Home"Iyadoo Lagu Jiro Bishii Ugu Taariikhda Badneyd May Ee Dalka Ayey Idaacadii...

“Iyadoo Lagu Jiro Bishii Ugu Taariikhda Badneyd May Ee Dalka Ayey Idaacadii Qaranku Hawada Ka Maqantey, waxase kaba Siiyaab Badan Mashiinadii Korontada Oo Iskaraab ahaan loo Iibiyey” – Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay,

Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

Muddaahanada beenta ah kuwii, nagu maqaar-saaray,

Mas waabaydii lama dhuunyadiyo, midho-dhunkaaleede,

Manfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida e?,

(Alle ha unaxariisto Abwaan Timacadii waa murdidiisii)

Sidaynu wada ogsooney waxaa mudo laga joogaa xiligii uu xadhiga ka jarey madaxweynaha Somaliland Idaacada Radio Hargeysa mudo ah Lixbilood iyo 13 cisho waana idaacdii ugu wayneyd ee lakeeno Somaliland oo aheyd 100 kw ama boqol kilo waat waxa ay hada tiraba mareysaa inay hawada ka baxdo mudo afar jeer ah .

3 Cisho ayey hada hawada toos uga maqantey idaacadii radio hargeysa iyadoo waliba ay maalintii shaley ay gubatey  oo aan aayo dambe iyo rajaba laga qabin waxaa taasi kabasii yaab badan oo aad layaabeysaa marka ay labadii masuul ee wasiirkii iyo kuxigeenkiisuba ay ka maqanyiin ee aanay war ba u hayn idaacadii dhameyd ee qaranka oo hawada ka maqan .waxaa halkaa ka muuqata inay kooxyar oo afduubi wasaaradii ay sida ay kolba jecelyiin ka yeelayaan.

Waxaa hadba dhacdey  in iyadoo ay tahey bishii ugu taariikhda badneyd ee dalka jamuuriyada Somaliland ay idaacdii qaranku hawada ka maqantey waa ayaan darooyinka ku habsadey wasaaradii warfaafinta iyo wacyigalinta  oo ilaa hada aan cidka hadashay gubashada idaacadii 2milyan ee $ dollar ku baxeen aan laga hadal ee ilaa madaxdii aamusanyiin.

Waxaa jirta arinkalo ah 3 mashiin oo ah kuwo idaacada ushaqeynaayey in uu agaasimaa farsamada axmed saleebaan weyney iyo agaasimaa guud c/rashiid yuusuf jibriil ay iibiyeen kuwaas oo ay maalmo dhaweyd is yidhaahdeen iskaraab ahaan xerada uga saara balse ciidamada ilaalada ee wasaarada warfaafintu ay diideen in laga saaro xerada iyadoo ay markii dambe waraaqo lagula baxayo uu sameeyey agaasimaa guud sidaana lagaga saarey wasaaradii oo la iibiyey waa ayaan daro in agabkii qaranka lagu cuno iskaraab ahaan .

Halkaa waxa ka cad awooda ay leeyihiin wiilasha ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo ah kuwo la dagey wasaarada  ilaa hada kusimaa madaxweynaha oo ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland eng. Saylici  waxa uu ka riwaayey inuu arinkan iyo sida uu udhacey midna ka hadlo oo uu ka gaabsadey halka masuulkii wasaarada iyo ku xigeenkiisiina aanay cagahaba soo galin.

Mudo laga joogo shan 5 bilood ayaa shaqaale masaakiina laga ga ceydhiyey shaqada shidaalka mishiinada ayaad cuntaan manta miyaaney xaq hadii la eegaayo aanay kuwani cadeysan inaya agabka qaranka iibsadaan hadaba hadii inuun qaranka dan laga leeyey ama cadaalad lagu dhaqmaayo oo shaqaaluhu simanyiin waa in ugu horeyn Axmed saleebaan weyne iyo C/rashiid yuusuf jibriilba la horgeeyaa maxkada dalka laguna qaadaa hantida qaranka ee ay iibsadeen.

Waa in sidoo kale gubashada idaacada loo saaraa gudi baadha waayo idaacadu waxay dalka , dadka iyo qarankaba ku fadhidaa qiimo weyn waana muhiim iyadoo waliba la ogaan doono sababta maalintii shaley idaacada loo gubey iyadoo la ogsoonyahey inaynu kujirno bishii ugu unaasibadaa badneyd ee dalka jamuuriyada Somaliland, hadba waa in arintan si wadaniyad iyo cadaaladba ah loo baadhaa oo ragaa dhamaantood maxkamad la soo taagaa.

Intaas ayaan maqaalkan gaaban ku soo koobayaa

image

DHAMAAD

GUUL ALLA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories