HomeJaaliyada Somaliland ee Minnesota Oo Xaflad Il-yartu Isqabatey Soo Dhaweyn Ugu Sameeyey...

Jaaliyada Somaliland ee Minnesota Oo Xaflad Il-yartu Isqabatey Soo Dhaweyn Ugu Sameeyey Madaxda Xisbiga UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Minnesota (SLpost)- Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka magaaladiisa Minneapolis ayaa Xaflad soo dhaweyn ah u sameeeyey Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen Iyo Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) habeenimadii Axadu soo galaysay ee aynu soo dhaafnay.

1

Munaasibadan soo dhaweynta ayaa waxa ka soo qeybgalay madaxda xisbiga Republican party ee dalka Maraykanka madaxdiisa heer qaran ee Congress-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolkaasi,Jaalliyadda reer Somaliland,iyo taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo si meeqaam sare ah u soo dhaweeyey.

Waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiin xisbiga iyo jaalliyada reer Somaliland ka kooban iyo weliba madaxdii Xisbiga Republican party oo soo dhaweeyay madaxda.

3Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay Siyaasada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee dalka Somaliland iyo xisbi ahaan waxa ay ka damacsan yihiin.

Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen oo isaguna halkaasi ka jeediyey khudbad taariikhiya ayaa waxa uu aad uga hadlay xaalada guud ee wakhtigan Somaliland mareyso,iyo qorshayaasha uu Xisbiga UCID damacsan yahay.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Jamaal ka hadlaya arrimaha dhaqaalaha iyo sida loo kobcin karo,arrimaha ictiraafka Somaliland, waxa ay UCID ka aaminsan tahay shirarka Soomaalida London loogu qabanayo bisha May ee sannadkan.

Jamaal wuxuu halkaasi ka cadeeyay in qaddiyadda Somaliland inay tahay geed ka go’an oo aanay marnaba ku xidhnayn mansab la siiyo Somaliland.

4Murashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal waxa uu soo bandhigay jidka ugu haboon ee uu xisbiga UCID u mari karo horumarinta waddanka haddii-ba ay ku guuleystaan doorashooyinka soo socda, haddii ILAAHAY idmo.

Jamaal wuxuu si qurux badan u iibiyey qaddiyadda Somaliland iyadoo ay halkaasi dhegaysanayeen dad iyaguna ka soo jeedda waddanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay iyo inay dantooda tahay in maanta ay Somaliland noqoto waddan sida Jabuuti oo ay cadahayba inay ku soo barakaceen.

Jamaal iyo Axmed keyse waxay si fiican u qanciyeen dadkii halkaasi isugu yimid oo isugu jiray,odoyaal, haween, dhalinyaro, fanaaniin, Abwaano, iyo aqoonyahano tiro baddan oo Soomaali iyo caddaan-ba lahaa.

Axmed-Kyese-and-Jamaal-475x475Kadib markii ay xafladii dhamaatayna waxaa laba abaal-marin la kala gudoonsiiyey Murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Jamaal Cali Xuseen iyo Axmed Keyse, waxaana abaal-marintaasi guddoonsiiyey oo bixiyey ururka dhalinyaradda iyadoo loo siiyey hogaamintii fiicnayd ee ka dhex muujiyeen xisbiga UCID oo ku guuleystay tartankii doorashadii golayaasha Deegaanka Somaliland.

Ugu danbeyntiina waxa halkaasi lagu soo gunaanaday heeso waddaniya sida tii calanka iyo heeso cusub oo fanaaniinta reer Minnesota ay u qaadeen xisbiga UCID, waxaanay tani muujisay in xisbiga UCID oo taageero baddan ka kasbaday gobolkan Minnesota, waxaanay xafladdii ku dhamaatay jewi farxad leh.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories