HomeJaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo Abaalmarinno guddoonsiiyay Shakhsiyaad ay wax-qabadkooda ku...

Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo Abaalmarinno guddoonsiiyay Shakhsiyaad ay wax-qabadkooda ku maamuuseen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka jabuuti (Somaliland Community In Jabuuti) ayaa abaal-marin sanadeed gudoonsiiyay shakhsiyaad isugu jira Wasiiro, Ganacsato Iyo Ururada Bulshada, kuwaas oo ay u soo xusheen inay sannadkii hore wax-qabad balaadhan ku talaabsadeen.

hhhhMunaasibadii loo sameeyey guddoonsiinta Abaal-marinta sannadkan dhaafnay 2013 ilaa 20014-ka oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay hoggaanka Ururka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti, Wasiiro, Ganacsato, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdinaasir Axmed Ibraahim ayaa ka waramay sababta ay Ururkoodu shakhsiyaadkan ugu soo xusheen inay waxqabad ku talaabsadeen,ayaa waxa uu yidhi, “Waa sanadkii labaad ee Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti abaal-marin sanadeed ay gudoonsiiso shakhsiyaad ay u aragtay jaaliyadu inay dalka wax-u-qabteen, oo isugu jira Wasiiro,Ganacsato iyo ururada Arrimaha bulshada. U-jeedada ugu weyn ee ay jaaliyadu ka leeyihiin abaal-marintani waxa weeyaan in masuuliyiinta horumarka ka sameeyey shaqada ay bulshada u hayaan lagu dhiiri-geliyo inay halkaasi meel ka sii sareysa gaadhsiiyaan.”

jjj1“Jaaliyadu sidoo kale, waxa hawlaha ay qabatay ka mida qaban-qaabinta munaasibadaha Xusaska qaranka Somaliland ee 18 May, iyo 26 June,iyo Soo dhaweynta masuuliyiinta Somaliland markay socdaalka ku yimaadaan dalka Jabuuti, isku xidhka labada bulsho ee Somaliland Iyo Jabuuti ee walaalaha ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinka ka dhaca Somaliland, iyo arrimo kale oo fara baddan,” ayuu yidhi Cabdinaasir

Ururka Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa waxay abaal-marin sanadeedka gudoonsiiyeen Wasiirada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed),Guddoomiyaha Jaamacada GOLIS ee Magaalada Hargeysa Prof Siciid, Marwo Luul Xasan Mataan,Maamulaha Dugsiyada Nuura-Diin Mahad Ibraahim Maxamed, Shirkadda Zamzam Food Industry, Shirkadda Digaaga ee Maandeeq,Weriye Maxamed Xasan Cali (Weji), iyo Ururka Somaliland Youth Group.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories