HomeJaamac Shabeel Oo Mucaaridka Ku Eedeeyay In Ay Ka...

Jaamac Shabeel Oo Mucaaridka Ku Eedeeyay In Ay Ka Baxeen Heshiiskii Ay La Galeen Xukuumadda iyo KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga KULMIYE ayaa labadda xisbi  mucaarad ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay in ay ka baxeen heshiiskii ay wada jirka u  gaadheen saddexda xisbi qaran iyo  xukuumaddu.

Heshiiskaasi oo ahaa   in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan bisha December 2016-ka, sidaasina waxaa sheegay  guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge(Jaamac shabeel) oo  xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN.

“Xukuumadda iyo xisbigeedda KULMIYE mawqifkoodu wuu cad yahay arrintaana heshiis ayaa laga gaadhay,  oo la wada galay.  dhankayagana heshiiskaasi waa sidaanu u galnay anaga (xukuumadda iyo KULMIYE) ayay noo taallaa sidaanu u fulinayno.  Laakiin  cidda ka baxday iyaga ayay u taallaa wax aanu ka baxnay  oo xagayaga ka yimidna ma jiro” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Isagoo  hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Go’aanka guurtida cidda diiday iyagaa og waxay yeelayaan go,aankaasina waa mid sharci ah anaga ayaanay too taalla sidaanu isu waafajinayno  una diyaara labadaba in aanu fulino  labada xisbi mucaaridna waxaanu kula heshiinay waanu fulinaynaa hadday iyagu diidaanna waxaan u aragnaa in ay iyagu ka bexeen.”

Sidoo kale Jaamac Shabeel,  oo la waydiiyay in ay mar kale wada hadal la furayaan axsaabta mucaaridka ah iyo in kale mar haddii uu muran ka dhashay heshiiskii hore.

Waxa uu ku jawaabay “Wada hadal marbaa la furay waanu dhamaaday waxna waa lagu heshiiyay heshiiskii aanu wada galnay fulintiisuna waa naga diyaar  wada  hadal kalena ma jiro oo wax laga wada hadlo oo kale anagu(KULMIYE)  garan mayno kol haddii aanu diyaar u nahay fulinta waxaanu ku heshiinay cidda ka baxdayna iyagay u taalla ”ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay   kooxda  la baxday Madasha Wadatashiga. Kaasi oo ahaa   in xubno ka tirsan kooxda la baxday madasha wadatashiga oo sheegay in ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ka dacweeyeen  dawladda Ingiriiska.

“Haddii  la iska  hadlayo  wax kasta waa la iska odhan karaa,  waana hadal aan macno lahayn oo la iska yidhi sababtoo ah Xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE  waxay hoggaanka dalka kula wareegeen doorasho ay dadkoodu ku doorteen.

 Waxaanay  haystaan kalsoonida shacabkooda waxaana hubaal ah in imikana ay bulshadu diyaar u  tahay in ay mar kale Xukuumadda iyo KULMIYE codkooda ku  ninka  yidhi cid baan ingiriis ka dacweeyay waa nin kalsooni  ka waayay shicibkiisa oo cidla  ku wareegaysanaya  Ingiriiska ay leeyihiin waanu ka dacwaynayna dacwad loo gudbiyay Somaliland waxba laguma yeeli karo midda kale ingiriis  horta intaan cid laga dacwayn ma yahay dal ina aqoonsan.

 Dal  aan Somaliland-ba aqoonsanayn masuuliyiin ayaan ka dacwaynay waa hadal tiro iyo nin albaab xidhan oo silsilado ku qufulan garaacaya markaa iska garaac ayaan leeyahay gacmuhu ha kugu daalaan”ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE.

 Source: DAWAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories