HomeJaamac Oomaar Seed oo Maalintii Afraad Ku Xidhan Xabsiga Gabbood+Ehelladiisa oo Laga...

Jaamac Oomaar Seed oo Maalintii Afraad Ku Xidhan Xabsiga Gabbood+Ehelladiisa oo Laga Horjoogsaday Inay Booqdaan+Sababaha loo Aanaynayo Xadhigiisa

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...
Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Oomaar Trading Co. Ganacsade Jaamac Oomar Seed oo Ka mid ah Tujaarta ugu waaweyn Dalalka SOmalialnd iyo Djibouti. Ciidammada Jandarmaariiga loo yaqaan ee dawladda Jabuuti ay Ganacsade Jaamac Oomaar Gurigiisa ka soo qabteen Maalintii axaddii iyaga oo Ku xidhay xabsiga dhexe ee loo yaqaan Gabood. Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan xadhiga ganacsadahan hase yeeshee ilo wareedyo ku dhaw Ganacsade Oomaar ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in loo aanaynayo xadhigiisa Sigaar dalka Jabuuti la keenay dhawaan kaasi oo lagu eedeeyey Shirkadda inaanay habka sharciga u soo marin. Dhinaca kalena waxa wararku tibaaxayaan in xadhigiisa lagu xidhiidhinayo xidhiidh ka dhexeeyey isaga iyo nin kale oo ganacsade ahaa oo u dhashay dalka Jibouti balse hore dalka uga cararay ka dib markii xafiiltan dhinaca siyaasadda ahi dhex maray oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Boorre. Ciidammada ayaa sidoo kale Albaabada u laabay xarunta ganacsi ee shirkaddaasi ku leedahay magaalo madaxda Jabuuti taasi oo ilaa hadda xidhan. Ma jiro war rasmi ah oo Illaa xilligan ka soo baxay dhinaca shirkadda iyo dhinaca dawladda iyadoo warku intaa ku darayo in xataa eheladda ganacsadahan loo diiday inay xabsiga ku booqdaan. Somalilandpost News Sharikadda Oomaar Trading oo xarunteeda ugu weyni ku taallo Somaliland oo uu leeyahay ganacsade Jaamac Oomaar Seed ayaa ah shariikadda ugu weyn ee ka jirta Somaliland, waxaana ay dekedda berbera kala soo degta bishii hanti ka badan laba jeer marka la isku darro hantida ay ganacsatada kale ee Somaliland kala soo degaan, waxaana lagu tilmaama inuu yahay ninka ugu cashuur bixin badan markay noqoto ganacsiga ka shaqeeya Somaliland. Somalilandpost.net Djibouti
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories