HomeCIYAARAHA GOBALLADA IYO DAREENKEYGA-2 (FINALKA MAROODIJEEX IYO HAWD) - Ahmed Arwo

CIYAARAHA GOBALLADA IYO DAREENKEYGA-2 (FINALKA MAROODIJEEX IYO HAWD) – Ahmed Arwo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
axmed carwoWaa gabagabadii ciyaariha tartanka goballada. Waxa foodda is daraaya laba gobol oo isku gobal ahaa muddo yar horteed. Dadkooduna weli kala garan la’ yahay kan ay yihiin. Waxaan ku koray oon ku barbaaray labada magaalo ee Hargeysa iyo Baligubadle. Waxaan u aqaan labadeyda gacmood. Waa deeganka keliya een dhul iyo guryaba ku leeyhay. Waxa ila mid ah dad badan oo labadaba u arka gobalkoodii. Si gaar ah Degmada Axmed Dhagax oo ah degmo ka tirsan Gobalka Maroodi Jeex iyo Baligubdle oo xarun u ah Gobalka Hawd.
Waa farxad iyo faanfaan kol haddii labadan gobal ee haddana isla gobalka ihi ay muujiyeen sanadkan iyo kii horeyba inay yihiin hormoodka kubbadda cagta ee qaranka Soomaliland. Waa inoo guul iyo faan, waa inoo sharaf iyo maamuus, waa inoo xarfad iyo aqoon isboorti, waxaynu noqonay macalimiinta kubbadda oon cidi inagu heysan.
Waxaa hubaal ah in taageerada labada gobal ka muuqan doonto iyadoo la buux dhaafiyo garoonka. Waxa waajib ah in la muujiyo taageero hufan oo ka marag kacaysa walaaltinimada labada gobol. Walaalo ma aha ee runtii waa isla qof keliya, waa ruux keliya. Waa asalkii Hargeysa oo tarmay dhalayna gobal kale. Waxa la gudboon ciyaartooygu inay taasi ka muuqato. Ciyaar ahaan leysu tudhimaayo, waa se inay ka maqnaataa xanaaq iyo xurguf aan la qaadan karin. Hab-dhaqanka ciyaartooga ayaa hoggaamiya akhlaaqda dadweynaha daawanaaya.
Waxaan ahaa nin ku farxasanaa mar kasta oo labadan gobal guuleystaan. Maanta se waxaan ahayn inaan u sacab tumo marba ka ciyaar wanaagsan,  xarafdda wacan, ka cidhibta ku dhiiba, iyo ka shiishka wanaagsan  maahee wax kale ma jiraan.Waa guul tan ugu wanaagsan kolka caadifad la’aan aad u daawanayso kubbadda, gaar ahaan kolka labada dhinacba aad ku faraxsantay.
 Xalay ayaan daawanayey ciyar dhexmartay xulka qaranka ee Jabaan iyo Talyaaniga..walaahi ciyaar ka macaan inaanan arga sannado..maan kala jeclayn laakiin waxaan daawanaayey xeeladda iyo xarfadda meesha taala. Xarfad iyo xarago iyo hogaamin kubadeed waxa ku horeeyey Jabaan, nasiibkuna waxuu la jiray Talyaani oo 4 iyo 3 kaga badiyey. Birtay dhinac kaga dhacday, haddana dushay kaga dhacday, haddana farbuu kaga saaray..si walba wey yidhaahdeen weyse diiday inay shabaga ruxdo. Cidina iskumay xanaaqin ee si wacan ayaa leysu sagootiyey. Ku darsoo garoonka 80% waxuu taageeraayey Jabaan. Brazil waxa ku nool laba mjlyan oo asalkoodu ka soo jeedo Jabaan. Haddey Jabaan iyo Talyani sidan ku ciyaareen, maxa looga baqayaa inay si wacan oo nadiif ah ay ku ciyaaraan ciyaartooy isla qoys ihi.
Wax kale ayaanu wadaagna aniga iyo labadan gobal. Waa siyaasadda waa taageerayaashi KULMIYE ee doorashada Madaxweynha, maantana dalka Madaxweynha ay doorteen ayaa ka taliya, berrina isagaa marti loo yahay odhanmaayo isagaa marti inoo ah, waaba madaxeenii oo isagaynu dooranay. Waa iyana Alle mahadi ha ka gaadhee, la soo afjaray khilaafkii XAQSOOR IYO XUKUUMADDA.
Intaas oo dhammi waxay ii xaqiijinayaan in ciyaarta berrito noqon doonto mid nadiif ah, mid xarfad iyo xeeladi u sal tahay, mid ka farxin doonta daawadayaasha gudo iyo debedba, mid koobka loo hanneen doono oo farxadda lala qaybsan doon kii badiya. Hadda ogow kan kaleba waa guuleystay oo 11 gobal ayuu boodhka cunsiiyey. Waa guul iyo guul kale.
Dardaaran kale, waxa habboon boolisku inay hawsha qunyar socodnimo ku galaan oyna noqon kuwa qaska sii shida, waa in mamulka loo daayaa garsoorayaasha, askartuna ay noqodaan kuwa ugu dambeeya ee la miciinsado haddii loo baahdo, Insha Allah loo baahan mayo. Usha intayna qaadan hadal iyo waanwaan ha ku dhaqaaqaan. Siyaasin loogama baahan garoonka.
Cidhiidhiga iyo isku xoonka Madaxeynaha ha laga daayo kolka uu koobka bixinaayo bal dadku si wacan how daawadeen ee madaxdu yeyna ku xoomin madaxweynaha. Munaasabadaha lama arko lamina maqlo madaxweynha hadalkiisa, waana mid aan habboonayn,nabadgelyadana uma fiicna. Arrinkaas waxaan si gaar ah uga codsanayaa saaxiibkey Wasiir Xirsi inoo ka hawl galo. Ma aha in madaxdu iyagu abuuraan buuq.
Maan iloobin sidii sharafta ahyd eey u ciyareen isla laba gobal oo isla mid ahaa waa Maroodijeex iyo Gabiley, caawana mar kale ayey isku hirdiyayaan koobka kubbadda koleyga. Waxaa hubaal ah inay sidii ay tan cagta ka yeeleen ay tana la mid noqon doonto. Waxaan ahay nin farxad ku jiray ayaamahan. Waa la tartamaa mise gobalkeygiiba guuleysta. Waa MAROODIJEEX maroodijeex kale ay koobka isku haystaan. Ma sha Allah, waa guul. VIVA Gabiley, Hawd iyo dabcan halka magacu ku hadhay Maroodijeex. Waa Hargeysa iyo dhasheedii.
Salaani korkiina ha ahaato, hanbalyo qaali ahna heyga guddoomaan labayda gobol Mardoodijeex iyo Hawd. Hanbalyo la mid ah ayaan u fidinayaa dhammaan ciyaartoygii tartanka ka qayb galay, maamulayaashi, ciidamada, si gaar ah Wasiirka iyo Wasaaradda Ciyaaraha iyo dadweynha ay hormoodka ka yihiin daawadayaashu oon laáantood ciyari jirteen. Waxii tusaalayn iyo toosin ah aan u dhigto damaashaadka dabadeed.
Nabad iyo nabad ayaan idiin rajeynayaa.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxwynha ee Dhaqaalha,
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories