HomeItoobiya oo Xuduudeeda Ka soo Tallaabisay Wabar

Itoobiya oo Xuduudeeda Ka soo Tallaabisay Wabar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-  Dagaal-Ooge Abiibakar Cilmi Wabar ayaa Muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay inuu soo galay gudaha Somaliland. Wabar oo ah Suldaan ka falaagoobay Somaliland, islamarkaana maleeshiyo ku haystay xuduuda Somaliland iyo Ethiopia ayaa sheegay inuu shalay ka badbaaday qorshe lagu qabanayay, islamarkaana Ethiopia amartay inuu dalkeeda ka baxo.

 

“ Shalay Shirqool fool xun oo na loogu talo galay in nalagu waxyeeleeyo  Illaahay mahadii waanu ka badbaadnay. Shirqoolladuna meeshii siyaasadi ka jirto ama talo la isku hayaa ka jirto way ka dhacaan, in laga digtoonaado oo laga tashado uun baa muhiim ah. Waanu ka badbaadnay ee sidaas Ogaada,” ayuu ku yidhi Muuqaalka Wabar iska soo duubay oo u muuqda inuu dadka taageera u dirayay.

 

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay inuu qaatay amar Ethiopia laga siiyay oo ah inuu dalka ka baxo “Dhinaca Ethiopia ee xuduuda qarka Ethiopia ka xiga  dadkayga ugu badan ee I doortay ayaa deggan(Yaala), waanan joogi karaa. cid igu qabsata inaan ka tagaana cid gardaran weeyaan. Amar khaldan oo dawlad weynta Ethiopia aan ka soo fulin ayaa shalay qaybo ka soo fulay, waanu qaadanay amarkii xuduudana waanu dhaafnay oo qaybta kale(Somaliland) ee la iga doortay ayaanu tagnay.

 

Illaahay mahaddii maalinta aan doonana waan ku noqon karaa Ethiopia, sidaasi awgeed, nimankii moodayay inaan ka maqnaan karo Ethiopia ama la iga kaxayn karo way arki doonaan anigoo jooga. Haddaan magaalooyinka Ethiopia degana illaa Addis Ababa ayaan mari karaa degi karaa oo dadkaygu degan yahay,” ayuu ku calaacalay Wabar.

Dawladda Ethiopia ayaa la sheegay in shalay ay ciidamadeedu hawlgal ka fuliyeen degaanka Awbarre ee gudaha Ethiopia kuna  dhaw xuduuda Awdal la leedahay Ethiopia, halkaasi oo kooxda Wabar qaarkeed ay ku qabteen. Arrintan ayaa u muuqata inay hirgalinayso heshiiska labada dal ku gaadheen in ammaanka laga wada shaqeeyo.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories