HomeJaamacad ku Taala Hargeisa oo Sanadkiiba Laba Jeer Ardayda ku Kordhisa Lacagta

Jaamacad ku Taala Hargeisa oo Sanadkiiba Laba Jeer Ardayda ku Kordhisa Lacagta

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Jaamacadda Golis waxa la aasaasay sanadkii 2005, iyadoo mulkiilaha haatan ee jaamacaddu uu kasoo ururiyay kharashkii jaamacadda lagu furey jaaliyadaha dibadaha oo uu qorshuhuna ahaa in ay jaamacaddu noqoto “public university”oo ah mid bulshadu iska leedahay balse dabacsanaan uu ka helay dawladda darteed looga dhigay jaamacad si gaar ah uu u leeyahay “private ownership” hadaba si uu kab uga helo dawladda ayaa hadana la bedelay oo laga dhigay mid u dhaxaysa labadaas lahaansho ee aan kor kusoo sheegnay oo ah “public-private partnership”  hadaba jaamacadda Golis waa jaamacad leh laba kaadh oo kolba mid lala soo baxo, hadii dawladdu is tidhahdo fara gelin ku same wuxu soo sareysiiyaa lahaanshihii ahaa private ownership. Hadii intaas aan kaga imaado lahaanshaha jaamacadda,

bal aan maqaalkeenna hoos ugu sii daadego.

 

Jaamacadda Golis waxa kale oo ay ku caan baxday in aanay mushahar siin shaqaaleheeda oo markasta afar iyo shan bilood mushahar la’aan dhex fadhiya taas oo qofkii mushahar soo hadal qaadana maalinta labaad ba laga eryo shaqada, waxana ugu danbaysay nin ILAALIYE ahaa oo maalmo dhawayd mushahar la’aan maxkamadda hargaysa ka dacweeyay jaamacadda.

 

Shaqaalaha kale waxay ku joogaan “HADII AAN HADALNANA WAA AF SALAX  KU DHEGAYGII HADII KALENA…………..” sababtoo ah hay’ad shaqaale oo u doodaa ma jirto wasaaradda waxbarashaduna hawlahaas ma gasho oo umaba haysato inuu xil ka saaran yahay, dadwaynaha soomaaliyeed waxan ka codsanayaa inay faataxada usoo maraan in shaqaalahaasi xaqooda helo.

 

Lacagta iyo ardaydana bal eray aan ka idhaahdo:

Jaamacaddani keliya kumay caan bixin in ay shaqaalaha lacagta u diido balse taas waxa garab socota in lixdii biloodba mar ardayda lacagta lagu kordhiyo kana dhigtay abuurtana buuq iyo khilaaf hakiya waxbarashadii ka socon lahayd jaamacadda oo illaa imika socota.

Taasi waxay dhaxalsiisay jaamacadda in laga saaro sagaal guri oo ay hore u kiraysatay, markii kiradii ay iska bixin kari wayday, waanwaan badan oo reeraysan  kadibna ardaydii lagu meeleeyay hoygii uu ka kacay schoolkii la odhan jiray BRITISH.

 

 

Jeelka casriyaysan:

Kusoo dhawaada qaybtan oo aan kaga hadli doono jeelka casriyaysan,  jaamacadda keliya ee u diida ardayda in ay ka bedeshaan marka ay ku qanci waayaan waxbarashada ayaa ay arday badani waxay isku daydaa in ay u bedelato meelo kale oo ay ka kordhistaan aqoontooda, waxa arday badani garan waayaan dhinac ay uga baxaan jeelka casriyaysan oo aan loo ogolayn in la siiyo wax bedel ah oo ay galaan jaamacad kale.

 

 

Weli Qisaddan oo kale

QODOBKA kale ee xiisaha leh ayaa isna ah jaamacaddan Golis waxa la aasaasay sidaan kor kusoo sheegnay2005, waxana laga qalin jabiyay 14 jeer, Hadaba akhriste bal isugayntii iyo kala jaristii caruurnimadii aan ku noqonee 2005-2015 jaamacad jirtay toban sano oo laga qalin jabiyay 14 jeer weli ma aragtay mase maqashay mise sanadkiiba laba jeer ayay qalin jabiyaan??? dee haa oo waynaggan maantaba arkayna.

 

 

Guntii iyo gabagabadii:

Akhrise, aan kusoo gabagabeeyo,

In badani koleey ila aragtaye, habeen habeenada ka mid ah ayaan TVga hoos fadhiistay mise warka kadibba waxa soo baxday jaamacadii Golis, oo leh 2015 waxaanu noqonaynaa jaamacadda geeska Africa ugu weyn ee ugu wanaagsan wakhti xaadirkaa aan tvga daawanayo Golis waxaanay mushahar bixin muddo 4 bilood ah, markaasaan hoos u idhi ILAAHAY HA IDINKU ASTURO, balse buuqii ardayda iyo  tii macalimiinta oo isla oogsanaya oo ardaydiina lacagtii lagu kordhiyay macalimiintuna aanay mushahar qaadan 4 bilood ayuu sii dhamaanayaa sanadkii TVga laga sheegay balanqaadyada..

Akhirse, la soco maqaalka danbe iyo meelaha ay Golis ka kooban tahay iyo sida kala duwan ee loo maamulo.

 

Qalinkii: Abdirashid Ahmed Xarago

Hargeisa, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories