HomeJaaliyadda Somaliland ee Norway oo Dhaqaale Culus kaga Qayb-qaatay Gurmadka Suuqa Waaheen

Jaaliyadda Somaliland ee Norway oo Dhaqaale Culus kaga Qayb-qaatay Gurmadka Suuqa Waaheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Oslo (SLpost)- Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, waxa Xalay lagu qabtay Munaasibad shahaado-Sharafyo lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad udub dhexaadka u ahaa gurmadka qaadhaan ururinta ay Jaaliyadda Somaliland u sameeyeen masiibadii Suuqa Waaheen iyo ganacsatadii ku hantibeelay.

Shaqsiyaadka is-xilqaamay oo muddo bil ku siman hawshan u huray maal, maskax iyo muruq ba, isla-markaana dhaxanta iyo roobka ku dhex shaqayn jiray, ayaa looga mahadceliyey hawlgalkaa wax ku-oolka ah ee ay fuliyeen, iyo sidii ay uga damqadeen dadkaa loo gurmanayey ee ku xoola beelay dabkii suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Waxaana dadka shahaado-sharafyada guddoonsiiyey Wakiilka Somaliland u jooga Norway, Maxamed Axmed Aadan (Liilan)

sidoo kale, Munaasibadan Ayaa Lagu Shaaciyey Dhaqaalaha Kasoo Xarooday qaadhaankii Jaaliyadda Norwey ay Ugu Talagashay Masiibadii Ku Habsatay Suuqii Xudunta u ahaa Ganacsiga Somaliland, dhaqaalahaasi Guud ahaan la soo ururiyey ayaa lagu sheegay Hal Miyan, Siddeed Bqol iyo Shan iyo Konton kun , , lix boqol iyo saddex iyo sagaashan krone ( 1,855, 693 Kr.) taasi oo u dhiganta lacag ku dhaw 200.0000 kun oo dollar

Qadarkan Lacageed ee loogu talagalay Suuqa Waaheen ayaa Jaaliyada Norwey ayaa Habeen Iyo Maalinba u tafaxaydatay Sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Taakulada Dadka Walaalahooda ee ku hanti beelay Suuqaasi Waxana Xusid Mudan iyadoo wadooyinka Waaweyn iyo suuqyada lagu arkayey Dad isxilqaamay oo lacagaha kasoo ururinaya Waddooyin meelaha La Iskugu Yimaado Xili dalkaasi uu baraf xoogani ka da’ayey dalka Norwey.

Waxaana sidoo kale Xusid mudan Xafiiska Safaarada Somaliland Ee Dalka Norway oo gadhwadeen u ahaa isku dubaridka, kaalin Muuqaatana ku lahaa abuubulka iyo maamulka qaadhaan ururinta Dhaqaalahan soo xarooday kaas oo uu kaga duwanaa jaaliyada kale oo halmeel la iskugu keenay dhaqaalihii guud ahaanba dalkaasi uga soo xarooday tabarucaadka Suuqa Waaheen.

Munaasibadan Dhaqaalaha Lagu Wareejinayey ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Safaarada Somaliland ee dalka Norwey waxaana kasoo qayb galay badiba jaaliyadda Iyo Masuuliyiinta Xafiiska Safaarada Waxaana ugu horey ka hadlay odayaashii iyo dadkii ka qayb qaatay Qadhankan

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Norway Maxamed Adan (Liilan) ayaa gabagabadii khudbad uu ka jeediyey munaasibadaasi uga mahadnaqay dhamaan dadkii isxilqaanka iyo tabarucaadka dhaqaale ururinta ka qayb qaatay

Waxaanu Xusay in jaaliyadda Norwey kaalintoodii kasoo baxeen marka loo eego tirada dadka ka joogo oo aad uga yar dalalka sida UK oo kale Qaarada yurub, isagoo danjire liinan guddoonsiyey dadkii ka hawlgalay gurmadkii suuqa waheen Shahaadooyin ( Certificate of Appreciation ) una mahadneqey sida fiican ee ay ugu damqaadeen walaalahood, ee ay u kaalameyeen.

Guud ahaan wadarta lacagti la soo uriryey waa Hal Miyan , Sideed Biqol iyo Shan iyo Konton kun , , lix boqol iyo saddex iyo sagaashan (1,855, 693 Kr.) oo ah lacagta dalka Norway ee Krone.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories