Home“JaaliyaDda Somaliland UK waxay bogaadinaysaa Madaxweynaha wafdigii la socday guusha ay ka...

“JaaliyaDda Somaliland UK waxay bogaadinaysaa Madaxweynaha wafdigii la socday guusha ay ka soo hooyeen socdaalkii Kenya iyo London” – WARSAXAAFADEED

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SSUKLondon (SLpost)- Ururka ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Somaliland ee Dalweynaha Britian ee SSUK, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo weftigiisa ku bogaadiyey Guusha ay ka soo hanteen Socdaalkoodii magaalooyinka Nairobi iyo Kenya.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddida Ururkan, ayaa u dhignaa sidan:,

“Jaaliyadda Somaliland UK (SSUK) waxay aad u soo dhawaynaysaa kuna bogaadinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ahmed Mahamed Mahamuud  iyo wafdigii la socday guusha ay ka soo hooyeen socdaalkii ay ku soo mareen Kenya iyo London.

 Socdaalka Madaxweynuhu wuxuu aad u xoojiyay cilaaqaadka iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya  Somaliland, Maraykanka iyo UK. Arrintaa oo ka mid noqonaysa talabooyinka wax ku oolka ah iyo wax qabadka xukuumada  mudadii gaabnayd ee ay  xilka haysay.

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay waxa ay si sharaf leh ugu qaabileen xubno ka mid ah bulshada reer soomaaliland ee dagan UK. 12/02/2013 kii qolka shirarka ee huteelka Sheriton. Kulankaas oo ujeedadiisu aheyd is xogwareesi iyo in bulshadu aragtiyadooda ugu gudbiyan waftiga uu hogaaminayey madaxweenha Somaliland mudane Axmed maxamed Maxamuud.

Gabagabaddii Gudida Somaliland society UK “SSUK” Waxay Shacbiga Somaliland UK ugu baaqayaan:

-In marxalada iyo duruufaha inagu soo fool leh inooga baahanyihiin  isku duubni iyo wadajir iyo in aynu is garab taagno dadaalka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee xukuumada Somaliland  ugu jirto ictiraaf raadinta, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha guud ahaanba.

-Waxaanu sidoo kale ku dhiirinaynaa xukuumadu inay sii wadaan dadaalka ay ku jiraan dulqaadna u yeeshaan dhaaliilaha shacbigu u soo jeedinayaan una qaadanin arin shakhsi se u arkaan toosin iyo wax is tusba.

Sidoo kale gudida SSUK waxay ka codsanayaan dhamaan waxgaradka, odayaasha, masuuliyiinta sadexda xisbi qaran ee dagen UK, Somaliland mission, SSUK iyo SSE in ay sida ugu dhakhsaha badan u yeeshaan kulan lagaga arinsanayo sidii wadajir iyo is afgarad loogaga bixi lahaa arimaha ku yimaada ama soo wajaha bulshda.

Kulankaas oo  gudida SSUk sida ugu dhakhsaha badan dib uga soo sheegi doonaan madasha iyo goorta la qabandoonaba.

Allaa mahad leh

Guddida, SSUK

London

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories