HomeJaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo taageero aanay u kala hadhin u...

Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo taageero aanay u kala hadhin u muujiyey Urur-siyaasadeedka WADANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti, 29 January, 2012 (WADANI)- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa si weyn u taageeray Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah Ururrada siyaasadda Somaliland oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

blankMunaasibad ballaadhan oo 27/01/2012, lagu qabtay Hoolka Tamarind Bristo oo ku yaal Madaarka calamiga ee magaalada Jabuuti, taasoo ay ka soo qaybgaleen dad fara badan oo isugu jira Rag iyo Haween ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu taageero Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo guud ahaanba Ururka WADANI, waxaana ugu horreyn Xafladda ka hadashay Aamina Cabdi oo xubin ka ah Jaaliyadda Somaliland ee Jabuuti , waxanay faahfaahin ka bixisay ujeeddada ay kulankaas u qabteen ee ay isugu yimaaddeen. “Waxaynu caawa isugu nimi oo aynu Xafladdan quruxda badan halkan ugu qabannay haddaynu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Jabuuti inaynu taageero ugu muujinno Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah Ururrada siyaasadda Somaliland, ahna ururkii ugu horreeyey ee isu diiwaangeliya Urur-siyaasadeed, kaasoo uu Guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayey tidhi Aamina Cabdi.

blankMarwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi; “Urur-siyaasadeedka WADANI waxaynu la garab-taagannahay hiil, hoo iyo taageero buuxda, waxaanannu leenahay waddani ha guulaysto, haddaannu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti. Sababta aannu u taageerayno Urur-siyaasadeedka WADANI waxa weeye waxaannu u aragnay inuu WADANI yahay Urur-siyaasadeedka kaliya ee Qaranka Somaliland metali kara, ee maanta wadi kara dadka iyo dalka Somaliland.” Waxaanay Marwo Aamina u soo jeedisay guud ahaanba bulshada reer Somaliland dibed iyo gudo meel kasta oo ay joogaan inay taageero hiil iyo hooba leh isla garab-taagaan Urur-siyaasadeedka WADANI oo ay ku tilmaantay mid lagu aammini karo hoggaaminta Qaranka Somaliland ee mustaqbalka.

blankShugri Balayax, oo kulankaa ka hadashay ayaa halkaa ku soo bandhigtay Buraan-bur ay ku muujinayso taageerada ay u hayaan Urur-siyaasadeedka WADANI, kaasoo ay ku tilmaantay mid Somaliland halka ay maanta joogto hore uga dhaajin karo haddii uu ku guulaysto doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan sannadkan iyo sannadaha soo socda ee golayaasha deegaanka, Baarlamanka iyo Madaxtooyada Somaliland oo iyadu ugu dambayn doonta oo la filayo inay afar sano ka dib qabsoonto. Waxaanay Shugri u mahad-celisay dadka faraha badan ee isugu yimi Xafladdaas iyo qaban-qaabiyayaasha suurageliyey qabashada Munaasibaddaa Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti isugu yimaaddeen kuna taageereen Urur-siyaasadeedka WADANI habeennimadii ay Bishani 27-ka ahayd.

blankGuddoomiyaha Jaaliyadda Md. Cabdiraxiim Cali, oo gebagabadii Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, gaar ahaan Caasimadda dalkaas ee gartay inay halkaa ka soo taageeraan Ururrada siyaasadda dalkooda Somaliland ka ay u arkayaan in hoggaaminta dalka iyo dadkaba lagu aammini karo mustaqbalka, waxaanu aad ugu mahad-celiyey dadka xafladdaa isugu yimi. Guddoomiyaha Jaaliyaddu waxa uu sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo sidoo kale Ururka uu horkacaya-ba, isaga oo sheegay inay taageero hoo iyo hiil-ba leh la garab-taagnaanayaan WADANI maanta illaa maalinta doorashooyinka oo uu xusay inay u rejaynayaan guul. “Maanta iyo maalinta doorashadaba waannu garab-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI ee uu Guddoomiyaha u yahay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaan ballan-qaadayaa aniga oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti inaannu hoo iyo hiil-ba la dhinac-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI, oo aannu maalinta doorasho la gaadhana codkayaga diyaar ula nahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee deggan waddanka Jabuuti. Waxaanu intaa ku daray; “Waxaannu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro Illaahay uga baryaynaa inuu talada dalka Somaliland ku guuleeysto, una fududeeyo hawsha culus ee hoggaaminta Ururka iyo Qarankaba ah ee uu hayo.”

blankWaxa Xafladdaa lagu soo bandhigay Heeso cusub oo uu leeyahay Urur-siyaasadeedka WADANI oo dadweynihii Munaasibaddaa ka qaybgalay aad uga mafsuudeen dhagaysigooda, kuwaasoo la daaray wakhtigii nasashada iyo sharaab-cabbidda Xafladdaas oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay oo bilic iyo degganaansho badan laga dheehanahay, iyaga oo dadka ka soo qaybgalay farxad iyo dhoolla-caddayn badani ka muuqdeen wejiyadooda.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories