban cidi u wadato. Dalka iyo dalkana faa’ido badan u soo celinaya.

Dr Kenediid isaga oo ka hadlay qaabka uu ku yimi fikirkan muhiimka ah ee keenay iskaashiga macallimiinta Culuumta bulshada ee labadan jaamacadood ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaa Shirkan iska kaashaday afartaydan macallin, Dr Cabdilaahi Ismaaciil, Dr Mare-Ange Somdah oo iyagu jaamacadda Jabbuuti ka tirsan iyo Dr Cabdilaahi Jaamac Iyo Aniga oo ah Dr Kenediid Cali Xasan, labadayaduna aanu ka tirsannahay jaamacadda Hargeysa. Macalimiintayadan oo dhammaantayo PhD ahi waxa aanu dhignaa cilmigan, markaas waxa aanu doonaynaa sidii aanu u abuuri lahayn, hannaanka ku habboon samaynta cilmibaadhis ku saabsan Culuumta bulshada iyo Insaaniyadda (Sociel Science and humanities).

Baadhitaannada ay xeeldheerayaashan cilmiga bulshada iyo Insaaniyaddu (Social Science and Humanities) sameeyeen si ay u ogaadaan caqabadaha hortaagan cilmibaadhis la sameeyo waxa ay ku ogaadeen in uu ka mid yahay jaamacadahan oo ay ahayd in ay noqdaan kuwa iyagu hoggaaminaya ee maalgelinayaa oo nasiib darro iyaga qudhoodii ay dhaqala darro haysato oo aan haysan maaliyad ay ku taageeraan cilmibaadhista, isla markaana aanay dawladuhu sida dunida kale siinin kharash ay arrintaas ku horumariyaan kuna dhiirrigeliyaan cilmibaadhisaha Culuumta bulshada iyo Iinsaaniyadda (Social Science and Humanities)

Si kastaba ha ahaato ee Dr. Kenediid waxa uu sheegay in inkasta oo ay run tahay in caqabaddaa dhaqaale la’aantu jirto, loona baahan yahay in la raadiyo kharash lagu maalgeliyo cilmibaadhista Cilmigan Social Science and Humanities, haddana in ay wadayaan dadaalka codsanayaanna in lala dadaalo sidii dhaqaale loogu heli lahaa cilmibaadhista Social Science ka si loo soo saaro natiijo cilmiyeed oo ka tayo iyo waxtar badan ta hadda in badan ka soo baxda daraasadaha cilmigan la xidhiidha ee ay sameeyaan dadka ajaanibka ah ee inoo yimaaddaa oo iyagu soo saara natiijo sida ay iyagu rabaan waafaqsan.

Ugu dambayntii Dr. Kenediid waxa uu sheegay in ay wadaan dadaal ay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dalka ku barayaan cilmigan si loo xoojiyo cilmibaadhista Culuumta bulshada (Social Science Research) ardayda ay hadda u dhigaan cilmigan ee jaamacadda Hargeysa iyo kuwii hore u baxayna waxa uu kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii wadaan ogaadaanna in ay baranayaan cilmi uu dalkoodu u aayi doono, in kasta oo uu u baahan yahay in lala fahmo dhaqaalena loo helo.

Culuumta bulshada iyo Iinsaaniyadda (Social Science and humanities) oo muddooyinkii u dambeeyey ay jaamacadda Hargeysa wadday xoojintiisa, gaar ahaan ay shahaadada labaad heerka jaamacadeed (Masters) ugu wadday arday kala duwan, ayaa ah cilmi dunida maanta muhiimad gaar ah ka leh. Culuumta lagu bartana waxaa ka mid ah, dhaqaalaha, horumarka, culuumta siyaasadda, cilmiga Istaatistikiska (Statistics) bulshada iyo habka nololeed iyo deegaan ee dadka,  cilmiga baadhista xidhiidhka nololeed ee dadku la leeyahay deegaanka, iwm, hidde-raaca cilmiga afafka, taariikhda nololeed iyo dhaqan ee bulshada iyo xidhiidhada ay lahaayeen, xidhiidhka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda, afafka hore iyo kuwa hadda, Suugaanta, Falsafadda, Taariikhda, Isgaadhsiinta, sharciga iwm.

Xigasho: Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories