HomeJaamacad Maraykan ah oo Billad-sharaf iyo Abaalmarin lacag ah guddoonsiinaysa muwaadinad...

Jaamacad Maraykan ah oo Billad-sharaf iyo Abaalmarin lacag ah guddoonsiinaysa muwaadinad Somaliland ah oo Dedaalkeeda la Majeertay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Philadelphia (SLpost)- Machad ka tirsan jaamacada Pennsylvania ee dalka Maraykanka, ayaa shaaciyey inay abaalmarin iyo lacag gaadhaysa boqol kun oo dollar ($100,000) siin doonaan muwaadinad u dhalatay dalka Somaliland oo la majeertay dedaalkeeda dhinaca gar-gaarka bani’aadamka.

“Caafimaadka iyo nabadgelyada dumarku qiimo weyn ayey noo leedahay,” ayuu yidhi Jean Renfield-Miller, gudoomiyaha ururka Renfield ee bixinaya abaalmarintan. “Abaalmarintan waxay dhiirigelinaysaa ku baraarugsanaanta xaaladaha ay waajahaan dumarka iyo hablahu maanta, isla markaana, dhiirinaysa abuurida xalkii mushkiladaha. Abaalmarinta dadka ugu horeeya dhinaca, waxaan filayna inaan taageerno dumarka hormoodka ka ah aduunka.”

Edna_graduating_nursesSida shalay lagu daabacay barta Newswire, abaalmarintan oo labadii sannadood mar la bixiyo ayaa sannadkan a gudoonsiin doonaa Marwo Edna Adan Ismaaciil oo cusbitaalkeedu isbedel ku sameeyey caafimaadka haweenka Somaliland iyo deegaamo kale.

Abaalmarintan ayaa la sheegay inuu Edna Aadan u xulay Qoraaga caanka ah ee Nicholas Kristof oo maqaalladiisa ku daabaca wargeyska The New York Times, isla markaana aqeyb ka qaatay soo saaristii buug lagu magacaabo (Cirka badhkii: U beddelka murugada fursado ay helaan dumarka dunidu’.

“Edna Adan ayaa hormood keliya ka noqon shaqadeeda kalkaaliso ee Somaliland, waxayna hindistay dhismaha cusbitaal iyo xarun tababar oo soo saarta kalkaalisooyin iyo umulisooyin ka shaqeeya guud ahaan Somaliland,” ayuu yidhi Kristof, waxaanu intaas raaciyey, “Waxay dedaal weyn u gashay joojinta gudniinka fircooniga ee dalkeeda. Dhab ahaan waa waxtar noloshaadu, waana muhiimada aad xiisaynaysid daawashada waxqabadkeeda.”

Edna Aadan Ismaaciil, ayaa la filayaa in abaalmarintan lagu gudoonsiiyo Kulanka Caafimaadka Haweenka Dunida oo ay ka soo qayb-galayaan khubaro, dhakhaatiir iyo martisharaf kala duwan,kaas oo 15 bisha May ee sannadkan ku qabsoomaya dalkaasi Maraykanka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories