HomeJaamac Shabeel oo ka hadlay Aragtidiisa ku aaddan Qaabkii loo maray Xalinta...

Jaamac Shabeel oo ka hadlay Aragtidiisa ku aaddan Qaabkii loo maray Xalinta Khilaafka Kulmiye iyo Cidda u taagan Murashaxnimada Xisbiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shabeel1Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Cismaan, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyey in xalinta khilaafaadkii ka dhex-aloosnaa xisbiga dhexdiisu ay daawo u noqdaan dib-u-dhacyo tiraba dhow jeer dib-u-riixay qabsoomidda Shirweynaha Xisbiga, isla markaana uu shirweynuhu ku qabsoomi doono xilliga rasmiga ah ee loo muddeeyey oo ku beegan 22 Bisha March ee sannadkan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo xog-waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya uu la yeeshay wariye ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay inaanay wakhtigan xisbiga gudihiisa ka jirin caqabado mar kale horseedi kara inuu wakhtigiisa ka baaqdo shirweynaha Xisbiga Kulmiye, wakhtiganna lagu mashquulsan yahay u-diyaar-garow loogu jiro qaban-qaabada shirweynaha.

Guddoomiye Jaamac-Shabeel waxa uu dhinaca kale ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha qaabkii loo maray xalinta xurguf kala-irdhaysay madaxda Xisbiga iyo qorsheyaasha uga yaala haddii uu jiro murashax xisbiga gudihiisa laysla waafaqsan yahay inuu ugu tartamo doorashada madax-tinimada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto daba-yaaqada sannadka soo socda.

Ugu horreyn isaga oo ka hadlayey aragtidiisa ku aaddan qaabkii loo maray dhex-dhexaadinta khilaafkii u dhexeeyey dhinacyadii ku kala qaybsamay siyaasadda xisbiga, waxa uu yidhi, “Marka arrin cid dhex-dhexaadisa loo saaro ee la yidhaah arintaa soo xaliya, ciddaasi waxay ka fekertaa waxa ay isleedahay way ugu haboon tahay. Guddiganina in badan bay shaqaynaysay, dedaal badan wey gashay. Xalkan ay soo dhigeena waa kii ay danta moodeen, dhinacyadu waa ay wada aqbaleen.”

Jaamac-Shabeel oo la weydiiyey rejada ay xisbi ahaan ka qabaan shirweynaha Xisbigu inuu ku qabsoomo wakhtiga loo muddeeyey maadaama oo la xaliyey khilaafkii sababay inuu dhowr jeer oo hore shirweynuhu dib u dhaco, waxa uu sheegay inaanay jirin caqabad wakhtigan hortaalla qabsoomidda Shirweynaha, isla markaana lagu gudo-jiro diyaar-garow lagu qaban-qaabinayo inuu shirkaasi ku qabsoomo xilliga loo asteeyey oo ku beegan 22 bisha soo socota.

In kasta oo la hadal-hayo inuu madaxweyne Siilaanyo mar kaliya diyaar u yahay murashaxnimada xisbiga Kulmiye, haddana Mr Jaamac Shabeel oo la weydiiyey Cidda rasmi ahaan loogu asteeyey murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga ugu tartamaya doorashada la filayo inay ka qabsoonto dalka dabayaaqada sannadka 2015-ka, waxa uu sheegay inaanay jirin cid ilaa wakhtigan laysla oggol yahay inay xisbiga u metesho tartanka madaxtinimada, isaga oo ku dooday in shirweynaha Xisbiga lagu dooran doono oo kaliya hoggaanka sare iyo golaha Dhexe ee xisbiga balse go’aanka rasmiga ah ee arrintaas la xidhiidha lagu astayn doono shir ay isugu iman doonaan Golaha Dhexe ka dib marka uu qabsoomo shirweynaha Xisbigu.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories